Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 124

Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.

124 Haddaan Rabbigu inala jirin
Hadda reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
Haddaan Rabbigu inala jirin,
Markii dadku inagu kacay,
Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen,
Markay aad inoogu cadhoodeen,
Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen,
Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,
Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.
Waxaa mahad leh Rabbiga
Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan.
Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha,
Dabinkii wuu go'ay, innaguna waynu baxsannay.
Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga
Sameeyey samada iyo dhulkaba.

Esteer 1:1-21

ESTEER

Boqorad Washtii Oo Laga Qaaday Darajadeeda

Wakhtigii Ahashwerus (Ahashweruskaasu wuxuu ahaa kii xukumi jiray Hindiya iyo Itoobiya inta ka dhex leh, oo u talin jiray boqol iyo toddoba iyo labaatan gobol) markii Boqor Ahashwerus uu ku fadhiistay carshigii boqortooyadiisa oo ku yiil Shuushan oo ahayd hoygii boqorka, sannaddii saddexaad oo boqornimadiisa ayuu martiqaad u sameeyey amiirradiisii iyo addoommadiisii oo dhan, taas oo ay hortiisa joogeen xooggii Faaris iyo Maaday, iyo dadkii gobta ahaa iyo amiirradii gobollada. Oo wuxuu soo bannaan dhigay maalkii boqortooyadiisa ammaanta badnayd, iyo sharaftii haybaddiisa sarraysa, intii maalmo badan ah oo gaadha boqol iyo siddeetan maalmood. Oo markii maalmahaasu dhammaadeen ayuu boqorku diyaafad u sameeyey dadkii Shuushan oo hoygii boqorka ahayd joogay oo dhan, yar iyo weynba, intii toddoba maalmood ah, oo diyaafaddiina waxaa lagu dhigay barxaddii beerta ku dhex tiil hoygii boqorka. Oo waxaa meeshaas ka laalaaday daahyo ah caddaan iyo cagaar iyo buluug, oo waxaa ku xidhnaa xadhko laga sameeyey maro wanaagsan iyo dhar guduudan oo sudhan siddooyin lacag ah iyo tiirar marmar ah. Sariiruhuna waxay ahaayeen dahab iyo lacag, oo waxaa la dhigay meel siman oo laga sameeyey marmar ah casaan iyo caddaan iyo huruud iyo madow. Oo waxaa dadka cabniin lagu siiyey weelal dahab ah (oo weelashana midba midka kale wuu ka duwanaa), oo khamrigii boqorkuna wuu badnaa sidii ay ahayd deeqsinimadii boqorku. Oo cabniinkuna wuxuu waafaqsanaa qaynuunka, dirqina ma jirin, waayo, boqorku wuxuu madaxdii gurigiisa oo dhan ku amray inay nin kasta u yeelaan siduu doonayo. Oo weliba Boqorad Washtiina waxay dumarkii diyaafad ugu samaysay hoygii reer boqor oo uu Boqor Ahashwerus lahaa.

10 Oo maalintii toddobaad boqorkii, isagoo qalbigiisu khamri ku faraxsan yahay, wuxuu amray toddobadii midiidin oo Boqor Ahashwerus ka adeegi jiray oo ahaa Mehuumaan, Bista, Xarboona, Bigtaa, Abagta, Seetar, iyo Karkas, 11 oo wuxuu iyagii ku amray inay Boqorad Washtii hortiisa keenaan, iyadoo qabta taajkii boqornimada, si quruxdeeda loo tuso dadka iyo amiirrada, waayo, iyadu waxay lahayd suurad wanaagsan oo in la fiirsado ku fiican. 12 Laakiinse boqoraddii Washtii ahayd way diidday inay ku timaado amarkii boqorku ugu soo dhiibay midiidinnada. Sidaas daraaddeed boqorkii aad buu u xanaaqay, oo cadhadiisiina wuu la gubtay.

13 Markaasaa boqorkii wuxuu la hadlay nimankii xigmadda lahaa oo xilliyada yiqiin, (waayo, boqorka caadadiisu saasay ahayd xagga kulli kuwii sharcigii yiqiin iyo xukunkaba, 14 oo waxaa isaga ku xigay Karshena, Shetaar, Admata, Tarshiish, Meres, Marsena, iyo Memuukaan oo ahaa toddobadii amiir oo Faaris iyo Maaday, oo arkay boqorka wejigiisa, oo fadhiyey boqortooyada derejadeeda kowaad), 15 oo wuxuu ku yidhi, War maxaan ku samaynaa Boqorad Washtii sida sharciga waafaqsan? Maxaa yeelay, iyadu ma ay yeelin yeedhiddii Boqor Ahashwerus iyada midiidinnada ugu sii dhiibay. 16 Markaasaa Memuukaan jawaabay, oo wuxuu boqorkii iyo amiirradii hortooda ka yidhi, Boqorad Washtii boqorka oo keliya ma ay xumayn, laakiinse waxay xumaysay amiirrada oo dhan, iyo dadka deggan Boqor Ahashwerus gobolladiisa oo dhan. 17 Haddaba wixii ay boqoraddu samaysay wuu wada gaadhi doonaa dumarka oo dhan, kolkaasay nimankooda quudhsan doonaan markii warkan loo sheego, oo lagu yidhaahdo, Boqorkii Ahashwerus wuxuu amray in Boqorad Washtii hortiisa la keeno, laakiinse ma ay iman. 18 Haddaba isla maantadan amiiradaha Faaris iyo Maaday oo maqlay wixii ay boqoraddu samaysay, sidaasoo kalay ku odhan doonaan boqorka amiirradiisa oo dhan. Oo saas aawadeed waxaa kici doona quudhsasho iyo xanaaq badan. 19 Haddaba haddii boqorku raalli ka yahay, amar boqornimo ha bixiyo, oo amarkaasna si aan loo beddelin ha lagu dhex qoro qaynuunnada reer Faaris iyo reer Maaday, inaanay boqoradda Washtii mar dambe iman Boqor Ahashwerus hortiisa. Boqorkuna boqoradnimadeedii ha siiyo mid kale oo iyada ka wanaagsan. 20 Oo marka boqorka amarkiisa uu bixin doono lagu faafiyo boqortooyadiisa oo dhan (waayo, way weyn tahay) ayaa dumarka oo dhammu nimankooda maamuusi doonaan, yar iyo weynba.

21 Oo odhaahdaasu waxay ka farxisay boqorkii iyo amiirradii oo dhanba, kolkaasuu boqorkii yeelay sidii uu Memuukaan yidhi.

Falimaha Rasuullada 4:13-31

13 Markay arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiirranaantoodii, oo ay garteen inay yihiin niman aan wax baran, jaahiliinna ah, ayay yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen. 14 Markay arkeen ninkii la bogsiiyey oo la taagan iyaga, waxba way ka odhan kari waayeen. 15 Laakiin intay amreen inay shirka dibadda uga baxaan, ayay wada hadleen iyagoo leh, 16 Maxaynu nimankan ku samaynaa? Waayo, inay calaamo caan ah faleen waa u muuqataa kuwa Yeruusaalem jooga oo dhan; mana dafiri karno. 17 Laakiin si ayan dadka ugu sii faafin, aynu cabsiinno si ayan hadda ka dib magacan ninna ugula hadlin. 18 Markaasay u yeedheen oo ku amreen inayan aslanba Ciise magiciisa ku hadlin, waxna ku barin. 19 Laakiin Butros iyo Yooxanaa ayaa u jawaabay iyagii oo ku yidhi, Idinku kala xukuma inay Ilaah hortiisa ku qumman tahay inaannu idinka idin maqallo intaannu Ilaah maqli lahayn, iyo in kale; 20 waayo, waxyaalihii aannu aragnay oo maqallay iskama dayn karno inaannu ka hadalno. 21 Markaasay, intay sii cabsiiyeen, sii daayeen, waayo, waxay waayeen waxay ku taqsiiraan, dadka aawadiis; maxaa yeelay, dadkii oo dhammu waxay Ilaah ku ammaaneen wixii la sameeyey. 22 Waayo, ninkii calaamadan lagu bogsiiyey waa ka weynaa afartan sannadood.

Butros Iyo Yooxanaa Waxay Ku Noqdeen Saaxiibbadood

23 Markii la sii daayay ayay intoodii kale u yimaadeen oo uga warrameen wixii wadaaddada sare iyo waayeelladu ku yidhaahdeen oo dhan. 24 Oo markay taas maqleen, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay codkoodii sare ugu qaadeen Ilaah oo yidhaahdeen, Rabbiyow, adigu waxaad tahay kan sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa ku jira oo dhan; 25 kii Ruuxa Quduuska ah kaga hadlay afkii awowahayo Daa'uud oo ahaa midiidinkaagii oo yidhi,

Quruumuhu maxay u cadhoodeen,
Dadkuna maxay ugu fikireen wax aan waxba ahayn?
26 Boqorrada dhulku col bay u taagnaayeen.
Taliyayaashuna intay is-urursadeen
Ayay waxay caasi ku noqdeen Rabbiga iyo Masiixiisa;

27 waayo, waxaa run ah in magaaladan gudaheeda Herodos iyo Bontiyos Bilaatos oo ay la jiraan dadka aan Yuhuudda ahayn iyo dadka reer binu Israa'iil iyagoo ka gees ah Ciise Midiidinkaaga quduuska ah, oo aad subagtay, ay isu urursadeen, 28 inay sameeyaan wax alla wixii gacantaada iyo taladaadu hore u gooyeen inay noqdaan. 29 Laakiin Rabbiyow, eeg, way na cabsiinayaane; haddaba addoommadaada sii dhiirranaan oo dhan oo ay ereygaaga ku sheegaan, 30 intii aad gacantaada u soo fidinaysid si aad ugu bogsiisid, si calaamooyin iyo yaabab ugu samaysmaan magaca Midiidinkaaga quduuska ah Ciise. 31 Oo markay tukadeen dabadeed, meeshay ku urursanaayeen baa gariirtay; oo dhammaantood waxaa ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo ereygii Ilaah bay dhiirranaan ugu hadleen.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya