Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 26

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

26 Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda,
Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.
Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi,
Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh.
Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda,
Oo waxaan ku socday runtaada.
Lama aan fadhiisan waxmatarayaal,
Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo.
Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha,
Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo.
Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta,
Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,
Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo,
Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay,
Iyo meesha ammaantaadu joogto.
Naftayda ha la ururin dembilayaal,
Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,
10 Gacmahooda belaayadu ku jirto,
Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.
11 Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda,
Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.
12 Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman,
Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.

Ayuub 7

War sow hawl diyaar uma aha binu-aadmiga dhulka jooga?
Sowse maalmihiisu ma aha sida kuwa shaqaale oo kale?
Sida addoon hoos u xiisooda,
Iyo sida shaqaale mushahaaradiisa filanaya,
Sidaasoo kale waxaa lay siiyaa bilo aan waxtar lahayn,
Oo waxaa lay siiyaa habeenno daal badan.
Haddaba markaan jiifsado waxaan idhaahdaa,
Bal goormaan kici doonaa? Laakiinse habeenku waa dheer yahay
Oo tan iyo waaberiga waan rogrogmadaa.
Jidhkaygii waxaa ku dedan dirxiyo iyo qolfo ciid ah,
Haddaba dubkaygu waa isqabsadaa dabadeedna wuu sii dillaacaa.
Cimrigaygu waa ka dheereeyaa dungudbiyaha dharsameeyaha,
Oo rajola'aan baan ku noolahay.
Bal xusuusta in noloshaydu tahay dabayl uun,
Ishayduna mar dambe samaan ma arki doonto.
Kii i fiiriya ishiisu mar dambe ima arki doonto,
Indhahaagu way i fiirin doonaan, laakiinse anigu ma jiri doono.
Sida daruurtu ay u libidho oo ay u baabba'do,
Sidaasoo kale ayaa kii She'ool hoos u galaa uusan mar dambe kor uga soo noqonayn.
10 Isagu mar dambe gurigiisii kuma soo noqon doono,
Oo meeshiisiina mar dambe ma ay aqoon doonto.
11 Sidaas daraaddeed anigu afkayga celin maayo;
Waxaan ku hadli doonaa cidhiidhiga qalbigayga,
Oo waxaan ku caban doonaa tiiraanyada qadhaadh oo naftayda.
12 War anigu ma bad baan ahay, mase nibiriga badda,
Bal maxaad ii daawanaysaa?
13 Markaan idhaahdo, Sariirtaydaa ii raxayn doonta,
Oo gogoshaydaa cabatinkayga iga sahali doonta,
14 Ayaad riyooyin igu bajisaa,
Oo waxaad igu cabsiisaa muuqashooyin.
15 Sidaas daraaddeed naftaydu waxay lafahayga ka doorataa
Ceejin iyo geeri.
16 Noloshayda waan nacsanahay, oo dooni maayo inaan weligay sii noolaado;
War iska kay daa, waayo, cimrigaygu waa neefsasho oo kale.
17 Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo aad u weynaynaysaa,
Balse maxaad uga fikiraysaa isaga?
18 Bal maxaad subax kasta u soo booqanaysaa,
Oo aad daqiiqad kasta u tijaabinaysaa?
19 Bal ilaa goormaadan iga sii jeesanayn,
Oo aadan iska kay daynayn intaan candhuuftayda liqayo?
20 Oo haddii aan dembaabay bal maxaan kuu sameeyaa Kaaga dadka ilaaliyow?
Bal maxaad iiga dhigatay calaamad,
Si aan nafsaddayda culaab ugu noqdo?
21 Oo bal maxaad xadgudubkayga iiga saamaxi weyday? Oo dembigaygana maxaad iiga fogayn weyday?
Waayo, haatan ciiddaan ku dhex jiifsan doonaa,
Aad baadna ii doondooni doontaa, laakiinse siima aan jiri doono.

Luukos 16:14-18

Farrisiintii Waa La Canaantay

14 Farrisiintii lacagta jeclayd ayaa waxaas oo dhan maqashay, wayna ku qosleen. 15 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin kuwa dadka hortooda isku soo caddeeya inaad xaq tihiin, laakiin Ilaah waa garanayaa qalbiyadiinna, waayo, wixii dadka dhexdooda lagu sarraysiiyaa, Ilaah hortiisa waa ka karaahiyo. 16 Sharciga iyo nebiyadu waxay jireen ilaa Yooxanaa; tan iyo wakhtigaas injiilka boqortooyada Ilaah waa lagu wacdiyey, oo mid walbaba xoog buu ku galaa. 17 Laakiin in sharciga dhibic keliya ka dhacdo waxaa ka hawl yar in cirka iyo dhulku ay idlaadaan. 18 Mid walba oo naagtiisa fura oo mid kale guursadaa wuu sinaystaa, oo kii guursadaa mid nin laga furay wuu sinaystaa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya