Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
RUUD
Nimco Iyo Ruud
1 Waagii xaakinnadu wax xukumi jireen abaar baa dalkii ka dhacday. Markaasaa nin Beytlaxam Yahuudah ka tegey, oo wuxuu qariib ahaan u degay waddankii Moo'aab, isagii iyo naagtiisii, iyo labadiisii wiilba. 2 Oo ninkaas magiciisu wuxuu ahaa Eliimeleg, naagtiisana waxaa la odhan jiray Nimco, labadiisa wiil magacyadooduna waxay ahaayeen Maxloon iyo Kilyoon, oo qoladooduna waxay ahayd reer Efraad oo Beytlaxam Yahuudah ka yimid. Oo waxay soo galeen waddankii Moo'aab, oo halkaasay iska degeen. 3 Markaasaa waxaa dhintay Eliimeleg oo ahaa Nimco ninkeedii, oo waxaa hadhay iyadii iyo labadeedii wiil. 4 Oo iyana waxay naago ka guursadeen dumarkii reer Moo'aab; oo naagahoodii mid magaceedii waxaa la odhan jiray Corfah, tan kale magaceeduna wuxuu ahaa Ruud; oo waxay halkaas degganaayeen intii toban sannadood ku dhow. 5 Oo haddana Maxloon iyo Kilyoon labadiiba way dhinteen; oo naagtii waxaa ka dhintay labadeedii carruur ahayd iyo ninkeedii.
6 Markaasay kacday iyadoo wadata labadii gabdhood ee ay soddohda u ahayd inay ka noqoto waddankii Moo'aab; waayo, waxay waddankii Moo'aab ku maqashay in Rabbigu dadkiisii soo booqday oo uu cunto siiyey. 7 Oo markaasay meeshii ay joogtay ka tagtay, oo labadii gabdhood oo ay soddohda u ahaydna way la socdeen; oo jidkay qaadeen inay ku noqdaan dalkii reer Yahuudah. 8 Markaasaa Nimco waxay ku tidhi labadii gabdhood ee ay soddohda u ahayd, Taga oo middiin kastaaba ha ku noqoto gurigii hooyadeed; oo Rabbigu si raxmad leh ha idiin yeelo taasoo ah sidii aad ula macaamilooteen kuwii dhintay iyo anigaba. 9 Rabbigu middiin kastaba nasasho ha ku siiyo guriga ninkeeda. Oo markaasay iyagii dhunkatay; oo iyana codkoodii bay kor u qaadeen oo ooyeen. 10 Oo waxay iyadii ku yidhaahdeen, Maya, laakiinse adigaannu kula noqonaynaa xaggii dadkaaga. 11 Markaasay Nimco waxay tidhi, Iska noqda, gabdhahaygiiyow, bal maxaad ii raacaysaan? Ma wiilal kalaa uurkayga ku hadhay oo niman idiin noqonaya? 12 Iska noqda, gabdhahaygiiyow, oo iska taga, waayo, waan ka gaboobay inaan nin guursado. Haddii aan odhan lahaa, Weli rajaan qabaa, iyo haddii xataa aan caawa nin guursado, ee haddana wiilal dhalo, 13 haddaba ma waxaad sugaysaan ilaa ay ka koraan? Oo ma sidaas baad isaga daynaysaan inaad niman guursataan? Gabdhahaygiiyow, maya, waayo, taasaan aad uga xumaanayaa idinka aawadiin, waayo, waxaa igu soo baxday gacanta Rabbiga. 14 Markaasay codkoodii kor u qaadeen oo haddana way ooyeen; Corfahna soddohdeed bay dhunkatay; Ruudse way ku soo dhegtay. 15 Oo Nimco waxay ku tidhi, Bal eeg, dumaashidaa waxay ku noqotay dadkeedii iyo ilaaheedii; haddaba adna dumaashidaa daba gal. 16 Kolkaasaa Ruud waxay ku tidhi, Ha iga baryin inaan kaa tago, oo aan kaa noqdo, oo aanan ku raacin; maxaa yeelay, meeshii aad tagtid waan tegi doonaa; meeshaad degtidna waan degi doonaa, dadkaaguna wuxuu noqon doonaa dadkayga, Ilaahaaguna wuxuu noqon doonaa Ilaahayga. 17 Meeshaad ku dhimatid ayaan ku dhiman doonaa, oo halkaasaa laygu aasi doonaa. Rabbigu sidaas ha igu sameeyo iyo ka sii badanba, haddii aniga iyo adiga, dhimasho mooyaane, wax kaleto ina kala kexeeyaan. 18 Oo Nimco, markay aragtay inay aad iyo aad ugu adkaysatay inay raacdo ayay hadalkii ka daysay.
146 Rabbiga ammaana.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
2 Intaan noolahay oo dhan Rabbiga waan ammaani doonaa,
Oo ammaan baan Ilaahay ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
3 Ha isku hallaynina amiirrada
Iyo binu-aadmiga aan waxba caawimi karin.
4 Naftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii.
Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baabba'aan.
5 Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub,
Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,
6 Oo sameeyey cirka iyo dhulka,
Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,
Oo runtana dhawra weligiisba,
7 Oo kuwa la dulmay u garsoora,
Oo kuwa gaajaysanna quud siiya.
Rabbigu maxaabiistuu furaa.
8 Rabbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha,
Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya,
Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.
9 Rabbigu waa ilaaliyaa kuwa qariibka ah,
Oo isagaa taageera agoonta iyo carmallada,
Laakiinse jidka kuwa sharka leh wuu qalloociyaa.
10 Rabbigu xukun buu haysan doonaa weligiis,
Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab.
Rabbiga ammaana.
Isbixinta Ciise Masiix Xoog Wax Nadiifiya Ayay Leedahay
11 Masiixu wuxuu yimid, isagoo ah wadaadka sare ee waxyaalaha wanaagsan oo iman doona. Taambuuggii wadaadnimadiisu wuxuu ahaa ku ka weyn oo ka kaamilsan, oo aan gacmo lagu samayn, kaasu waxaa weeyaan mid aan abuuristan ka iman. 12 Mar buu wada galay meeshii quduuska ahayd, isagoo aan orgiyo iyo weylal dhiiggoodii wadin, laakiin wuxuu waday dhiiggiisa, sidaasuu furasho weligeed ah inoogu helay. 13 Waayo, haddii orgiyo iyo dibiyo dhiiggooda, iyo qaalin dambaskeeda lagu rusheeyo kuwa nijaasoobay, ay quduus ka dhigaan in jidhka la nadiifiyo, 14 intee ka badan ayuu dhiigga Masiix, kan Ruuxa weligiis ah isugu bixiyey Ilaah isagoo aan eed lahayn, niyadiinna ka nadiifin kara shuqullada dhintay si aad ugu adeegtaan Ilaaha nool?
Qaynuunka Ugu Weyn(A)
28 Kolkaasaa culimmada midkood u yimid, oo markuu maqlay iyagoo wada hadlaya, oo markuu gartay inuu si wanaagsan u jawaabay, ayuu wax weyddiiyey oo ku yidhi, Qaynuunkee baa ka horreeya kuwa kale oo dhan? 29 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Kan ugu horreeyaa waxaa weeye, Maqal, Israa'iilow, Rabbiga Ilaaheenna ah waa Rabbi keliya. 30 Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan. 31 Ku labaad waa kan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada. Qaynuun kale oo kuwan ka weyn ma jiro. 32 Waxaa culimmada mid ka mid ahu ku yidhi, Sida runta ah, Macallimow, si wanaagsan baad u hadashay markaad tidhi, Isagu waa mid keliya, oo mid kalena ma jiro isaga ma ahaane. 33 In laga jeclaado qalbiga oo dhan, iyo caqliga oo dhan, iyo nafta oo dhan, iyo xoogga oo dhan, iyo in deriska loo jeclaado sida nafta, taasaa ka sii wanaagsan allabaryo la wada gubo iyo allabaryo kale oo dhanba. 34 Markii Ciise arkay inuu miyir ku jawaabay, wuxuu ku yidhi, Boqortooyada Ilaah kama aad fogid. Markaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu wax weyddiiyo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya