Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Gabayga meelokoridda oo Sulaymaan tiriyey.
127 Haddaan Rabbigu guriga dhisin,
Kuwa dhisaya, waxtarla'aan bay u hawshoodaan,
Haddaan Rabbigu magaalada dhawrin,
Waardiyuhu micnela'aan buu u soo jeedaa.
2 Faa'iido idiinma leh inaad aroor hore kacdaan oo aad goor dambe seexataan,
Oo aad kibista dhibka cuntaan,
Waayo, wuxuu kuwuu jecel yahay siiyaa hurdo.
3 Bal eeg, carruurtu waa dhaxal xagga Rabbiga laga helo.
Oo midhaha maxalku waa abaalgudkiisa.
4 Sida fallaadho ku jira nin xoog badan gacantiis,
Sidaasoo kale weeye carruurta dhallinyaranimadu.
5 Waxaa barakaysan ninkii gabooyihiisa ka buuxsada iyaga,
Iyagu ma ay ceeboobi doonaan
Markay cadaawayaashooda kula hadlaan xagga iridda.
11 Markaasaa dadkii iridda joogay oo dhan iyo odayaashiiba waxay yidhaahdeen, Markhaatiyaal baannu ka nahay. Naagta gurigaaga soo gashay Rabbigu ha ka dhigo sidii Raaxeel iyo Lee'ah, labadaas oo ahaa kuwii dhisay reerkii Israa'iil; oo adna Efraataah ku barwaaqow, Beytlaxamna caan ku ahow. 12 Oo farcanka Rabbigu kaa siin doono naagtan dhallintayar reerkaagu ha ku noqdo sidii reerkii Feres, kaasoo ahaa kii Taamaar u dhashay Yahuudah.
Abtirsiinadii Daa'uud
13 Markaasuu Bocas kaxaystay Ruud, oo iyana waxay noqotay naagtiisii; kolkaasuu iyadii u tegey, oo Rabbiguna wuxuu iyadii siiyey uur oo waxay dhashay wiil. 14 Markaasaa dumarkii waxay Nimco ku yidhaahdeen, Mahad waxaa leh Rabbiga aan maanta xigaalla'aan ku dhigin, oo magiciisuna reer binu Israa'iil caan ha ku dhex ahaado. 15 Oo isna wuxuu kuu noqon doonaa naf-sooceliye iyo ku markaad gabowdo ku quudiya. Waayo, waxaa isaga kuu dhashay gabadhii aad soddohda u ahayd ee ku jeclayd, ee kaaga sii wanaagsan toddoba wiil. 16 Markaasaa Nimco wiilkii qaadday oo laabta ku jiifisay, oo waxay u noqotay tu xannaanaysa. 17 Markaasaa dumarkii deriska u ahaa magac u bixiyeen, oo waxay yidhaahdeen, Wiil baa u dhashay Nimco, oo magiciisiina waxay u bixiyeen Coobeed; oo isagu waa Yesay aabbihiis, kii Daa'uud dhalay.
15 Oo sidaas daraaddeed isagu waa dhexdhexaadiyaha axdiga cusub in kuwii loo yeedhay ay helaan dhaxalka weligiis ah oo la ballanqaaday, waayo, dhimashadu waxay u noqotay ka madaxfurashada xadgudubyada lagu sameeyey axdigii hore. 16 Waayo, meeshii dardaaran jiro waa lagamamaarmaan inuu kii dardaarmay dhinto. 17 Waayo, dardaaranka waa la fuliyaa meeshii dhimasho jirto, maxaa yeelay, waxba ma taro intii kii dardaarmay nool yahay. 18 Haddaba xataa axdigii hore laguma gelin dhiigla'aan. 19 Waayo, markii Muuse amar kasta kula hadlay dadka oo dhan sida sharcigu leeyahay, wuxuu qaaday dhiiggii weylalka iyo orgiyada, iyo biyo, iyo dhogor guduudan, iyo geed husob la yidhaahdo, oo wuxuu ku rusheeyey kitaabka qudhiisa iyo dadka oo dhanba, 20 isagoo leh, Kanu waa dhiiggii axdiga oo Ilaah idinku amray. 21 Sidaas oo kalena taambuugga iyo weelasha lagu adeego oo dhan ayuu ku rusheeyey dhiiggii. 22 Inta badan wax walba waxaa lagu nadiifiyaa dhiig sida sharcigu leeyahay, oo dhiigdaadinla'aan dembidhaaf ma jiro.
Isbixinta Ciise Masiix Waa Gooni
23 Haddaba lagamamaarmaan bay ahayd in u-ekaanta waxyaalaha jannooyinka ku jira kuwan lagu nadiifiyo; laakiin waxyaalaha jannada qudhooda waa in lagu nadiifiyo allabaryo kuwan ka wanaagsan. 24 Masiixu ma uu gelin meel quduus ah oo gacmo lagu sameeyey, oo u eg tan runta ah, laakiin wuxuu galay jannada qudheeda inuu hadda Ilaah hortiisa inooga muuqdo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya