Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Naagta Dabiicadda Wanaagsan Leh
10 Bal yaa heli kara naag wanaagsan?
Waayo, qiimaheedu waa ka sii badan yahay xataa luul.
11 Waayo, qalbiga ninkeedu iyaduu isku halleeyaa,
Oo isagu innaba uma baahnaan doono wax booli ah.
12 Cimrigeeda oo dhan isaga wanaag bay u samayn doontaa,
Oo innaba xumaan kuma samayn doonto.
13 Waxay doondoontaa dhogor idaad iyo geed linen la yidhaahdo.
Oo iyadoo raalli ku ah ayay gacmaheeda ku shaqaysaa.
14 Iyadu waa sida doonniyaha baayacmushtariga,
Oo cuntadeeda waxay ka keentaa meel fog.
15 Waxay kacdaa iyadoo weli ay habeennimo tahay,
Oo dadka reerkeeda ayay cunto siisaa,
Oo gabdhaheedana hawshooday siisaa,
16 Iyadu waxay ka fikirtaa beer, wayna soo iibsataa,
Oo midhaha gacmaheeda ayay beercanab ku beerataa.
17 Waxay dhexda ku xidhataa xoog,
Oo gacmaheedana way xoogaysaa.
18 Waxay eegtaa in baayacmushtarigeedu wanaagsan yahay;
Laambaddeeduna habeenkii ma bakhtido.
19 Waxay gacmaheeda ku fidisaa dunmiiqa,
Oo sacabbadeeduna waxay qabtaan usha wareegta.
20 Waxay sacabkeeda u furtaa miskiinka,
Oo gacmaheedana waxay u fidisaa saboolka baahan.
21 Dadka reerkeeda ugama cabsato dhaxanta barafka cad,
Waayo, xaaskeeda oo dhammu waxay wada qabaan dhar labanlaab ah.
22 Waxay samaysataa durraaxado daabac leh,
Oo dharkeeduna waxaa weeye dhar aad u wanaagsan oo guduudan.
23 Ninkeedana waxaa laga yaqaan irdaha magaalada,
Markuu dhex fadhiisto waayeellada waddanka.
24 Waxay samaysaa dhar wanaagsan, wayna iibisaa,
Oo baayacmushtarigana waxay ka iibisaa boqorro dhexda lagu xidho.
25 Xoog iyo sharaf ayaa iyada dhar u ah;
Oo wakhtiga soo socda way ku qososhaa.
26 Afkeeda waxay u kala qaaddaa xigmad;
Oo carrabkeedana waxaa saaran sharciga raxmadda.
27 Waxay aad u xannaanaysaa reerkeeda,
Oo kibista caajisnimadana ma cunto.
28 Carruurteedu way kacaan oo waxay ugu yeedhaan tan barakaysan,
Oo weliba ninkeeduna wuu ammaanaa, isagoo leh;
29 Dumar badan baa wanaag sameeyey,
Laakiinse adigu waad ka sii wanaagsan tahay dhammaantood.
30 Suuradwacnaantu waa khiyaano miidhan, oo quruxduna waa ceeryaamo oo kale,
Laakiinse naagtii Rabbiga ka cabsata waa la ammaani doonaa.
31 Midhihii gacmaheeda wax ka siiya,
Oo shuqulladeeduna iyada ha ku ammaaneen irdaha magaalada.
SABUURRADII
Kitaabka Kowaad
Sabuurrada 1-41
1 Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh,
Oo aan istaagin jidka dembilayaasha,
Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada.
2 Laakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga,
Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa.
3 Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda,
Oo midhihiisa dhala xilligooda,
Oo aan caleentiisuna engegin.
Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.
4 Laakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha,
Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso.
5 Sidaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka,
Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda.
6 Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda,
Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.
Xigmadda Beenta Ah Iyo Tan Runta Ah
13 Kumaa idinku dhex jira oo xigmad iyo waxgarasho leh? Shuqulladiisa ha ku muujiyo dabiicaddiisa wanaagsan, isagoo leh qabowga xigmadda. 14 Haddaad xaasidnimo qadhaadh iyo iskala qaybqaybin ku haysataan qalbigiinna, ha faanina, runtana been ha ka sheegina. 15 Xigmaddaasu ma aha tan kor ka soo degta, laakiin waa tan dhulka iyo nafta iyo jinniyada. 16 Waayo, meeshii xaasidnimo iyo iskala qaybqaybinu ku jiraan, meeshaas waxaa ku jira iskuqasnaan iyo falniin kasta oo shar leh. 17 Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji. 18 Midhaha xaqnimada nabad waa loogu beeraa kuwa nabadda ka shaqeeya.
Kadigidda Saaxiibnimada Dunida
4 Dagaallada iyo dirirta idinku dhex jira xaggee bay ka yimaadaan? Miyaanay ka imanin damacyadiinna ku dhex dagaallamaya xubnihiinna? 2 Waad damacdaan, mana lihidin; waad dishaan, waadna xaasiddaan, mana heli kartaan; waad dirirtaan, waadna dagaallantaan, mana lihidin, waayo, ma aad weyddiisataan. 3 Waad weyddiisataan, mana heshaan, waayo, si xun baad u weyddiisataan inaad ku bixisaan damacyadiinna aawadood.
7 Haddaba Ilaah ka dambeeya, laakiin Ibliiska hor joogsada, wuu idinka carari doonaaye. 8 U soo dhowaada Ilaah, isaguna wuu idiin soo dhowaan doonaa. Dembilayaashow, gacmihiinna nadiifiya. Labaqalbiilayaashow, qalbiyadiinna daahiriya.
Ciise Baa Mar Labaad Dhimashadiisa Sii Sheegay(A)
30 Markaasay halkaas ka tageen oo Galili dhex mareen, mana uu doonaynin in la ogaado. 31 Waayo, xertiisii ayuu wax barayay, oo wuxuu ku yidhi, Wiilka Aadanaha ayaa dadka loo gacangelinayaa, wayna dili doonaan oo markii la dilo, saddex maalmood dabadeed, ayuu sara kici doonaa. 32 Laakiin hadalkaas ayay garan waayeen, wayna ka cabsadeen inay weyddiiyaan.
Is Hoosaysiinta(B)
33 Markaasuu yimid Kafarna'um, oo intuu gurigii joogay ayuu weyddiiyey, Maxaad ka wada hadlayseen intaad jidka ku soo socoteen? 34 Laakiin way aamuseen, waayo, intay jidka ku socdeen waxay ka wada hadlayeen kan ugu weyn. 35 Intuu fadhiistay laba-iyo-tobankii ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Haddii qof doonayo inuu dadka u horreeyo, isagaa ugu wada dambayn doona, midiidin buuna u wada noqon doonaa. 36 Ilmo yar ayuu qaaday oo dhexdooda joojiyey, oo goortuu gacmihiisii ku soo qaaday ayuu iyaga ku yidhi, 37 Ku alla kii carruurta kan la mid ah midkood magacayga ku aqbalaa, wuu i aqbalaa, oo ku alla kii i aqbalaa, ima aqbalo, wuxuuse aqbalaa kan i soo diray.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya