Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
146 Rabbiga ammaana.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
2 Intaan noolahay oo dhan Rabbiga waan ammaani doonaa,
Oo ammaan baan Ilaahay ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
3 Ha isku hallaynina amiirrada
Iyo binu-aadmiga aan waxba caawimi karin.
4 Naftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii.
Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baabba'aan.
5 Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub,
Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,
6 Oo sameeyey cirka iyo dhulka,
Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,
Oo runtana dhawra weligiisba,
7 Oo kuwa la dulmay u garsoora,
Oo kuwa gaajaysanna quud siiya.
Rabbigu maxaabiistuu furaa.
8 Rabbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha,
Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya,
Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.
9 Rabbigu waa ilaaliyaa kuwa qariibka ah,
Oo isagaa taageera agoonta iyo carmallada,
Laakiinse jidka kuwa sharka leh wuu qalloociyaa.
10 Rabbigu xukun buu haysan doonaa weligiis,
Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab.
Rabbiga ammaana.
18 Oo Nimco, markay aragtay inay aad iyo aad ugu adkaysatay inay raacdo ayay hadalkii ka daysay. 19 Sidaas daraaddeed labadoodiiba way israaceen ilaa ay yimaadeen Beytlaxam. Oo markay Beytlaxam yimaadeen, magaaladii oo dhammu waa ku soo ururtay, oo dumarkiina waxay yidhaahdeen, Tanu ma Nimco baa? 20 Oo iyana waxay iyagii ku tidhi, Ha iigu yeedhina Nimco, laakiinse waxaad iigu yeedhaan [a]Maara; waayo, Qaadirku wuxuu iila macaamilooday si qadhaadh. 21 Anigoo buuxaan tegey, oo Rabbigu wuxuu i soo celiyey anigoo madhan. Haddaba maxaad iigu yeedhaysaan Nimco? Maxaa yeelay, Rabbigu waa igu marag furay, oo Qaadirku waa i dhibay. 22 Sidaasay Nimco iyo Ruud tii reer Moo'aab ee ay soddohda u ahaydba u noqdeen, oo waxay ka soo laabteen waddankii Moo'aab oo Beytlaxam yimaadeen markay goosashada shaciirku bilaabatay.
Meeshii Quduuska Ahayd Ee Hore Waxay Ka Dhigan Tahay Tan Cusub
9 Xataa axdigii hore wuxuu lahaa qaynuunno ku saabsan caabudid, iyo meel quduus ah ee dunidatan. 2 Waayo, waxaa la dhisay taambuug; intii hore waxaa ku jiray laambadaha isku yiil, iyo miiska, iyo kibista tusniinta, oo waxaa la odhan jiray Meeshii Quduuska ahayd. 3 Daaha labaad shishediisa waxaa ku jiray taambuuggii la odhan jiray, Quduuskii Quduusyada, 4 isagoo leh girgire dahab ah oo foox lagu shido, iyo sanduuqii axdiga oo kulligiis dahab lagu dahaadhay, dhexdiisana waxaa ku jiray weel dahab ah oo [a]maannadii ku jirto, iyo ushii Haaruun oo magooshay, iyo looxyadii axdiga; 5 dushiisana Keruubiimtii ammaanta oo hadhaynaya daboolka kafaaraggudka, waxyaalahaas oo aannan hadda gooni gooni uga hadli karin. 6 Haddaba waxyaalahan oo sidaas loo diyaariyey, wadaaddadu waxay had iyo goor galaan taambuugga kowaad iyagoo shuqulka dhammaynaya. 7 Laakiin kan labaad waxaa sannaddiiba mar gala wadaadka sare oo keliya, isagoo aan dhiigla'aan gelaynin. Oo dhiiggaas wuxuu u bixiyaa naftiisa iyo dembiyada dadku aqoonla'aanta ku sameeyo. 8 Ruuxa Quduuska ahu wuxuu tilmaamaa inaan jidkii Quduuskii Quduusyada weli la muujin, inta taambuugga hore weli taagan yahay. 9 Tani wakhtiga la joogo waa masaal, sida loo bixiyo hadiyado iyo allabaryo, kuwaas oo aan kaamil ka dhigi karin caabudaha niyadiisa, 10 iyagoo ku saabsan cuntooyin iyo cabbitin iyo maydhmaydhid kala duwan oo ah amarrada jidhka oo keliya oo la dejiyey ilaa wakhtiga hagaajinta.
Isbixinta Ciise Masiix Xoog Wax Nadiifiya Ayay Leedahay
11 Masiixu wuxuu yimid, isagoo ah wadaadka sare ee waxyaalaha wanaagsan oo iman doona. Taambuuggii wadaadnimadiisu wuxuu ahaa ku ka weyn oo ka kaamilsan, oo aan gacmo lagu samayn, kaasu waxaa weeyaan mid aan abuuristan ka iman. 12 Mar buu wada galay meeshii quduuska ahayd, isagoo aan orgiyo iyo weylal dhiiggoodii wadin, laakiin wuxuu waday dhiiggiisa, sidaasuu furasho weligeed ah inoogu helay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya