Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
55 Ilaahow, tukashadayda dhegta u dhig,
Oo baryootankaygana ha iska qarin.
2 I maqal, oo ii jawaab,
Waxaan la nasan waayaa calaacalkayga, waanan la taahaa,
3 Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis,
Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed,
Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan,
Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan.
4 Wadnuhu aad buu ii xanuunayaa,
Oo waxaa igu dhacday cabsida dhimashada.
5 Baqdin iyo gariir ayaa igu soo degay,
Oo naxdin baa i dabooshay.
6 Oo anna waxaan is-idhi, Waxaan jeclaan lahaa inaan baalal yeesho sida qoolley oo kale!
Markaasaan iska duuli lahaa oo nasan lahaa.
7 Bal eeg, markaasaan iska warwareegi lahaa meel fog,
Oo waxaan degganaan lahaa cidlada. (Selaah)
8 Waxaan gabbaad kaga carari lahaa
Dabaysha hufada ah iyo duufaanka.
9 Sayidow, iyaga baabbi'i, oo afafkoodana kala duw
Waayo, waxaan magaalada ku arkay dulmi iyo dirir.
10 Maalin iyo habeenba derbiyadeeday ku dul wareegaan,
Oo weliba waxaa ku dhex jira xumaan iyo belaayo.
11 Dhexdeedana waxaa ku jira shar,
Dulmi iyo khiyaanona kama tagaan jidadkeeda.
12 Waayo, kii i caayay cadaawe ma ahayn,
Maxaa yeelay, waan u adkaysan kari lahaa,
Mana ahayn kii i necbaa oo iska kay weyneeyey,
Maxaa yeelay, waan ka dhuuman lahaa isaga,
13 Laakiinse wuxuu ahaa adiga oo ah nin ila mid ah,
Iyo jaalkay iyo saaxiibkay.
14 Si wanaagsan baynu u wada sheekaysan jirnay,
Oo waxaynu ku dhex socon jirnay guriga Ilaah, innagoo guuto badan la soconna.
15 Dhimasho ha ku soo kediso iyaga,
Oo iyagoo noolnool She'ool ha ku dhaceen,
Waayo, xumaan baa ku jirta hoygooda iyo dhexdooda.
Bildad
8 Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2 Ilaa goormaad waxyaalahan ku hadlaysaa?
Oo ilaa goormaa erayada afkaagu ahaanayaan sida dabayl xoog badan?
3 War ma Ilaah baa garsooridda qalloociya? Mase Ilaaha Qaadirka ah baa caddaaladda qalloociya?
4 Haddii carruurtaadii ay isaga ku dembaabeen,
Wuxuu iyagii u gacangeliyey xadgudubkoodii.
5 Haddaad aad u barido Ilaah,
Oo aad baryootankaaga hor dhigto Qaadirka,
6 Haddaad daahir ahaan lahayd oo aad qummanaan lahayd,
Sida xaqiiqada ah haatan wuu kuu toosi lahaa,
Oo hoyga xaqnimadaadana wuu barwaaqayn lahaa.
7 Oo in kastoo bilowgaagii yaraa,
Haddana ugudambaystaadu aad bay u weynaan lahayd.
8 Waan ku baryayaaye bal qarniyadii hore wax weyddii,
Oo bal soo garwaaqso waxyaalihii ay awowayaashood fatasheen,
9 (Waayo, innagu waxaynu nahay qoonkii shalayto oo qudha, oo waxba garan mayno,
Maxaa yeelay, cimrigeenna aan dhulka joognaa waa sida hoos oo kale.)
10 War sow iyagu wax kuma bari doonaan, oo wax kuuma sheegi doonaan,
Oo sow qalbigooda kaalama hadli doonaan?
11 War miyaa cawdu ka bixi kartaa meel aan dhoobo lahayn?
Cawsduurkuse miyuu bixi karaa biyola'aantood?
12 Intuu weli cagaarka yahay oo aan la gooyn,
Wuu ka hor engegaa dhalatada kale oo dhan.
13 Kuwa Ilaah illooba oo dhan wadiiqooyinkoodu waa sidaas oo kale,
Oo ninkii cibaadalaawe ah rajadiisuna way baabba'daa.
14 Oo kaas kalsoonaantiisu way kala jajabtaa,
Oo aaminaaddiisuna waa sida xuubcaaro oo kale.
15 Wuxuu ku tiirsan doonaa gurigiisa, laakiinse gurigiisu ma taagnaan doono.
Aad buu u xajin doonaa, laakiinse siima uu adkaan doono innaba.
16 Isagu waa ku cagaar qorraxda,
Oo laamihiisa curdanka ahuna waxay ka soo kor baxaan beertiisa.
17 Oo xididdadiisuna waxay isku duuduubaan taallo dhagaxyo ah,
Oo wuxuu fiiriyaa meesha dhagaxyada.
18 Isaga haddii meeshiisa laga baabbi'iyo,
Markaasay inkiri doontaa isaga, oo waxay odhan doontaa, Anigu kumaba arag.
19 Farxadda jidkiisu waa sidaas,
Oo waxaa dhulka ka soo bixi doona kuwa kaleto.
20 Ilaah marnaba xoori maayo nin qumman,
Kuwa sharka falase tiirin maayo.
21 Wuxuu afkaaga ka buuxin doonaa qosol,
Bushimahaagana qaylo farxad leh,
22 Kuwa ku neceb waxay xidhan doonaan ceeb,
Teendhada sharrowyaduna mar dambe siima jiri doonto.
Arrimaha Ku Saabsan Guurka Iyo Guurla'aanta Iyo Furidda
7 Waxyaalahaad ii soo qorteen xaggooda, Waxaa nin u wanaagsan inuusan qof dumar ah taaban. 2 Laakiin si aan loo sinaysan, nin kastaa afadiisa oo qudha ha haysto, naag kastaana ninkeeda oo qudha ha haysato. 3 Ninku afada waxa ku qumman ha siiyo, sidaas oo kale afaduna ninka waxa ku qumman ha siiso. 4 Afadu jidhkeeda uma taliso, laakiin ninkaa u taliya, sidaas oo kale ninku jidhkiisa uma taliyo, laakiin afadaa u talisa. 5 Ha isdiidina, wakhti aad ku heshiisaan inaad soon iyo tukasho u goosataan mooyaane, oo aad haddana isu timaadaan, si aan Shayddaanku idiin duufin iscelinla'aantiinna aawadeed. 6 Laakiin taas fasax ahaan ayaan u leeyahay ee amrise maayo. 7 De waxaan jeclaan lahaa in nimanka oo dhammu ay sidayda oo kale yihiin. Laakiin nin kastaaba hadiyad gooni ah ayuu Ilaah ka helaa, midkan sidan, kaasna sidaas.
8 Laakiin anigu waxaan kuwa aan guursan iyo carmallada laga dhintay ku leeyahay, Waa u roon tahay iyaga inay sidayda oo kale sii ahaadaan, 9 laakiin hadday iscelin kari waayaan, ha guursadeen; waayo, waxaa dhaanta inay guursadaan intay guban lahaayeen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya