Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 34:1-8

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markii uu asluubtiisa ku hor beddelay Abiimeleg oo isaga eryay, dabadeedna wuu iska tegey.

34 Wakhti kasta ayaan Rabbiga ammaani doonaa,
Oo had iyo goorba ammaantiisu afkaygay ku jiri doontaa.
Naftaydu waxay ku faani doontaa Rabbiga,
Oo waxaa maqli doona kuwa camalka qabow, oo weliba way ku farxi doonaan.
Rabbiga ila weyneeya,
Oo aynu magiciisa wada sarraysiinno.
Rabbigaan doondoonay, oo isna wuu ii jawaabay,
Oo wuxuu iga samatabbixiyey waxyaalihii aan ka cabsaday oo dhan.
Iyagu waxay fiiriyeen isaga, oo way iftiimeen,
Oo wejigooduna weligood ceeboobi maayo.
Ninkan miskiinka ahu wuu qayshaday, oo Rabbiguna wuu maqlay,
Oo wuxuu ka badbaadshay dhibaatooyinkiisii oo dhan.
Malaa'igta Rabbigu waxay hareeraysaa kuwa isaga ka cabsada,
Oo weliba way samatabbixisaa.
Bal dhadhamiya oo arka in Rabbigu wanaagsan yahay,
Waxaa barakaysan ninkii isaga isku halleeya.

Sabuurradii 34:19-22

19 Kan xaqa ah dhibaatooyinkiisu way tiro badan yihiin,
Laakiinse Rabbigu waa ka samatabbixiyaa dhammaantoodba.
20 Isagu wuxuu dhawraa lafihiisa oo dhan,
Oo middoodna ma jabna.
21 Xumaan baa dili doonta kuwa sharka leh,
Oo kuwa neceb kan xaqa ahna waa la eedayn doonaa.
22 Rabbigu nafta addoommadiisa wuu soo furtaa,
Oo kuwa isaga isku halleeya, midkoodna lama eedayn doono.

Ayuub 42:7-9

Dhammaadkii Ayuub

Oo markii Rabbigu erayadaas Ayuub kula hadlay dabadeed wuxuu Eliifas oo reer Teemaan ahaa ku yidhi, Cadhadaydii baa ku kululaatay adiga iyo labadaadii saaxiibba, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin, sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale. Haddaba sidaas daraaddeed waxaad soo wadataan toddoba dibi iyo toddoba wan, oo waxaad u tagtaan addoonkayga Ayuub, oo waxaad nafsaddiinna daraaddeed u bixisaan qurbaan la gubo; oo addoonkayga Ayuub wuu idiin ducaynayaa, waayo, isagaan ka aqbalayaa, si aanan idinkula macaamiloon sidii nacasnimadiinnii ahayd, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale. Sidaas daraaddeed Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii way tageen oo waxay u sameeyeen sidii Rabbigu ku amray, oo Rabbiguna Ayuub wuu aqbalay.

Markos 8:22-26

Ciise Wuxuu Bogsiiyey Nin Indhala' Oo Beytsayda Joogay

22 Markaasay yimaadeen Beytsayda. Oo waxay u keeneen nin indha la' oo ay ka baryeen inuu taabto. 23 Markaasuu ninkii indhaha la'aa gacanta qabtay, oo tuulada dibadda uga saaray, oo goortuu indhaha kaga tufay oo gacmihiisii saaray, wuxuu weyddiiyey, Wax ma arkaysaa? 24 Kor buu u eegay oo yidhi, Waxaan arkayaa niman, oo waxay ii le'eg yihiin sida geedo socda. 25 Kolkaasuu mar kale gacmihiisii indhaha ka saaray. Markaasuu aad iyo aad wax u eegay, wuuna bogsaday, oo wax walba bayaan buu u arkay. 26 Kolkaasuu gurigiisii u diray, oo wuxuu ku yidhi, Tuulada ha gelin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya