Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 39

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey Yeduutuun oo ahaa madaxdii muusikaystayaasha.

39 Waxaan idhi, Jidadkaygaan iska jiri doonaa,
Si aanan carrabkayga ugu dembaabin,
Oo afkayga waxaan ku qaban doonaa xakame inta kii shar lahu i hor joogo.
Waan carrab beelay oo shib baan iska idhi, oo waan ka aamusay xataa wixii wanaagsanaa,
Tiiraanyadaydiina waa kacday.
Qalbigaygu uurkayguu ku kululaaday,
Oo intii aan fikirayay ayaa dabkii shidmay,
Markaasaan carrabkaygii ku hadlay, oo idhi,
Rabbiyow, i ogaysii ugu dambaystayda
Iyo cimrigayga dhererkiisu intuu yahay,
Oo i ogaysii inta tabardarradaydu tahay.
Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed
Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha,
Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash. (Selaah)
Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah,
Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah,
Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.
Haddaba Sayidow, bal maxaan sugaa?
Waayo, rajadaydu adigay kugu xidhan tahay.
Xadgudubyadayda oo dhan iga samatabbixi,
Oo ha iga dhigin mid nacasyadu caayaan.
Anigu waan carrab la'aa, oo afkaygana ma aan kala qaadin,
Maxaa yeelay, sidaasaad yeeshay.
10 Haddaba belaayadaada iga durki,
Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.
11 Markaad dadka canaanta ku edbisid xumaanta daraaddeed,
Waxaad quruxdiisa ka dhigtaa inay u baabba'do sidii balanbaallis oo kale,
Hubaal nin kastaaba waa bilaash. (Selaah)
12 Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig,
Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin,
Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga
Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.
13 Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee,
Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.

Ayuub 28:12-29:10

12 Laakiinse waa xaggee meesha xigmadda laga helaa?
Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?
13 Dadku qiimaheeda ma yaqaan,
Oo kuwa nool dalkoodana lagama helo.
14 Moolku wuxuu leeyahay, Iguma jirto,
Badduna waxay leedahay, Aniga ilama jirto.
15 Dahab laguma heli karo,
Lacagna looma miisaamo.
16 Laguma qiimayn karo dahabka Oofir,
Ama dhagaxa qaaliga ah oo onika la yidhaahdo ama xataa dhagaxa safayr la yidhaahdo.
17 Dahab iyo madarad toona uma qalmi karaan,
Oo beddelkeeduna ma noqon karo jawhar laga sameeyo dahab saafi ah.
18 Waxba lagama sheegi doono dhagax cas oo raamood la yidhaahdo, amase madarad,
Hubaal xigmadda qiimaheedu waa ka sii sarreeyaa luul.
19 Dhagaxa tobasiyos la yidhaahdo ee Itoobiya ka yimaadana uma qalmi doono,
Oo xataa dahab saafi ahna laguma qiimayn doono.
20 Haddaba xigmaddu xaggee bay ka timaadaa?
Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?
21 Maxaa yeelay, way ka qarsoon tahay kuwa nool indhahooda,
Oo haadka hawadana waa laga deday.
22 Halligaadda iyo Dhimashadu waxay leeyihiin,
Dhegahayaga ayaannu warkeeda ku maqalnay.
23 Ilaah ayaa jidkeeda garanaya,
Oo isagaa meesheeda yaqaan.
24 Waayo, isagu wuxuu fiiriyaa dunida darfaheeda,
Oo wuxuu u jeedaa inta samada ka hoosaysa oo dhan,
25 Markuu dabaysha miisaamo,
Oo uu biyahana qiyaaso.
26 Markuu roobka qaynuun u sameeyey,
Oo uu hillaaca onkodkana jid u sameeyey,
27 Ayuu arkay, oo ka hadlay,
Oo intuu adkeeyey ayuu weliba baadhay.
28 Oo wuxuu dadka ku yidhi,
Bal eega, Sayidka ka cabsashadiisa ayaa xigmad ah,
Oo in sharka laga fogaadona waa waxgarasho.

29 Oo haddana Ayuub hadalkiisuu sii waday, oo wuxuu yidhi,

Waxaan jeclaan lahaa inaan ahaado sidii waayihii hore,
Iyo sidii aan ahaan jiray markii Ilaah i dhawri jiray,
Markay laambaddiisu madaxayga ku ifin jirtay,
Oo aan nuurkiisa gudcurka ku dhex mari jiray,
Markii aan xoog lahaan jiray,
Oo qarsoodiga Ilaahna teendhadayda saarnaan jiray,
Markii Ilaaha Qaadirka ahu ila jiri jiray,
Oo carruurtayduna ay hareerahayga joogi jireen,
Markay tallaabooyinkaygu subagga la barwaaqoobi jireen,
Oo ay webiyaasha saliidda ahu dhagaxa iiga soo shubmi jireen!
Markaan magaalada iriddeeda u bixi jiray,
Oo aan kursigayga meel bannaan ku diyaarin jiray.
Dhallinyaradu intay i arkaan ayay dhuuman jireen,
Oo odayaashuna intay sara joogsadaan ayay istaagi jireen,
Amiirraduna intay hadalka joojiyaan,
Ayay afka gacanta saari jireen.
10 Ragga gobta ahuna way aamusi jireen,
Oo carrabkoodiina dhabxanagguu ku dhegi jiray.

Muujintii 8:1-5

Toddobadii Buun Baa Laga Dhawaajiyey

Oo haddana markuu furay shaabaddii toddobaad, intii nus saac ah waxaa samada ka dhacday aamusnaan. Markaasaan waxaan arkay toddobadii malaa'igood oo Ilaah hortiisa taagan, oo waxaa la siiyey toddoba buun.

Oo haddana waxaa timid malaa'ig kale, oo waxay is-ag taagtay meeshii allabariga, iyadoo haysata idan dahab ah, oo waxaa la siiyey foox badan si ay ugu darto baryadii quduusiinta oo dhan oo ay ugu shiddo meeshii allabariga oo dahabka ahayd oo carshiga hortiisa tiil. Oo qiiqii fooxa oo ay baryadii quduusiintu la socoto ayaa wuxuu ka baxay gacantii malaa'igta oo wuxuu kor u aaday Ilaah hortiis. Markaasaa malaa'igtii waxay qaadatay idankii, oo waxay ka buuxisay dabkii meesha allabariga, kolkaasay waxay ku tuurtay dhulka; markaasaa waxaa dhacay onkod, iyo codad, iyo hillaac, iyo dhulgariir.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya