Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Haamaan Oo La Deldelay
7 Haddaba boqorkii iyo Haamaan waxay u yimaadeen inay Boqorad Esteer martiqaadkeedii ka qayb galaan. 2 Oo haddana maalintii labaad intii la fadhiyey martiqaadkii khamriga ayaa boqorkii Esteer ku yidhi, Boqorad Esteeray, baryadaadu waa maxay? Waa lagu siinayaaye. Maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay, waa laguu yeelayaaye. 3 Markaasaa Boqorad Esteer jawaabtay oo waxay tidhi, Boqorow, haddaad raalli iga tahay oo aad ku faraxdid, baryadayda aawadeed naftayda ha la ii bixiyo, oo weyddiisashadayda aawadeedna dadkaygu ha ii badbaado, 4 waayo, aniga iyo dadkaygiiba waxaa loo iibiyey in nala baabbi'iyo, oo nala laayo oo aan halaaganno. Laakiinse haddii naloo iibiyey inaan ahaanno rag iyo dumar addoommo ah, waan iska aamusi lahaa, in kastoo cadowgu aanu boqorka khasaaradiisa ka xaq marin karin. 5 Markaasaa Boqor Ahashwerus wuxuu Boqorad Esteer ku yidhi, Yuu yahay, xaggee buuse joogaa, kan ku dhaca oo qalbigiisa sidaas kaga fikiray inuu waxaas yeelo? 6 Markaasaa Esteer waxay tidhi, Cadow iyo col waxaa ah Haamaankan sharka leh. Markaasaa Haamaan boqorkii iyo boqoraddii hortooda ku cabsaday.
9 Kolkaasaa Xarboona oo ahaa boqorka midiidinnadiisa midkood oo boqorka hortiisa joogay ayaa yidhi, Weliba bal eeg, waxaa Haamaan gurigiisa ag qotoma qoriga deldelaadda oo dhererkiisu yahay konton dhudhun, oo Haamaan u sameeyey inuu ku deldelo Mordekay oo boqorka wax wanaagsan kaga hadlay. Markaasaa boqorkii yidhi, Halkaas ku deldela. 10 Sidaas daraaddeed Haamaan waxaa lagu deldelay meeshii deldelaadda oo uu u diyaarshay inuu Mordekay ku deldelo, oo markaasaa boqorkii cadho baxay.
20 Markaasaa Mordekay waxyaalahaas oo dhan qoray, oo wuxuu warqado u diray kulli Yuhuuddii joogtay Boqor Ahashwerus gobolladiisa oo dhan, kuwii dhowaa iyo kuwii fogaaba, 21 oo wuxuu ku amray iyagii inay sannad walba bisha Adaar, afar iyo tobankeeda iyo shan iyo tobankeeda, dhawraan, 22 oo ay ka dhigaan maalmihii Yuhuuddii ay cadaawayaashoodii ka raysteen iyo bishii xaggooda ay murugtii farxad u beddelantay, baroortiina maalin wanaagsan; inay ka dhigaan maalmo iid ah oo farxad badan, oo mid ba midka kale waxyaalo wanwanaagsan u diro, oo masaakiintana hadiyado la siiyo.
Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.
124 Haddaan Rabbigu inala jirin
Hadda reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
2 Haddaan Rabbigu inala jirin,
Markii dadku inagu kacay,
3 Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen,
Markay aad inoogu cadhoodeen,
4 Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen,
Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,
5 Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.
6 Waxaa mahad leh Rabbiga
Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan.
7 Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha,
Dabinkii wuu go'ay, innaguna waynu baxsannay.
8 Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga
Sameeyey samada iyo dhulkaba.
Xoogga Ducada
13 Mid dhibaataysanu ma idinku dhex jiraa? Ha ducaysto. Mid faraxsanu ma jiraa? Ha gabyo. 14 Mid bukaa ma idinku dhex jiraa? Ha u yeedho waayeellada kiniisadda, oo iyagu ha u duceeyeen, oo saliid ha ku mariyeen magaca Rabbiga. 15 Ducadii rumaysad lahu way bogsiin doontaa kii buka, oo Rabbigu waa sara kicin doonaa, oo hadduu dembaabay waa loo dembidhaafi doonaa. 16 Midkiinba midka kale dembiyadiisa ha u qirto oo ha u duceeyo si aad u bogsataan. Nin xaq ah baryadiisa shaqaysa wax badan bay kartaa. 17 Eliyaas wuxuu ahaa nin dabiicaddeenna oo kale leh. Aad buu Ilaah u baryay inaan roob di'in, roobna saddex sannadood iyo lix bilood dhulka kuma uu di'in. 18 Oo kol kale ayuu Ilaah baryay, oo cirku roob buu soo daayay, dhulkuna midhihiisii buu soo saaray.
19 Walaalahayow, haddii midkiin ka leexdo runta, oo mid soo celiyo isaga, 20 ogaada in kii dembilaha qaladka jidkiisa ka soo celiyaa uu dembilihii naftiisa dhimasho ka badbaadin doono oo uu dembiyo badan qarin doono.
Midba Midka Kale Ha U Dulqaato(A)
38 Yooxanaa baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaannu aragnay qof magacaaga jinniyo ku saaraya. Nama uu soo raaco. Waannu u diidnay, waayo, isagu nama uu soo raaco. 39 Laakiin Ciise baa yidhi, Ha u diidina, waayo, ninna ma jiro oo yaab xoog leh magacayga ku sameeyaa oo dhaqso hadal xun iga odhan karaa. 40 Waayo, kan aan inaga gees ahayn waa inala gees. 41 Ku alla kii koob biyo ah magacayga idinku siiyaa, maxaa yeelay, waxaad tihiin kuwa Masiix, runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalkiisuu ka lumi maayoba.
Ciise Wuxuu Ka Digay Inaan Dadka Kale La Xumayn(B)
42 Ku alla kii xumeeya yaryarkan i rumaystay midkood, waxaa u roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda lagu tuuro. 43 Haddii gacantaadu ku xumayso, iska jar; waxaa kuu wanaagsan inaad gacanla'aan nolosha ku gashid intii aad adigoo laba gacmood leh ula tegi lahayd jahannamada ee ah dabkii aan la demin karayn 44 oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn. 45 Cagtaaduna hadday ku xumayso, iska jar. Waxaa kuu wanaagsan inaad lugla'aan nolosha ku gashid intii adigoo laba cagood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada 46 oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn. 47 Haddii ishaadu ku xumayso, iska bixi. Waxaa kuu wanaagsan inaad boqortooyada Ilaah gashid adigoo il keliya leh intii adigoo laba indhood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada 48 oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn.
Wax Ku Saabsan Cusbada(C)
49 Waayo, mid walba dab baa lagu cusbayn doonaa. 50 Cusbadu waa wanaagsan tahay, laakiin cusbadu hadday dhadhan beesho, maxaad wax ku cusbaynaysaan? Cusbo isku lahaada, nabadna isu ahaada.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya