Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
55 Ilaahow, tukashadayda dhegta u dhig,
Oo baryootankaygana ha iska qarin.
2 I maqal, oo ii jawaab,
Waxaan la nasan waayaa calaacalkayga, waanan la taahaa,
3 Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis,
Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed,
Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan,
Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan.
4 Wadnuhu aad buu ii xanuunayaa,
Oo waxaa igu dhacday cabsida dhimashada.
5 Baqdin iyo gariir ayaa igu soo degay,
Oo naxdin baa i dabooshay.
6 Oo anna waxaan is-idhi, Waxaan jeclaan lahaa inaan baalal yeesho sida qoolley oo kale!
Markaasaan iska duuli lahaa oo nasan lahaa.
7 Bal eeg, markaasaan iska warwareegi lahaa meel fog,
Oo waxaan degganaan lahaa cidlada. (Selaah)
8 Waxaan gabbaad kaga carari lahaa
Dabaysha hufada ah iyo duufaanka.
9 Sayidow, iyaga baabbi'i, oo afafkoodana kala duw
Waayo, waxaan magaalada ku arkay dulmi iyo dirir.
10 Maalin iyo habeenba derbiyadeeday ku dul wareegaan,
Oo weliba waxaa ku dhex jira xumaan iyo belaayo.
11 Dhexdeedana waxaa ku jira shar,
Dulmi iyo khiyaanona kama tagaan jidadkeeda.
12 Waayo, kii i caayay cadaawe ma ahayn,
Maxaa yeelay, waan u adkaysan kari lahaa,
Mana ahayn kii i necbaa oo iska kay weyneeyey,
Maxaa yeelay, waan ka dhuuman lahaa isaga,
13 Laakiinse wuxuu ahaa adiga oo ah nin ila mid ah,
Iyo jaalkay iyo saaxiibkay.
14 Si wanaagsan baynu u wada sheekaysan jirnay,
Oo waxaynu ku dhex socon jirnay guriga Ilaah, innagoo guuto badan la soconna.
15 Dhimasho ha ku soo kediso iyaga,
Oo iyagoo noolnool She'ool ha ku dhaceen,
Waayo, xumaan baa ku jirta hoygooda iyo dhexdooda.
Soofar
11 Markaasaa Soofar oo ahaa reer Nacamaatii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2 War sow waajib ma aha in laga jawaabo erayada faraha badan?
Balse ninka hadalka badan xaq ma laga dhigaa?
3 Amase faankaagu miyuu dadka aamusiin karaa?
Oo markaad majaajilootid miyaan ninna ku kashifi karin?
4 Waayo, waxaad leedahay, Cilmigaygu waa daahir,
Oo nadiif baan ku ahay indhahaaga hortooda.
5 Bal muu Ilaah hadlo!
Oo bal muu bushimihiisa furo isagoo kaa gees ah!
6 Oo bal muu ku tuso waxyaalaha qarsoon ee xigmadda ah,
Waayo, way badan yihiin.
Haddaba bal ogow in Ilaah kaa jisaynayo in ka sii yar ciqaabta dembigaagu istaahilo.
7 War miyaad baadhi kartaa Ilaah axwaalkiisa moolka dheer?
Miyaadse Ilaaha Qaadirka ah si kaamil ah u garan kartaa?
8 Xigmaddiisu way u sarraysaa sida samada, ee bal maxaad samayn kartaa?
Oo She'oolna way ka sii mool dheer tahay, ee maxaad garan kartaa?
9 Qiyaasteeduna waa ka sii dheer tahay dhulka, waana ka sii ballaadhan tahay badda oo dhan.
10 Oo isagu hadduu dhex gudbo, wax kastana xidho,
Oo uu garsoorid isugu yeedho, bal yaa isaga hor joogsan kara?
11 Waayo, wuu gartaa dadka waxmatarayaasha ah,
Weliba xumaantana wuu arkaa, sow kama fikirin?
12 Laakiinse ninkii waxmatare ahu waxgarasho waa ka madhan yahay,
Hubaal dadku wuxuu u dhashaa sida qayl dameerdibadeed,
13 Haddaad qalbigaaga hagaajisid,
Oo aad isaga gacmaha u fidsatid,
14 Haddii xumaanu gacantaada ku jirto iska fogee,
Oo xaqdarrona yaanay teendhooyinkaaga degin.
15 Hubaal markaasaad wejigaaga kor u qaadi doontaa isagoo aan ceeb lahayn;
Oo waad adkaan doontaa, mana aad baqi doontid,
16 Waayo, dhibaatadaada waad illoobi doontaa,
Oo waxaad u xusuusan doontaa sidii biyo ku dhaafay,
17 Oo noloshaaduna way ka sii dhalaal dheeraan doontaa hadhkii,
Oo in kastoo gudcur jiro, waxay ahaan doontaa sida subaxda.
18 Oo ammaan baad ahaan doontaa, maxaa yeelay, rajaa jirta,
Hareerahaagaad fiirin doontaa, oo nabaadiinona waad ku nasan doontaa.
19 Weliba waad jiifsan doontaa, oo waxba kuma cabsiin doonaan;
Hubaal kuwa badan ayaa raallinimo kaa baryi doona.
20 Laakiinse kuwa sharka ahu way indhabbeeli doonaan.
Mana ay heli doonaan jid ay ku cararaan,
Rajadooduna waxay ahaan doontaa nafta oo ka dhacda.
10 Laakiin kuwa guursaday waxaan ku amrayaa, kan amrayaa aniga ma aha laakiin waa Rabbiga, Afadu yaanay ninkeeda ka tegin. 11 Laakiin hadday ka tagto, ha iska guur la'aato ama ninkeedii ha la heshiiso; oo ninkuna yaanu afadiisa ka tegin.
12 Kuwa kale anigu waxaan ku leeyahay ee ma aha Rabbiga, Hadduu mid walaal ah qabo afo aan rumaysanayn, oo ayna raalli ka tahay inay la joogto, yaanu ka tegin. 13 Oo afadii nin aan rumaysanayni qabo oo isna raalli ka yahay inuu la joogo, yaanay ninkeeda ka tegin. 14 Waayo, ninka aan rumaysanayni wuxuu quduus ku noqdaa xagga naagta, oo naagta aan rumaysanaynina waxay quduus ku noqotaa xagga ninka rumaysan, haddii kale carruurtiinna wasakh bay ahaan lahaayeen, laakiin haatan waa quduus. 15 Laakiin haddii kan aan rumaysanayni tago, ha iska tago. Waxaas oo kale walaalka ama walaashu uma xidhxidhna. Ilaah wuxuu inoogu yeedhay nabad. 16 Waayo, sidee baad ku garanaysaa, naag yahay, inaad ninkaaga badbaadin doonto iyo in kale? Ama sidee baad ku garanaysaa, nin yahow, inaad naagtaada badbaadin doonto iyo in kale?
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya