Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey Yeduutuun oo ahaa madaxdii muusikaystayaasha.
39 Waxaan idhi, Jidadkaygaan iska jiri doonaa,
Si aanan carrabkayga ugu dembaabin,
Oo afkayga waxaan ku qaban doonaa xakame inta kii shar lahu i hor joogo.
2 Waan carrab beelay oo shib baan iska idhi, oo waan ka aamusay xataa wixii wanaagsanaa,
Tiiraanyadaydiina waa kacday.
3 Qalbigaygu uurkayguu ku kululaaday,
Oo intii aan fikirayay ayaa dabkii shidmay,
Markaasaan carrabkaygii ku hadlay, oo idhi,
4 Rabbiyow, i ogaysii ugu dambaystayda
Iyo cimrigayga dhererkiisu intuu yahay,
Oo i ogaysii inta tabardarradaydu tahay.
5 Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed
Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha,
Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash. (Selaah)
6 Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah,
Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah,
Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.
7 Haddaba Sayidow, bal maxaan sugaa?
Waayo, rajadaydu adigay kugu xidhan tahay.
8 Xadgudubyadayda oo dhan iga samatabbixi,
Oo ha iga dhigin mid nacasyadu caayaan.
9 Anigu waan carrab la'aa, oo afkaygana ma aan kala qaadin,
Maxaa yeelay, sidaasaad yeeshay.
10 Haddaba belaayadaada iga durki,
Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.
11 Markaad dadka canaanta ku edbisid xumaanta daraaddeed,
Waxaad quruxdiisa ka dhigtaa inay u baabba'do sidii balanbaallis oo kale,
Hubaal nin kastaaba waa bilaash. (Selaah)
12 Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig,
Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin,
Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga
Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.
13 Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee,
Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.
Eliihuu
32 Markaasay saddexdaas nin iska daayeen inay Ayuub u jawaabaan, maxaa yeelay, isagu xaq buu isla ahaa. 2 Markaas waxaa cadhooday Eliihuu ina Barakeel oo ahaa reer Buus oo qoladiisu ahayd reer Raam, oo aad buu Ayuub ugu xanaaqay, maxaa yeelay, isagu xaq buu isu qaatay intuu Ilaah xaq u qaadan lahaa. 3 Oo weliba wuxuu aad ugu cadhooday saddexdiisii saaxiib, maxaa yeelay, iyagu jawaab ma ay helin, ee weliba Ayuub way xukumeen. 4 Haddaba Eliihuu inuu Ayuub la hadlo ayuu sugayay, maxaa yeelay, iyagu isaga way ka waaweynaayeen. 5 Oo Eliihuu markuu arkay inaan jawaab afka saddexdaas nin lagu arag ayuu aad u cadhooday.
6 Oo Eliihuu ina Barakeel oo ahaa reer Buus ayaa jawaabay oo wuxuu yidhi,
Anigu waxaan ahay nin dhallinyar, idinkuse odayaal baad tihiin,
Sidaas daraaddeed ayaan dib isugu celiyey, oo aan ugu dhici waayay inaan ra'yigayga idiin caddeeyo.
7 Waxaan is-idhi, Waxaa roon kuwa da'da waaweynu inay hadlaan,
Kuwa cimriga dheeruna inay xigmad na baraan.
8 Laakiinse binu-aadmiga ruux baa ku jira,
Oo Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa ayaa iyaga waxgarasho siisa.
9 Kuwa cimriga weynu ma aha kuwa xigmadda leh,
Odayaashuna ma aha kuwa garsooridda garta.
10 Sidaas daraaddeed waxaan idin leeyahay, Bal i dhegaysta;
Aniguna ra'yigayga waan idiin caddaynayaa.
11 Bal eega, erayadiinnii waan sugayay,
Oo xigmaddiinniina waan dhegaysanayay,
Intaad baadhbaadhayseen wixii aad odhan lahaydeen.
12 Sida runta ah aad baan idiin dhegaysanayay,
Oo bal eega, laydinkuma arag mid Ayuub rumaysiiyey,
Amase mid erayadiisii uga jawaabay.
13 Isjira inaydaan odhan, Annagu xigmad waannu helnay;
Ilaah baa isaga ka adkaan kara, laakiinse dadi ma kari karo.
14 Waayo, isagu erayadiisii iguma uu soo jeedin,
Oo anigu hadalladiinnii isaga ugu jawaabi maayo.
15 Iyagii way yaabsan yihiin, oo mar dambena ma ay jawaabaan;
Oo wax ay ku yidhaahdaanna ma leh.
16 Haddaba anigu miyaan u sii sugaa, hadalka ay waayeen daraaddiis,
Iyo istaagiddooda daraaddeed, oo ay mar dambe jawaabi waayeen?
17 Haddaba aniguna qaybtayda waan ka jawaabayaa,
Oo ra'yigaygana waan caddaynayaa.
18 Waayo, waxaa iga buuxa erayo;
Oo ruuxa gudahayga ku jira ayaa i qasba.
19 Bal eega, calooshaydu waa sidii khamri sibraar ku jirta oo aan lahayn meelay ka neefsato,
Xataa sidii sibraarro ku dhow inay qarxaan.
20 Anigu waan hadli doonaa, si aan u qalbi qabowsado;
Oo bushimahayga waan kala qaadi doonaa, waanan jawaabi doonaa.
21 Waan idin baryayaaye, yaanan ninna u eexan,
Oo weliba ninna u bixin maayo magacyo faanid ah.
22 Waayo, anigu ma aan aqaan si loo bixiyo magacyo faanid ah,
Haddii kalese Kii i sameeyey ayaa haddiiba i qaadi lahaa.
Ninkii Hodanka Ahaa Iyo Miskiinkii Laasaros La Odhan Jiray
19 Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo dhar gududan oo jilicsan sidan jiray, maalin walbana barwaaqo aad buu ugu farxi jiray. 20 Oo waxaa albaabkiisa la dhigi jiray miskiin Laasaros la odhan jiray, isagoo boogo miidhan leh, 21 oo doonaya in la siiyo jajabkii miiska ninkii hodanka ahaa ka dhacay. Eeyduna way iman jireen oo boogihiisa leefleefi jireen. 22 Waxaa dhacay inuu miskiinkii dhintay, oo malaa'igahu waxay u qaadeen laabtii Ibraahim. Ninkii hodanka ahaana waa dhintay, waana la aasay. 23 Intuu Haadees ku jiray ayuu indhihiisa kor u qaaday isagoo aad u silcaya; wuxuuna meel fog ka arkay Ibraahim, iyo Laasaros oo laabtiisa ku tiirsan. 24 Markaasuu qayliyey oo yidhi, Aabbe Ibraahimow, ii naxariiso, oo Laasaros ii soo dir inuu fartiisa caaraddeeda biyo ku tiinbiyo oo carrabkayga ku qabowjiyo, waayo, anigu ololkan ayaan ku silcayaa. 25 Laakiin Ibraahim wuxuu ku yidhi, Wiil yahow, xusuuso inaad waxaagii wanaagsanaa heshay intii aad noolayd, si la mid ah ayuu Laasaros waxa xun helay, laakiin haddeer isaga halkan ayaa lagu raaxaysiiyey, adiguse waad silcaysaa. 26 Weliba annaga iyo idinka waxaa layna dhex dhigay bohol aad u weyn, si kuwa doonaya inay halkan ka sii tallaabaan inay idiin yimaadaan aanay u karin, oo kuwa xaggaasna ayna noogu soo tallaabin. 27 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aabbow, waxaan kaa baryayaa haddaba inaad guriga aabbahay isaga u dirtid, 28 waayo, shan walaalo ah baan leeyahay, si uu ugu warramo inaanay iyaguna meeshan silaca leh iman. 29 Laakiin Ibraahim wuxuu ku yidhi, Waxay leeyihiin Muuse iyo nebiyada ee ha maqleen. 30 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maya, Aabbe Ibraahimow, laakiin haddii qof kuwii dhintay uga tago, way toobadkeeni doonaan. 31 Wuxuuse ku yidhi, Haddii ay maqli waayaan Muuse iyo nebiyada, in kastoo qof kuwii dhintay ka soo sara kaco, la oggolaysiin kari maayo inay rumaystaan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya