Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
20 Rabbigu wuxuu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd,
Oo sidii ay nadiifsanaantii gacmahaygu ahayd ayuu iigu abaalguday.
21 Waayo, anigu waan xajiyey jidadkii Rabbiga,
Oo Ilaahayna si caasinimo ah ugama tegin.
22 Waayo, xukummadiisii oo dhammu hortayday yiilleen,
Oo qaynuunnadiisiina anigu iskama tuurin.
23 Oo weliba xaggiisana waan ku qummanaa,
Oo waan iska dhawray xumaantaydii.
24 Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd,
Iyo sidii nadiifsanaanta gacmahaygu ay ku ahayd indhihiisa hortooda.
25 Kii naxariis leh waad u naxariisanaysaa,
Oo ninkii qummanna waad u qummanaanaysaa.
26 Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa,
Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.
27 Waayo, waxaad badbaadinaysaa dadka dhibaataysan,
Laakiinse indhaha kibirsan waad soo dejinaysaa.
28 Waayo, waxaad daaraysaa laambaddayda,
Rabbiga Ilaahayga ah ayaa gudcurkayga iftiiminaya.
29 Waayo, adaan col kuugu dhex ordaa,
Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.
30 Ilaah jidkiisu waa qumman yahay,
Rabbiga eraygiisuna waa mid la tijaabiyey,
Isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
8 Oo habeenbadhkii ayaa ninkii argaggaxay, oo wuu isrogay, oo bal eeg, naag baa cagihiisa jiiftay. 9 Markaasuu ku yidhi, Tumaad tahay? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Waxaan ahay addoontaadii Ruud; haddaba macawistaada ku kor kala bixi addoontaada, waayo, waxaad tahay xigaal ii dhow. 10 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Gabadhaydiiyey, Rabbigu ha ku barakeeyo, waayo, roonaan weyn baad i tustay ugu dambaystii, oo ka sii weyn tii markii hore, maxaa yeelay, ma aad raacin rag dhallinyaro ah, faqiir iyo taajir toona. 11 Haddaba, gabadhaydiiyey, ha cabsan; waayo, waan kuu samayn doonaa wixii aad sheegtay oo dhan, maxaa yeelay, dadka magaaladayda oo dhammu way wada og yihiin inaad tahay naag wanaagsan. 12 Haddaba inaan anigu ahay xigaal kuu dhow waa run, habase yeeshee waxaa jira nin xigaal ah oo iiga kaa sii dhow. 13 Haddaba bal caawa iska joog, oo subaxdana hadduu isagu kuu sameeyo waxa xigaalka waajibka ku ah waa hagaag, ha sameeyo, laakiinse haddaanu kuu yeelin waajibka xigaalka, de markaas Rabbiga noloshiisaan kuugu dhaartaye, anaa kuu samaynaya. 14 Oo iyana cagihiisay jiifsatay ilaa subaxdii, markaasay waxay kacday intaan qof qof kale laga garan karin. Waayo, wuxuu yidhi, Yaan la ogaanin in naagu timid meesha hadhuudhka lagu tumo. 15 Oo wuxuu ku yidhi, Garbasaarta korkaaga saaran bal keen, oo hoori, kolkaasay hoorisay; markaasuu wuxuu ugu miisay lix koombo oo shaciir ah, wuuna u saaray; oo isna magaaladuu galay. 16 Oo markay soddohdeed u timid, Nimco waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, tumaad tahay? Markaasay waxay u sheegtay wixii ninku u sameeyey oo dhan. 17 Oo waxay tidhi, Lixdatan koombo oo shaciirka ah isagii baa i soo siiyey, waayo, wuxuu igu yidhi, Adoo faro madhan soddohdaa ha u tegin. 18 Oo iyana markaasay tidhi, Gabadhaydiiyey, iska fadhiiso ilaa aad ogaatid sida arrintu u dhacayso, waayo, ninku nasan maayo ilaa uu maanta xaalkaas dhammeeyo.
Qaynuunka Cusub Oo Jacaylka
31 Haddaba markuu baxay, Ciise ayaa yidhi, Hadda Wiilka Aadanahu waa ammaanmay, Ilaahna waa ku ammaanmay isaga. 32 Haddii Ilaahu ku ammaanmay isaga, Ilaahna waa ammaani doonaa isaga qudhiisa, oo markiiba wuu ammaani doonaa. 33 Carruur yahay yaryari, weli in yar baan idinla joogayaa. Waad i dooni doontaan, oo sidaan Yuhuuddii ku idhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan, idinkana hadda sidaasaan idinku leeyahay. 34 Waxaan idin siinayaa qaynuun cusub oo ah, Waa inaad isjeclaataan; sidaan idiin jeclaaday, idinkuna waa inaad isu jeclaataan. 35 Sidaasay dadka oo dhammi idinku garan doonaan inaad xertaydii tihiin, haddaad jacayl isu qabtaan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya