Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
104 Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Rabbiyow Ilaahayow, aad baad u weyn tahay,
Oo waxaad huwan tahay murwad iyo haybad.
2 Waxaad sida maro u huwataa nuur,
Oo samooyinkana waxaad u kala bixisaa sida daah oo kale.
3 Waxa qolkaaga saqafka u hayana waxaad dhigtaa biyaha dhexdooda,
Daruurahana waxaad ka dhigataa gaadhifaras,
Oo waxaad ku kor socotaa dabaysha baalasheeda,
4 Waxaad dabaysha ka dhigataa wargeeyayaashaada,
Oo waxaad midiidinyadaada ka dhigataa dab ololaya,
5 Adigaa dhigay aasaaska dhulka,
Si aanu weligiis u dhaqdhaqaaqin.
6 Waxaad ku dabooshay mool sidii dhar oo kale,
Biyihiina waxay joogsadeen buuraha korkooda.
7 Canaantaadii ayay ku carareen,
Oo codkii onkodkaaga ayay haddiiba ka baxsadeen,
8 Waxay kor u fuuleen buuraha, oo waxay hoos ugu dhaadheceen dooxooyinka,
Ilaa meeshii aad u samaysay.
9 Waxaad iyaga u dhigtay xudduud aanay soo dhaafin,
Si aanay mar kale u noqon oo aanay dhulka u daboolin.
24 Rabbiyow, shuqulladaadu tiro badanaa!
Kulligoodna xigmad baad ku samaysay,
Dhulka waxaa ka buuxa hodantinimadaada.
35 Dembilayaashu dhulka ha ka baabbe'een,
Oo kuwa sharka lahuna yaanay mar dambe sii jirin.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Rabbiga ammaana.
37 Oo weliba taas aawadeed qalbigaygu wuu gariiraa,
Oo meeshiisiina wuu ka dhaqaaqaa.
2 Haddaba dhegaysta qaylada codkiisa
Iyo sanqadha afkiisa ka baxaysa.
3 Wuxuu taas u diraa inta samada ka hoosaysa oo dhan,
Oo hillaaciisana wuxuu u diraa dhulka darfihiisa oo dhan.
4 Dabadiisna wax baa aad uga sanqadha,
Isagu wuxuu ku onkodaa haybaddiisa codkeeda;
Oo markii codkiisa la maqlona iyaga ma uu joojiyo.
5 Ilaah si yaab ah ayuu codkiisa ugu onkodaa,
Oo wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aynan garan karin.
6 Waayo, wuxuu barafka cad ku yidhaahdaa, Dhulka ku da';
Oo sidaasoo kaluu ku yidhaahdaa roobka yar
Iyo roobkiisa weynba.
7 Isagu wuxuu shaabadeeyaa nin kasta gacantiisa,
In nin kasta oo uu sameeyeyba ogaado.
8 Markaasaa bahalladu hogag galaan,
Oo waxay iska joogaan boholahooda.
9 Koonfurta waxaa ka soo baxa duufaanka,
Oo qabowguna wuxuu ka yimaadaa woqooyiga.
10 Barafku wuxuu ku yimaadaa Ilaah neeftiisa,
Oo biyaha ballaadhanuna way barafoobaan.
11 Daruurta qarada weyn ayuu ka buuxiyaa qoyaan,
Oo wuxuu kala firdhiyaa daruurta hillaaciisa,
12 Oo waxaa lagu soo wareejiyaa hoggaamintiisa,
Inay sameeyaan wax alla wixii uu kugu amro
Dunida la dego dusheeda oo dhan,
13 Hadday tahay hagaajin aawadeed, ama dalkiisa aawadiis,
Ama naxariis aawadeed, kolleyba wuxuu ka dhigay inay kuwaasu noqdaan.
14 Ayuubow, bal tan dhegayso,
Istaag oo bal ka fiirso shuqullada Ilaah oo yaabka miidhan ah.
15 War miyaad taqaan siduu iyaga u amro,
Iyo siduu hillaaca daruurtiisa u iftiimiyo?
16 Miyaad taqaan miisaaminta daruuraha,
Amase kan aqoontu kaamilka ku tahay shuqulladiisa yaabka leh?
17 Miyaad taqaan wuxuu dharkaagu u kulul yahay,
Markuu Ilaah dhulka ku xasilliyo dabaysha koonfureed?
18 Miyaad isaga la kala bixin kartaa cirka
U xoogga badan sidii muraayad la shubay?
19 Na bar wixii aan isaga ku odhan lahayn,
Waayo, annagu hadalkayagii waxaannu la odhan kari waynay gudcur aawadiis.
20 Isaga ma loo sheegi doonaa inaan hadli doono?
Ninse miyuu jecel yahay in isaga la liqo?
21 Oo hadda dadku ma fiirin karo iftiinka cirka ka dhalaalaya,
Laakiinse dabayshu waa soo gudubtaa, oo iyagay safaysaa.
22 Woqooyi waxaa ka soo baxa iftiin sida dahab u dhalaalaya,
Ilaahna wuxuu leeyahay haybad cabsi badan.
23 Annagu ma heli karno Ilaaha Qaadirka ah, waayo, isagu wuu xoog badan yahay;
Oo isagoo garsoorid iyo caddaalad ka buuxa ninna ma uu dhibi doono.
24 Sidaas daraaddeed dadku isagay ka cabsadaan;
Oo isagu ma uu fiiriyo kuwa qalbigooda xigmaddu ka buuxdo.
Riyadii Lagu Arkay Dhilladii Iyo Bahalkii
17 Markaasaa waxaa timid toddobadii malaa'igood oo toddobada fijaan haystay middood, oo way ila hadashay, waxayna igu tidhi, Kaalay halkan, waxaan ku tusi doonaa xukunka dhillada weyn oo biyaha badan ku dul fadhida, 2 taasoo boqorrada dunidu ay ka sinaysteen, oo kuwa dunida degganuna ay khamrigii sinadeeda ku sakhraameen.
3 Markaasay waxay igu qaadday Ruuxa, oo waxay i geeysay cidlada; markaasaan arkay naag fuushan bahal guduudan oo ay ka buuxaan magacyo cay ahu, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees. 4 Oo naagtuna waxay qabtay dhar midabkiisu yahay casaan iyo guduud, oo waxaa kaloo ay ku sharraxnayd dahab iyo dhagaxyo qaali ah iyo luul, oo waxay gacanta ku haysatay koob dahab ah oo waxyaalihii karaahiyada ahaa ka buuxaan, kuwaas oo ahaa waxyaalihii nijaasta ahaa oo sinadeeda, 5 oo waxaa wejiga ugu qornaa magac ah qarsoodi, oo ah Baabuloonta weyn ee hooyada u ah dhillooyinka iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dunida. 6 Markaasaan arkay naagtii oo ku sakhraantay dhiiggii quduusiinta iyo dhiiggii kuwii Ciise u markhaati furay. Oo markaan iyadii arkay ayaan aad ula yaabay. 7 Markaasaa malaa'igtii waxay igu tidhi, War, maxaad u yaabtay? Waxaan kuu sheegi doonaa qarsoodiga naagta iyo bahalka iyada sida oo leh toddobada madax iyo tobanka gees. 8 Bahalkii aad aragtay wuu jiray, haddase ma jiro; oo wuxuu dhowaan ka soo bixi doonaa yamayska, oo wuxuu tegi doonaa halaag. Oo kuwa dhulka jooga oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha waagii dunida la aasaasay, markay bahalka arkaan waxay la yaabi doonaan siduu markii hore u jiray, oo uusan haatan u jirin, oo uu hadda ka dib u jiri doono.
9 Waa kan maanka xigmadda lihi. Toddobada madax waa toddoba buurood oo ay naagtu ku fadhiisato; oo iyagu waxa weeyaan toddoba boqor; 10 shantood way dhaceen, midna wuu joogaa, midkii kalena weli ma iman; oo markuu yimaado, in yar buu sii jiri doonaa. 11 Oo bahalkii markii hore jiray oo aan haatan jirin, isaga qudhiisuna waa mid siddeedaad oo toddobaduu ka mid yahay; oo wuxuu tegi doonaa halaag. 12 Oo tobankii gees oo aad aragtay waa toban boqor, oo aan weli helin boqortooyo; laakiinse intii saacad ah waxay amar la heleen bahalka sida boqorro oo kale. 13 Kuwanu waa isku maan, oo iyagu xooggooda iyo amarkooda waxay siiyeen bahalka. 14 Kuwaasu waxay la diriri doonaan Wanka, oo Wankuna wuu ka adkaan doonaa, maxaa yeelay, isagu waa Sayidka sayidyada iyo Boqorka boqorrada; oo haddana kuwa isaga la jira waa kuwa loo yeedhay, oo la doortay, oo aaminiinta ah.
15 Markaasay waxay igu tidhi, Biyihii aad aragtay oo ay dhilladu ku dul fadhiday waxa weeyaan dadad iyo maqluuqyo iyo quruumo iyo afaf. 16 Oo tobankii gees oo aad aragtay iyo bahalkii waxay nebcaan doonaan dhillada, oo iyada way bi'in doonaan oo qaawin doonaan, oo hilibkeedana way cuni doonaan, oo kulligeedna waxay ku gubi doonaan dab. 17 Waayo, Ilaah wuxuu qalbigooda geliyey inay yeelaan fikirkiisa, oo ay isku maan ahaadaan, oo ay boqortooyadooda bahalka siiyaan ilamaa erayada Ilaah ay kaamil noqdaan. 18 Oo naagtii aad aragtayna waxa weeye magaalada weyn oo u talisa boqorrada dhulka.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya