Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur gabay ah oo Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed.
75 Ilaahow, adaan kuu mahadnaqnaa,
Waannu kuu mahadnaqnaa, waayo, magacaagu waa noo dhow yahay,
Dadku waxay ka sheekeeyaan shuqulladaada yaabka badan.
2 Wakhtiga aan qawimay,
Ayaan si qumman wax u xukumi doonaa.
3 Dhulka iyo waxa kor deggan oo dhammuba way wada dhalaaleen,
Tiirarkiisa anigaa qotomiyey. (Selaah)
4 Kuwa kibirka leh waxaan ku idhi, Ha kibrina,
Kuwa sharka lehna waxaan ku idhi, Geeskiinna kor ha u taagina,
5 Geeskiinna kor ha u taagina,
Oo madaxadayg ha ku hadlina.
6 Waayo, sarrayntu kama timaado xagga bari ama xagga galbeed,
Ama xataa xagga koonfureed toona.
7 Laakiinse Ilaah baa xaakin ah,
Isagu mid buu dejiyaa, ku kalena wuu sarraysiiyaa.
8 Waayo, Rabbiga gacantiisa waxaa ku jira koob, oo waxaa ka xumbaynaysa khamri,
Oo waxaa ka buuxa wax laysku qooshay, oo kaasuu wax ka shubaa,
Hubaal huubadiisa waxaa heenheensan doona oo cabbi doona dunida kuweeda sharka leh oo dhan.
9 Laakiinse anigu weligayba waan rayrayn doonaa,
Oo waxaan ammaan ugu gabyi doonaa Ilaaha Yacquub.
10 Oo weliba kuwa sharka leh geesahooda oo dhan waan wada jejebin doonaa,
Laakiinse kuwa xaqa ah geesahooda waa la sarraysiin doonaa.
40 Oo weliba Rabbigu Ayuub buu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2 Kii murmayaa ma Ilaaha Qaadirka ah buu la diriri karaa?
Kii Ilaah la doodayaa ha ka jawaabo taas.
3 Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
4 Bal eeg, wax yar baan ahay, haddaba bal maxaan kuugu jawaabaa?
Afkaan gacanta saarayaa.
5 Mar baan hadlay, jawaab dambena u noqon maayo,
Laba jeer oo qudha ayaan hadlay, laakiinse hadda ka dib sii wadi maayo.
6 Markaasaa Rabbigu Ayuub uga dhex jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi,
7 Haddaba sidii nin rag ah dhexda u gunto,
Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.
8 War ma xukunkaygaad burinaysaa?
Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?
9 Adiguse ma waxaad leedahay Ilaah gacantiisa oo kale?
Oo codkiisa oo kale miyaad ku onkodi kartaa?
10 Haddaba waxaad isku sharraxdaa sarraysnaan iyo derejo,
Oo waxaad huwataa sharaf iyo haybad.
11 Haddaba cadhadaada buuxdhaafkeeda soo daadi,
Oo waxaad fiirisaa mid kasta oo kibir leh, oo isaga hoos u soo deji.
12 Mid kasta oo kibir leh soo fiiri oo hoosaysii,
Oo kuwa sharka ah meel alla meeshay istaagaan ku joogso.
13 Dhammaantood ciidda ku qari,
Oo wejigoodana meel qarsoon ku xidh.
14 Oo anna markaas waxaan kuu qiran doonaa
In gacantaada midig ay ku badbaadin karto.
15 Haddaba bal eeg jeerta aan u sameeyey sidaan kuu sameeyey oo kale,
Cawska bay u daaqdaa sida dibi oo kale.
16 Haddaba bal eeg, xooggeedu wuxuu ugu jiraa dhexdeeda,
Oo itaalkeeduna wuxuu ku jiraa muruqyada caloosheeda.
17 Oo dabadeedana waxay u taagtaa sida geed kedar ah oo kale,
Oo seedaha bowdooyinkeeduna way isku wada tidcan yihiin.
18 Oo lafaheeduna waa sidii tuubbooyin naxaas ah;
Oo addimmadeeduna waa sidii wax bir ah.
19 Iyadu jidadka Ilaah waa u madax,
Oo kii abuuray oo keliya ayaa seeftiisa u dhowayn kara.
20 Sida xaqiiqada ah waxaa iyada cunto u soo bixiya
Buuraha ay xayawaanka duurka oo dhammu ku cayaaraan.
21 Oo waxay hoos jiifsataa dhirta hooska badan,
Iyo meesha qarsoon ee cawsduurka iyo biyagaleenka.
22 Dhirta hooska badan ayaa hadhkooda ku qariya,
Oo waxaa iyada ku wareegsan geedaha safsaafka ah ee durdurka ku ag yaal.
23 Bal eeg, haddii webigu buuxdhaafo iyadu ma gariirto,
In kastoo Webi Urdun afka ka galo, haddana iyadu way isku kalsoon tahay.
24 Ninna miyuu iyada qaban karaa iyadoo u jeedda?
Miyaase sanka dabin lagaga duleelin karaa?
6 Taas daraaddeed aynu iska dayno ka hadlidda waxyaalihii ugu horreeyey ee Masiix, oo hore aynu ugu soconno kaamilnimada, oo yeynan mar kale dhigin aasaaska ka-toobadkeenidda shuqulladii dhintay, iyo iimaanka xagga Ilaah, 2 iyo waxbaridda baabtiisyada, iyo gacmo-dul-saaridda, iyo sarakicidda kuwii dhintay, iyo xukunka weligiis ah. 3 Oo tan waynu samayn doonnaa haddii Ilaah idmo. 4 Kuwii mar loo iftiimiyey, oo hadiyaddii jannada dhadhamiyey, oo laga dhigay kuwa ka qayb galay Ruuxa Quduuskaa, 5 oo dhadhamiyey eraygii wanaagsanaa ee Ilaah iyo xoogagga wakhtiga iman doona, 6 oo dabadeedna dhacay, ma suurtowdo in loo cusboonaysiiyo toobadkeenidda, iyagoo mar kale Wiilka Ilaah iskutallaabta isugu qodbaya oo bayaan u ceebaynaya. 7 Waayo, dhulka cabbay roobka marar badan ku dul da'a, oo u soo saara geedo u wanaagsan kuwii beeray, wuxuu Ilaah ka helaa barako, 8 laakiin hadduu dhalo qodxan iyo yamaarug, waxtar ma leh, oo habaar buu ku dhow yahay, ugudambaystiisana waa in la gubaa.
9 Laakiin gacaliyayaalow, wax ka wanaagsan oo idinku saabsan ayaa lana aaminsiiyey iyo waxyaalaha badbaadada, in kastoo aannu sidan u hadalnay. 10 Waayo, Ilaah ma xaqdarra, mana illoobo shuqulkiinna iyo jacaylka aad magiciisa u qabtaan, maxaa yeelay, quduusiinta ayaad u adeegteen oo weli waad u adeegtaan. 11 Oo annagu waxaannu jecel nahay in midkiin kastaa muujiyo dadaalkaas oo kale tan iyo hubaasha rajada ilaa ugu dambaysta, 12 inaydnaan caajisiin noqon laakiin aad noqotaan kuwo ku dayda kuwa rumaysadka iyo dulqaadashada ku dhaxla ballamada.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya