Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur gabay ah oo Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed.
75 Ilaahow, adaan kuu mahadnaqnaa,
Waannu kuu mahadnaqnaa, waayo, magacaagu waa noo dhow yahay,
Dadku waxay ka sheekeeyaan shuqulladaada yaabka badan.
2 Wakhtiga aan qawimay,
Ayaan si qumman wax u xukumi doonaa.
3 Dhulka iyo waxa kor deggan oo dhammuba way wada dhalaaleen,
Tiirarkiisa anigaa qotomiyey. (Selaah)
4 Kuwa kibirka leh waxaan ku idhi, Ha kibrina,
Kuwa sharka lehna waxaan ku idhi, Geeskiinna kor ha u taagina,
5 Geeskiinna kor ha u taagina,
Oo madaxadayg ha ku hadlina.
6 Waayo, sarrayntu kama timaado xagga bari ama xagga galbeed,
Ama xataa xagga koonfureed toona.
7 Laakiinse Ilaah baa xaakin ah,
Isagu mid buu dejiyaa, ku kalena wuu sarraysiiyaa.
8 Waayo, Rabbiga gacantiisa waxaa ku jira koob, oo waxaa ka xumbaynaysa khamri,
Oo waxaa ka buuxa wax laysku qooshay, oo kaasuu wax ka shubaa,
Hubaal huubadiisa waxaa heenheensan doona oo cabbi doona dunida kuweeda sharka leh oo dhan.
9 Laakiinse anigu weligayba waan rayrayn doonaa,
Oo waxaan ammaan ugu gabyi doonaa Ilaaha Yacquub.
10 Oo weliba kuwa sharka leh geesahooda oo dhan waan wada jejebin doonaa,
Laakiinse kuwa xaqa ah geesahooda waa la sarraysiin doonaa.
41 War bahalbadeedka Lewiiyaataan la yidhaahdo miyaad jillaab kalluun
ku soo bixin kartaa?
Carrabkiisase ma hoos baad xadhig ugu adkayn kartaa?
2 Ma sankiisaad xadhig ku xidhi kartaa?
Mase daankiisaad jillaab ku duleelin kartaa?
3 Isagu ma aad buu kuu baryi doonaa?
Mase hadal macaan buu kugula hadli doonaa?
4 Ma axdi buu kula dhigan doonaa,
Si aad addoon uga dhigatid weligiisba?
5 Ma waxaad isaga ula cayaari doontaa sidaad shimbir ula cayaartid oo kale?
Miyaadse gabdhahaaga u xidhi doontaa?
6 Kalluumaystayaashu miyey isaga iibin doonaan?
Mase baayacmushtariyaasha bay u qaybin doonaan?
7 Haraggiisa miyaad hotooyin ka buuxin kartaa?
Madaxiisase miyaad warmaha kalluunka lagu qabsado ka buuxin kartaa?
8 Gacantaada isaga kor saar,
Markaas dagaalka xusuuso, oo mar dambe saas yeeli maysid!
9 Bal eeg, in isaga la qabto rajo ma leh,
Xataa haddii isaga la arko, sow hoos loo dhici maayo?
10 Ma jiro mid ku dhaca inuu isaga kiciyo,
Haddaba waa ayo kan aniga i hor istaagi kara?
11 Bal yaa hore wax ii siiyey oo aan haatan u celiyaa?
Waxa samada ka hooseeya oo dhan anigaa leh.
Waxa Ilaah Ballanqaaday Waa Hubaal
13 Markii Ilaah ballan u qaaday Ibraahim, isagoo mid ka weyn oo uu ku dhaarto aan haysan, ayuu isku dhaartay, 14 isagoo leh, Hubaal waan ku barakayn doonaa, oo waan ku kordhin doonaa. 15 Oo sidaas isagoo u dulqaadanaya ayuu helay wixii loo ballanqaaday. 16 Waayo, dadku waxay ku dhaartaan kan iyaga ka weyn, oo waxaa muran kasta oo kooda ah ugu dambaysa dhaar si loo xaqiiqaysto, 17 sidaas daraaddeed, Ilaah, isagoo aad u doonaya inuu kuwa ballanka dhaxla tuso taladiisa aan beddelmi karin, ayuu dhaar ku galay; 18 in laba waxyaalood, oo aan beddelmi karin, oo aan suurtoobin inuu Ilaah been ka sheego, aynu ku helno dhiirranaan xoog leh innagoo magangal u soo cararnay si aynu u qabsanno rajada ina hor taal, 19 tan aynu sida barroosinka nafta u haysanno, mid adkaan iyo hubaalba ah oo gelaysa waxa daaha ka shisheeya, 20 meeshii Ciise sida horseed inoo galay isagoo noqday wadaad sare oo weligiis ah sidii derejadii Malkisadaq.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya