Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Tukashadii Xannaah
2 Markaasaa Xannaah tukatay oo waxay tidhi:
Qalbigaygu Ilaah buu ku faraxsan yahay,
Geeskaygana Rabbigu kor buu u qaaday.
Afkayguna wuxuu u faanaa cadaawayaashayda,
Maxaa yeelay, waxaan ku reyreeyaa badbaadintaada.
2 Mid quduus ahu sida Rabbiga ma jiro,
Waayo, adiga mooyee mid kale ma jiro,
Oo dhagax weyn oo Ilaahayaga la mid ahuna ma jiro.
3 Hadal dambe oo saas u kibir badan ha ku hadlina;
Afkiinna yaanu kibir ka soo bixin;
Waayo, Rabbigu waa Ilaah wax walba yaqaan,
Falimahana isagaa miisaama.
4 Raggii xoogga badnaa qaansooyinkoodii waa jajaban yihiin,
Oo kuwii kufkufayayna itaal bay guntan yihiin.
5 Kuwii dhergi jiray waxay naftooda u kiraysteen kibis aawadeed.
Kuwii gaajaysnaana way gaajo baxeen,
Oo madhashadiina waxay dhashay toddoba,
Oo tii carruur badan lahaydna way taag gabtay.
6 Rabbigu wax buu dilaa, wuuna soo nooleeyaa;
Qabriguu wax geliyaa, wuuna ka soo bixiyaa.
7 Rabbigu isagaa wax masaakiin ka dhiga, isagaana taajir ka dhiga.
Wuu hoosaysiiyaa, wuuna sarraysiiyaa haddana.
8 Oo miskiinka ciidduu ka kiciyaa,
Oo ka baahanna tuulmada digada ayuu kor uga qaadaa,
Si uu amiirrada ula fadhiisiyo,
Oo ay carshiga ammaanta u dhaxlaan;
Waayo, tiirarka dhulka Rabbigaa leh,
Oo dunidana iyaguu saaray.
9 Kuwiisa quduuska ah cagahooda isagaa dhawri doona,
Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu aamusiin doonaa gudcur dhexdiis;
Waayo, ninna xoog kuma adkaan doono.
10 Kuwa Rabbiga la dirira waa la kala jejebin doonaa;
Oo iyaga samaduu kaga soo onkodi doonaa,
Rabbigu wuxuu xukumi doonaa darfaha dunida;
Oo wuxuu xoog u yeeli doonaa boqorkiisa,
Oo wuxuu sarraysiin doonaa geeska kiisa subkan.
Rabbiga Oo U Yeedhaya Samuu'eel
3 Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuxuu Rabbiga uga adeegi jiray Ceelii hortiisa. Oo wakhtigaasna erayga Rabbigu wax aan marar badan la helin buu ahaa, oo muuqasho bayaan ahna lama muujin. 2 Oo wakhtigaas markii Ceelii jiifsaday meeshiisii, (haddaba indhihiisii way arag darnaayeen oo waxba ma uu arki karin) 3 oo laambaddii Ilaahna aan weli la demin, oo Samuu'eelna jiifsaday macbudkii Rabbiga, kaasoo ah meeshii sanduuqa Ilaah yiil, 4 ayaa Rabbigu Samuu'eel u yeedhay, oo isna wuxuu yidhi, Waa i kan. 5 Markaasuu Ceelii ku orday, oo wuxuu ku yidhi, Waa i kan, waayo, waad ii yeedhay. Kolkaasuu yidhi, Anigu kuuma aan yeedhin, ee iska jiifso. Markaasuu tegey oo jiifsaday. 6 Markaasaa Rabbigu haddana u yeedhay oo yidhi, Samuu'eelow. Kolkaasaa Samuu'eel kacay oo Ceelii u tegey, oo wuxuu ku yidhi, Waa i kan, waayo, waad ii yeedhay. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Wiilkaygiiyow, kuuma aan yeedhin ee iska jiifso. 7 Haddaba Samuu'eel weli ma uu aqoon Rabbiga, oo welina erayga Rabbiga looma muujin isaga. 8 Oo haddana Rabbigu wuxuu Samuu'eel u yeedhay mar saddexaad. Oo isna wuu kacay oo u tegey Ceelii, wuxuuna ku yidhi, Waa i kan; waayo, waad ii yeedhay. Oo Ceeliina markaasuu gartay in Rabbigu u yeedhay yarka. 9 Sidaas daraaddeed Ceelii wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Tag oo iska jiifso, oo waxay ahaan doontaa, hadduu kuu yeedho inaad ku tidhaahdid, Rabbiyow ila hadal, waayo anoo addoonkaaga ah waan ku maqlayaaye. Sidaas aawadeed Samuu'eel waa tegey oo meeshiisuu jiifsaday. 10 Markaasaa Rabbigu u yimid, oo ag istaagay, oo sidii mararkii kale ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Samuu'eelow, Samuu'eelow. Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Ila hadal, waayo, anoo addoonkaaga ah waan ku maqlayaaye. 11 Markaasaa Rabbigu Samuu'eel ku yidhi, Bal eeg, waxaan reer binu Israa'iil ku dhex samaynayaa wax ku alla kii maqlaaba uu ka nixi doono. 12 Oo maalintaas waxaan Ceelii ku samayn doonaa kulli wixii aan reerkiisa kaga hadlay oo dhan, ilaa bilowgii iyo xataa dhammaadka. 13 Waayo, waxaan isaga u sheegay inaan reerkiisa weligiis u xukumayo dembigii uu ogaa, maxaa yeelay, wiilashiisii inkaar bay isku rideen, oo isna kama uu joojin iyagii. 14 Sidaas daraaddeed waxaan reerka Ceelii ugu dhaartay inaan reerka Ceelii weligiis dembigiisa lagu nadiifin doonin allabari amase qurbaan. 15 Markaasaa Samuu'eel iska jiifsaday ilaa subaxdii, oo dabadeedna wuxuu furay gurigii Rabbiga albaabbadiisii. Oo Samuu'eelna waa ka cabsaday inuu Ceelii muujintii u sheego. 16 Markaasaa Ceelii Samuu'eel u yeedhay, oo ku yidhi, Wiilkaygii Samuu'eelow, oo isna wuxuu yidhi, Waa i kan. 17 Markaasuu ku yidhi, Waxa Rabbigu kuu sheegay waa maxay? Waan ku baryayaaye, ha iga qarin. Ilaah ha kugu sameeyo waxaas iyo wax ka sii daranba, haddii aad iga qarisid innaba wixii uu kuu sheegay oo dhan. 18 Oo Samuu'eelna wuu u sheegay wax kasta, oo waxba kama uu qarin innaba. Markaasuu yidhi, Isagu waa Rabbiga, ee ha sameeyo wixii la wanaagsan isaga.
Masaalka Ku Saabsan Beerta Canabka Ah(A)
12 Markaasuu wuxuu bilaabay inuu masaallo kula hadlo iyaga. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo ood ku heraaray, dabadeedna god macsareed ka dhex qoday, oo munaarad ka dhisay, oo niman beerrey ah u kiraystay, oo dal kale tegey. 2 Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inuu beerreydii midhihii beerta ka soo qaado. 3 Markaasay qabteen oo garaaceen oo waxla'aan ku direen. 4 Haddana addoon kale ayuu u soo diray. Kaasay dakhreen oo ceebeeyeen. 5 Haddana mid kale ayuu u soo diray, wayna dileen; oo qaar kale oo badan ayuu diray. Qaar waa la garaacay; qaarna waa la dilay. 6 Weliba wuxuu lahaa wiil keliya oo uu jeclaa. Kolkii ugu dambaysay ayuu u soo diray isagii, oo wuxuu yidhi, Wiilkayga way maamuusi doonaan. 7 Laakiin beerreydii waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee, dhaxalkiina innagaa lahaan doonna. 8 Way qabteen, wayna dileen, oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen. 9 Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu samayn doonaa? Wuu iman doonaa oo beerreyda dili doonaa, dad kalena ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa. 10 Miyaanaydin weligiin Qorniinka ka akhriyin
Dhagixii kuwa wax dhisaa ay diideen,
Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.
11 Tanu xagga Rabbiga bay ka timid;
Oo waa ku yaab indhahayaga?
12 Markaasay waxay dooneen inay qabtaan, laakiin dadkay ka baqeen; waayo, way garteen inuu masaalka iyaga kaga hadlay, markaasay iska daayeen oo ka tageen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya