Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 113

113 Rabbiga ammaana.
Rabbiga addoommadiisow, ammaana.
Rabbiga magiciisa ammaana.
Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba
Rabbiga magiciisu mahad ha lahaado.
Qorraxdu markay soo baxdo iyo markay dhacdo inta ka dhex leh
Magaca Rabbiga waa in la ammaano.
Rabbigu quruumaha oo dhan wuu ka wada sarreeyaa,
Ammaantiisuna samooyinka way ka sii sarraysaa.
Bal yaa la mid ah Rabbiga Ilaaheenna ah,
Oo kursigiisa ku leh xagga sare,
Oo hoos u eega
Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba?
Wuxuu miskiinka kor uga qaadaa ciidda,
Oo kan baahanna wuxuu sara uga qaadaa meesha digada,
Inuu isaga la fadhiisiyo amiirro,
Kuwaas oo ah amiirrada dadkiisa.
Oo naagtii madhalays ahna wuxuu ka dhigaa inay reer hayso,
Iyo inay ahaato hooyo faraxsan oo carruur leh.
Rabbiga ammaana.

Bilowgii 24:28-42

28 Gabadhiina intay orodday ayay waxyaalahan dadkii guriga hooyadeed uga warrantay. 29 Rebeqahna waxay lahayd walaal magiciisa la yidhaahdo Laabaan. Markaasaa Laabaan dibadda u baxay oo wuxuu ku orday ninkii isha joogay. 30 Markuu arkay sangeliskii, iyo dugaagadihii gacmihii walaashiis ku jiray, oo uu maqlay hadalkii walaashiis Rebeqah, iyadoo leh, Sidan buu ninkii iila hadlay, ayuu u yimid ninkii oo bal eeg, wuxuu ag istaagay awrtii isha joogtay. 31 Oo wuxuu ku yidhi, Kaaga Rabbigu barakeeyeyow, soo gal, maxaad dibadda u taagan tahay? Gurigii waan soo hagaajiyey, awrtana meel baan u diyaariyey. 32 Ninkiina gurigii buu soo galay, awrtiina wuu furay, wuxuuna isaga awrtii ugu dhiibay caws iyo cunto, biyona wuu siiyey inay ku cago maydhaan isaga iyo raggii la socdayba. 33 Cuntona waa la hor dhigay inuu cuno: laakiinse wuxuu yidhi, Cuni maayo ilaa aan sheego farriintayda. Kolkaasuu yidhi, Sheeg. 34 Markaasuu yidhi, Waxaan ahay Ibraahim addoonkiisa. 35 Rabbigu aad iyo aad buu u barakeeyey sayidkayga, wuuna weynaaday: wuxuuna siiyey adhi iyo lo', iyo lacag iyo dahab, iyo rag addoommo ah, iyo naago addoommo ah, iyo geel iyo dameerro. 36 Saarah oo ahayd sayidkayga naagtiisii ayaa wiil u dhashay sayidkayga markay gabowday, oo wuxuu isaga siiyey wuxuu leeyahay oo dhan. 37 Sayidkayguna wuu i dhaariyey, isagoo leh, Wiilkayga waa inaanad naag uga guurin gabdhaha reer Kancaanka aan dalkooda degganahay. 38 Laakiinse waxaad u kacdaa gurigii aabbahay, iyo xigaalkaygii, oo wiilkayga naag uga keen. 39 Markaasaan sayidkaygii ku idhi, Waxaa laga yaabaa inaanay naagtu i soo raaci doonin. 40 Oo wuxuu igu yidhi, Rabbiga aan hortiisa ku socdo wuxuu ku raacin doonaa malaa'igtiisa, jidkaagana wuu kugu liibaanin doonaa, wiilkaygana naag baad uga guurin doontaa xigaalkaygii iyo gurigii aabbahay, 41 dabadeedna dhaartayda waxba kaama saarna, markaad u tagto xigaalkay; oo hadday iyada ku siin waayaan, markaas dhaartayda waxba kaama saarna. 42 Maantaan isha imid oo waxaan idhi, Rabbiyow, sayidkayga Ibraahim Ilaahiisow, haddaad haatan jidkayga aan ku socdo igu liibaanisid,

Luukos 4:16-30

Ciise Waa Laga Celiyey Naasared(A)

16 Markaasuu wuxuu yimid Naasared oo ahayd meeshuu ku koray, oo maalintii sabtida sida caadadiisu ahayd ayuu sunagogga galay, wuuna istaagay inuu wax akhriyo. 17 Waxaa loo dhiibay kitaabkii Nebi Isayos, oo goortuu kitaabkii furay ayuu helay meeshii lagu qoray,

18 Ruuxii Rabbiga ayaa i dul jooga,
Waayo, wuxuu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo,
Wuxuuna ii soo diray inaan kuwa xidhan furriinnimada ogeysiiyo
Iyo kuwa indhaha la' soo celinta araggooda
Iyo inaan kuwa nabaraysan soo furfuro,
19 Iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga.

20 Intuu kitaabkii duudduubay ayuu midiidinka u dhiibay oo fadhiistay; oo dadkii sunagoggii ku jiray oo dhan ayaa indhaha ku taagay. 21 Markaasuu bilaabay inuu ku yidhaahdo, Maanta Qorniinkan dhegihiinnu maqlay waa rumoobay. 22 Kulligood markhaati bay ahaayeen, wayna ka yaabeen hadallada nimcada leh oo afkiisa ka soo baxay, markaasay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn wiilkii Yuusuf? 23 Kolkaasuu ku yidhi, Shakila'aan waxaad masaalkan igu odhan doontaan, Dhakhtarow, isbogsii. Wax kastoo aannu maqalnay oo Kafarna'um lagu sameeyey, halkan dhulkaagana ku samee. 24 Markaasuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Nebina dalkiisa laguma aqbalo. 25 Laakiin runtii waxaan idinku leeyahay, Wakhtigii Eliyaas waxaa Israa'iil ku jiray carmallo badan oo nimankoodii ka dhinteen markii cirku saddex sannadood iyo lix bilood xidhmay oo abaar weyni dhulka oo dhan ka dhacday. 26 Laakiin middoodna Eliyaas looma dirin, naag carmal ah oo magaalada Sarefta oo dalka Siidoon ku jirtay maahee. 27 Wakhtigii Nebi Eliishaana waxaa Israa'iil ku jiray dad badan oo baras leh, midkoodna lama daahirin Nacamaan reer Suuriya maahee. 28 Markii kuwii sunagogga ku jiray oo dhan waxaas maqleen ayay aad u cadhoodeen. 29 Markaasay kaceen oo magaaladii ka saareen, waxayna u kaxeeyeen buurtii magaaladoodii ka dhisnayd qarkeedii inay ka tuuraan. 30 Laakiin isagu intuu dhex maray ayuu iska tegey.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya