Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 75

Kanu waa sabuur gabay ah oo Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed.

75 Ilaahow, adaan kuu mahadnaqnaa,
Waannu kuu mahadnaqnaa, waayo, magacaagu waa noo dhow yahay,
Dadku waxay ka sheekeeyaan shuqulladaada yaabka badan.
Wakhtiga aan qawimay,
Ayaan si qumman wax u xukumi doonaa.
Dhulka iyo waxa kor deggan oo dhammuba way wada dhalaaleen,
Tiirarkiisa anigaa qotomiyey. (Selaah)
Kuwa kibirka leh waxaan ku idhi, Ha kibrina,
Kuwa sharka lehna waxaan ku idhi, Geeskiinna kor ha u taagina,
Geeskiinna kor ha u taagina,
Oo madaxadayg ha ku hadlina.
Waayo, sarrayntu kama timaado xagga bari ama xagga galbeed,
Ama xataa xagga koonfureed toona.
Laakiinse Ilaah baa xaakin ah,
Isagu mid buu dejiyaa, ku kalena wuu sarraysiiyaa.
Waayo, Rabbiga gacantiisa waxaa ku jira koob, oo waxaa ka xumbaynaysa khamri,
Oo waxaa ka buuxa wax laysku qooshay, oo kaasuu wax ka shubaa,
Hubaal huubadiisa waxaa heenheensan doona oo cabbi doona dunida kuweeda sharka leh oo dhan.
Laakiinse anigu weligayba waan rayrayn doonaa,
Oo waxaan ammaan ugu gabyi doonaa Ilaaha Yacquub.
10 Oo weliba kuwa sharka leh geesahooda oo dhan waan wada jejebin doonaa,
Laakiinse kuwa xaqa ah geesahooda waa la sarraysiin doonaa.

Ayuub 41:12-34

12 Anigu ka aamusi maayo waxa ku saabsan addimmadiisa,
Ama itaalkiisa xoogga leh, ama jidhkiisa quruxda badan.
13 Haddaba bal yaa dharkiisa kore ka furan kara?
Oo bal yaa gowsihiisa soo geli kara?
14 Bal yaa albaabbada wejigiisa furi kara?
Ilkihiisa aad baa looga cabsadaa.
15 Qolfihiisa adag waa wuxuu ku kibro,
Oo waxay isugu wada xidhan yihiin sida wax shaabad lagu adkeeyo.
16 Midba midda kale way ku dhow dahay,
Oo innaba dabaylu dhexdooda kama dusi karto.
17 Middoodba midda kale way haysataa,
Oo way isku wada dheggan yihiin, oo innaba lama kala fujin karo.
18 Hindhisooyinkiisa waxaa ka soo widhwidha iftiin,
Oo indhihiisuna waa sidii kaaha waaberiga.
19 Afkiisa waxaa ka soo baxa wax ololaya,
Oo waxaa ka soo duula dhimbiilo dab ah.
20 Dulalka sankiisa qiiq baa ka soo baxa
Sida dheri karaya iyo cawsduur ololaya.
21 Neeftiisu dhuxulay shiddaa,
Oo olol baa afkiisa ka soo baxa.
22 Luquntiisu xoog bay leedahay,
Oo cabsina hortiisay ku booddaa.
23 Duudduubyada jidhkiisu way isku wada dheggan yihiin,
Wayna ku adag yihiin oo innaba lama dhaqaajin karo.
24 Qalbigiisu wuxuu u adag yahay sida dhagax oo kale,
Hubaal wuxuu u adag yahay sida dhagaxa shiidka ee hoose.
25 Markuu sara joogsado ayay kuwa xoogga badanu baqaan,
Oo naxdin daraaddeed ayay la waashaan.
26 In kastoo lagula kaco seef,
Iyo waran, iyo fallaadh, iyo hoto, kolleyba waxba kama tari karaan.
27 Isagu birta wuxuu ku tiriyaa sida caws engegan oo kale,
Naxaastana wuxuu ku tiriyaa sida qori bololay.
28 Fallaadhu isaga ma eryi karto,
Oo dhagaxyada wadhafkuna waxay isaga u noqdaan sidii xaab oo kale.
29 Budhadhkuna waxay isaga la yihiin sidii xaab oo kale,
Oo hotada ruxmashadeedana wuu ku qoslaa.
30 Boggiisa hoose waa sida dheryo burburradooda afaysan,
Oo wuxuu dhoobada ugu kor dhaqaaqaa sida gaadhi hadhuudh lagu tumo.
31 Isagu moolkuu u kariyaa sidii dheri oo kale,
Oo baddana wuxuu ka dhigaa sida weel cadar ku jiro oo kale.
32 Xaggiisa dambe wuxuu noqdaa jid wax ka iftiimo,
Oo moolkana waxaa loo maleeyaa sidii cirro oo kale.
33 Dhulka ma joogo mid sidiisa oo kale,
Oo cabsila'aan la abuuray.
34 Isagu wuxuu fiiriyaa waxyaalaha sare oo dhan,
Oo inta kibirsan oo dhan boqor buu u yahay.

Yooxanaa 13:1-17

Ciise Xertuu U Cago Maydhay

13 Iidda Kormaridda horteed Ciise wuxuu garanayay inay timid saacaddiisii uu dunidan ka tegi lahaa ilaa Aabbaha, oo siduu u jeclaa kuwiisii dunida joogay, ayuu u jeclaa tan iyo dhammaadka. Ibliiska ayaa markii hore qalbiga Yuudas Iskariyod ina Simoon geliyey inuu Ciise gacangeliyo. Oo wakhtiga cashada Ciise oo garanaya in Aabbuhu wax walba gacanta u geliyey iyo inuu Ilaah ka yimid oo Ilaah ku noqonayo, ayuu cashadii ka kacay oo dharkii iska dhigay, tuwaalna wuu qaatay oo guntaday. Markaasuu biyo weel ku shubay oo bilaabay inuu xertiisa cagaha u maydho oo ku tirtiro tuwaalkii uu guntanaa. Wuxuu haddaba u yimid Simoon Butros. Kaasaa ku yidhi, Sayidow, ma adaa cagaha ii maydhaya? Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan samaynaya, garan maysid imminka, laakiinse dabadeed waad garan doontaa. Butros ayaa ku yidhi, Weligaa cagaha ii maydhi maysid. Ciise wuxuu ugu jawaabay, Haddaanan kuu maydhin, qayb iguma lihid. Markaasaa Simoon Butros ku yidhi, Sayidow, cagaha keliya ha ii maydhin, laakiin gacmaha iyo madaxana ii maydh. 10 Ciise ayaa ku yidhi, Kii maydhni uma baahna inuu maydho cagihiisa mooyaane, laakiin waa wada nadiifsan yahay, idinkuna waa nadiifsan tihiin, laakiin dhammaantiin ma aha. 11 Waayo, wuu garanayay kii gacangelin lahaa. Sidaa daraaddeed ayuu u yidhi, Dhammaantiin ma wada nadiifsanidin.

12 Haddaba markuu cagihii u maydhay iyagii, oo dharkiisa qaatay, oo haddana fadhiistay, markaasuu ku yidhi, Ma garanaysaan waxaan idinku sameeyey? 13 Waxaad iigu yeedhaan, Macallin iyo Sayid, waadna ku hagaagsan tihiin, waayo, waan ahay. 14 Haddaba haddaan cagaha idiin maydhay anigoo ah Sayidka iyo Macallinka, idinkuna waa inaad cagaha isu maydhaan. 15 Waxaan idin siiyey masaal inaad samaysaan sidaan idinku sameeyey. 16 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Addoon kama weyna sayidkiis, mid la soo dirayna kama weyna kii soo diray. 17 Haddaad waxyaalahan garanaysaan, waad barakaysan tihiin haddaad yeeshaan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya