Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
104 Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Rabbiyow Ilaahayow, aad baad u weyn tahay,
Oo waxaad huwan tahay murwad iyo haybad.
2 Waxaad sida maro u huwataa nuur,
Oo samooyinkana waxaad u kala bixisaa sida daah oo kale.
3 Waxa qolkaaga saqafka u hayana waxaad dhigtaa biyaha dhexdooda,
Daruurahana waxaad ka dhigataa gaadhifaras,
Oo waxaad ku kor socotaa dabaysha baalasheeda,
4 Waxaad dabaysha ka dhigataa wargeeyayaashaada,
Oo waxaad midiidinyadaada ka dhigataa dab ololaya,
5 Adigaa dhigay aasaaska dhulka,
Si aanu weligiis u dhaqdhaqaaqin.
6 Waxaad ku dabooshay mool sidii dhar oo kale,
Biyihiina waxay joogsadeen buuraha korkooda.
7 Canaantaadii ayay ku carareen,
Oo codkii onkodkaaga ayay haddiiba ka baxsadeen,
8 Waxay kor u fuuleen buuraha, oo waxay hoos ugu dhaadheceen dooxooyinka,
Ilaa meeshii aad u samaysay.
9 Waxaad iyaga u dhigtay xudduud aanay soo dhaafin,
Si aanay mar kale u noqon oo aanay dhulka u daboolin.
24 Rabbiyow, shuqulladaadu tiro badanaa!
Kulligoodna xigmad baad ku samaysay,
Dhulka waxaa ka buuxa hodantinimadaada.
35 Dembilayaashu dhulka ha ka baabbe'een,
Oo kuwa sharka lahuna yaanay mar dambe sii jirin.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Rabbiga ammaana.
36 Oo weliba Eliihuu hadalkiisii buu watay oo wuxuu yidhi,
2 Weliba in yar ii sii kaadi, oo anna wax baan ku tusayaa,
Waayo, weli waxaan hayaa wax aan Ilaah daraaddiis u odhanayo.
3 Aqoontayda meel fog baan ka keeni doonaa,
Oo xaqnimana waan ka sheegi doonaa kii i abuuray.
4 Waayo, sida runta ah erayadaydu been ma aha;
Oo mid aqoontu kaamil ku tahay ayaa kula jooga.
5 Bal eeg, Ilaah waa xoog badan yahay, oo isagu ninna ma quudhsado,
Oo itaalka waxgarashada wuu ku xoog badan yahay.
6 Isagu uma daayo kan sharka ahu inuu sii noolaado,
Laakiinse kuwa dhibaataysan xaqooduu siiyaa.
7 Isagu indhihiisa kama qaado kuwa xaqa ah,
Laakiinse wuxuu weligoodba la fadhiisiyaa boqorrada carshiga ku fadhiya,
Oo iyaga waa la sarraysiiyaa.
8 Oo haddii silsilado lagu xidho,
Oo xadhkaha dhibka lagu kaxaysto,
9 Markaas wuxuu iyaga ku caddeeyaa falimahooda,
Iyo xadgudubyadoodii ay kibirka u sameeyeen.
10 Oo dhegtoodana wuxuu u furaa waxbaridda,
Oo wuxuu ku amraa inay xumaanta ka soo noqdaan.
11 Hadday isaga maqlaan oo ay u adeegaan,
Cimrigooda waxay ku dhammaysan doonaan barwaaqo,
Oo sannadahoodana waxay ku waari doonaan nimco.
12 Laakiinse hadday maqli waayaan, seef bay ku baabbi'i doonaan,
Oo waxay dhiman doonaan iyagoo aan aqoon lahayn.
13 Laakiinse kuwa cibaadalaawayaasha ah oo qalbigoodu beloobay waxay isa soo gaadhsiiyaan cadho,
Oo markuu iyaga xidhana caawimaad uma qayshadaan.
14 Dhallinyaranimay ku dhintaan,
Oo naftooduna waxay ku halligantaa khaniisiinta dhexdooda.
15 Isagu kii dhibban ayuu dhibaatadiisa ku samatabbixiyaa,
Oo dhegahana buu u furaa markay dhib la kulmaan.
16 Isagu dhibaato wuu kaa bixin lahaa,
Oo wuxuu ku geeyn lahaa meel ballaadhan oo aan cidhiidhi ahayn,
Oo miiskaaga waxa saaran oo dhammuna waxay ahaan lahaayeen baruur miidhan.
Injiilka Loo Keenay Dadka Aan Yuhuudda Ahayn
7 Sidaas daraaddeed isdhoweeya sida Masiixuna idiin dhoweeyey in Ilaah la ammaano. 8 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Masiixu wuxuu noqday kuwa gudan midiidinkooda, runta Ilaah aawadeed, inuu u xaqiijiyo ballamadii awowayaashii hore la siiyey, 9 iyo in quruumuhu Ilaah u ammaanaan naxariistiisa, sida qoran,
Sidaas daraaddeed waxaan kugu ammaani doonaa quruumaha dhexdooda,
Oo magacaaga waan u gabyi doonaa.
10 Oo haddana wuxuu leeyahay,
Quruumahow, la reyreeya dadkiisa.
11 Oo haddana,
Rabbiga ammaana, quruumahoo dhammow,
Dadkoo dhammuna ha ammaano isaga.
12 Oo haddana Isayos wuxuu leeyahay,
Waxaa jiri doona xididkii Yesay,
Iyo kan u kacaya inuu u taliyo quruumaha,
Isagayna quruumuhu wax ku rajayn doonaan.
13 Ilaaha rajadu ha idinka buuxiyo farxad iyo nabad oo dhan, idinkoo rumaysan, si rajadiinnu ugu badato xoogga Ruuxa Quduuskaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya