Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 55:1-15

Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.

55 Ilaahow, tukashadayda dhegta u dhig,
Oo baryootankaygana ha iska qarin.
I maqal, oo ii jawaab,
Waxaan la nasan waayaa calaacalkayga, waanan la taahaa,
Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis,
Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed,
Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan,
Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan.
Wadnuhu aad buu ii xanuunayaa,
Oo waxaa igu dhacday cabsida dhimashada.
Baqdin iyo gariir ayaa igu soo degay,
Oo naxdin baa i dabooshay.
Oo anna waxaan is-idhi, Waxaan jeclaan lahaa inaan baalal yeesho sida qoolley oo kale!
Markaasaan iska duuli lahaa oo nasan lahaa.
Bal eeg, markaasaan iska warwareegi lahaa meel fog,
Oo waxaan degganaan lahaa cidlada. (Selaah)
Waxaan gabbaad kaga carari lahaa
Dabaysha hufada ah iyo duufaanka.
Sayidow, iyaga baabbi'i, oo afafkoodana kala duw
Waayo, waxaan magaalada ku arkay dulmi iyo dirir.
10 Maalin iyo habeenba derbiyadeeday ku dul wareegaan,
Oo weliba waxaa ku dhex jira xumaan iyo belaayo.
11 Dhexdeedana waxaa ku jira shar,
Dulmi iyo khiyaanona kama tagaan jidadkeeda.
12 Waayo, kii i caayay cadaawe ma ahayn,
Maxaa yeelay, waan u adkaysan kari lahaa,
Mana ahayn kii i necbaa oo iska kay weyneeyey,
Maxaa yeelay, waan ka dhuuman lahaa isaga,
13 Laakiinse wuxuu ahaa adiga oo ah nin ila mid ah,
Iyo jaalkay iyo saaxiibkay.
14 Si wanaagsan baynu u wada sheekaysan jirnay,
Oo waxaynu ku dhex socon jirnay guriga Ilaah, innagoo guuto badan la soconna.
15 Dhimasho ha ku soo kediso iyaga,
Oo iyagoo noolnool She'ool ha ku dhaceen,
Waayo, xumaan baa ku jirta hoygooda iyo dhexdooda.

Ayuub 15

Eliifas

15 Markaasaa Eliifas kii reer Teemaan isagii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

War nin xigmad lahu miyuu ku jawaabaa aqoon aan waxba tarayn,
Oo bal miyuu calooshiisa ka buuxiyaa dabaysha bari?
Miyayse ku habboon tahay inuu ku xaajowdo hadal aan faa'iido lahayn,
Amase hadallo uusan innaba wanaag ku samayn karin?
Cabsida waad baabbi'isaa,
Oo cibaadadana Ilaah hortiisa waad ka joojisaa.
Waayo, afkaaga waxaa wax bara xumaantaada,
Oo waxaad doorataa carrabka khaa'inka.
Haddaba waxaa ku xukuma afkaaga oo aniga ma aha;
Hubaal bushimahaaga qudhooda ayaa kugu marag fura.
War ma ninkii binu-aadmiga ugu hor dhashaad tahay?
Mase buuraha hortood baad soo dhalatay?
War talada qarsoon oo Ilaah miyaad maqashay?
Oo nafsaddaada miyaad xigmad ula hadhay?
War maxaad og tahay, oo aannan annagu ogayn?
Oo bal maxaad garanaysaa, oo aannan garanayn?
10 Waxaa nala jooga rag cirro leh iyo odayaal da' weyn,
Oo aabbahaa ka sii fil weyn.
11 Ma kugu yar yihiin qalbiqabowjiska Ilaah
Iyo erayga sida qabow kuula macaamiloodaa?
12 Bal maxaa qalbigaagu kuu fogeeyaa?
Maxaase indhahaagu u gabgab leeyihiin?
13 Oo aad ruuxaaga Ilaah ugu soo jeedisaa,
Oo erayo caynkaas ah aad afkaaga uga soo daysaa?
14 Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo uu daahir ahaado?
Kii naagu dhashayse muxuu yahay oo uu xaq ahaado?
15 Bal eeg, Ilaah ma aamino kuwiisa quduuska ah,
Oo xataa samooyinku hortiisa daahir kuma aha.
16 Haddaba bal sidee buu u daahir ahaanayaa nin karaahiyo iyo wasakhaan ah,
Oo dembiga sida biyo u cabbaa!
17 Bal i maqal, wax baan ku tusayaa,
Oo wixii aan arkay oo dhan waan kuu sheegayaa;
18 (Kuwaasoo rag xigmad lahu ay awowayaashood ka heleen,
Oo ayan qarin,
19 Kuwaasoo dalka keligood la siiyey,
Oo uusan shisheeye innaba dhex mari jirin.)
20 Ninkii shar ahu sida naag u foolato oo kale ayuu u xanuunsadaa cimrigiisa oo dhan,
Intaas oo ah sannadihii loo kaydiyey kuwa wax dulma.
21 Oo sanqadh cabsi leh ayaa dhegihiisa gasha,
Oo wakhtiga barwaaqadana baabbi'iyuhu waa u soo iman doonaa.
22 Isagu ma rumaysto inuu gudcurka ka noqon doono,
Iyo inay seeftu isaga sugayso.
23 Meel meel buu cunto u wareegaa isagoo leh, Meeday?
Oo wuxuu og yahay inay maalinta gudcurku isaga u diyaar tahay.
24 Waxaa isaga bajiya dhib iyo cidhiidhi,
Oo isagay uga adkaadaan sida boqor dagaal isu diyaariyey,
25 Maxaa yeelay, isagu gacantiisuu Ilaah ku taagay,
Oo Ilaaha Qaadirka ah kibir buu ku caasiyaa.
26 Wuxuu kula ordaa madax adag
Iyo gaashaammadiisa biro ku taagan yihiin.
27 Maxaa yeelay, wejiga ayuu ka cayilay,
Oo bowdooyinkana baruur buu ku yeeshay,
28 Oo wuxuu degay magaalooyin baabba' ah,
Iyo guryo aan lagu hoyan,
Oo u diyaarsan inay tuulmooyin burbur ah noqdaan.
29 Isagu taajir noqon maayo, oo maalkiisuna sii raagi maayo,
Oo dhulkana ku sii waari maayo.
30 Isagu marnaba gudcur ka bixi maayo,
Oo laamihiisa olol baa qallajin doona,
Oo neefta afkiisa ayaa qaadi doonta.
31 Yuusan wax aan waxba tarayn isku hallayn, isagoo iskhiyaaneeya,
Waayo, wax aan waxba tarayn ayaa abaalgudkiisa ahaan doona.
32 Wakhtigiisii ka hor buu dhammaan doonaa,
Oo laantiisuna ma cagaaroobi doonto.
33 Sida canabka ayuu midhihiisa ceedhiin iska ridi doonaa,
Oo sida saytuunka ayuu ubaxiisa iska daadin doonaa.
34 Waayo, ururka cibaadalaawayaashu wuxuu ahaan doonaa wax aan waxba dhalin,
Oo teendhooyinka kuwa laaluushka qaatana dab baa baabbi'in doona.
35 Iyagu waxay uuraystaan belaayo, xumaanna way dhalaan,
Oo calooshooduna waxay diyaarisaa khiyaano.

Matayos 5:27-36

Daahirla'aanta(A)

27 Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaanad sinaysan. 28 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Nin walba oo qof dumar ah damac u eegaa, durba qalbigiisuu kaga sinaystay. 29 Haddii ishaada midig ku xumayso, iska bixi oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada lagu tuuri lahaa. 30 Gacantaada midig hadday ku xumayso, iska jar oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada geli lahaa. 31 Waxaana la yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa, warqaddii furniinka ha siiyo. 32 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo naagtiisa furaa sababta sinada aawadeed maahee, wuxuu ka dhigayaa inay sinaysato, oo kii guursadaa tii la furayna waa sinaystaa.

Dhaaraha Iyo Runsheegidda

33 Weliba waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad nidarradaada jebin, laakiin waa inaad Rabbiga u yeeshaa nidarradaada. 34 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Ha dhaaraninaba; jannada ha ku dhaaranina, waayo, waa carshigii Ilaah. 35 Dhulkana ha ku dhaaranina, waayo, waa meeshuu cagihiisa dhigo; Yeruusaalemna ha ku dhaaranina, waayo, waa magaaladii Boqorkii weynaa. 36 Madaxaagana ha ku dhaaran, waayo, tin keliya kama dhigi kartid caddaan ama madow.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya