Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
SABUURRADII
Kitaabka Kowaad
Sabuurrada 1-41
1 Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh,
Oo aan istaagin jidka dembilayaasha,
Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada.
2 Laakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga,
Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa.
3 Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda,
Oo midhihiisa dhala xilligooda,
Oo aan caleentiisuna engegin.
Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.
4 Laakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha,
Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso.
5 Sidaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka,
Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda.
6 Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda,
Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.
18 Waxaa jira saddex waxyaalood oo anigu aan aad ula yaabo,
Haah, afar baan garan waayay,
19 Oo iyana waxaa weeye siduu gorgor hawada u duulo,
Siduu masna dhagax ugu socdo,
Siday doonnina badda u maaxdo,
Iyo siduu nin gabadh ula macaamiloodo.
20 Sidaas oo kale waxaa ah naag dhillo ah sideeda,
Taasoo intay wax cunto afka tirtirta,
Oo haddana tidhaahda, Anigu waxba xumaan ma aan samayn.
21 Saddex waxyaalood ayaa dhulku la gariiraa,
Oo afar baanu qaadan karin,
22 Waxaana weeye addoon markuu boqor noqdo,
Iyo nacas markuu cunto ka dhergo,
23 Iyo naag la nacay markay guursato,
Iyo gabadh addoon ahu markay sayidaddeedii meesheeda gasho.
24 Waxaa jira afar waxyaalood oo dhulka ku yaryar,
Laakiinse aad iyo aad u caqli badan.
25 Qudhaanjadu waa sida dad aan xoog badnayn,
Laakiinse waxay cuntadooda soo diyaarsadaan guga.
26 Walooyinku waa qoon taagdaran,
Oo haddana waxay guryahooda ka samaystaan dhagaxyada dhexdooda;
27 Ayaxu boqor ma leh,
Weliba dhammaantood guuto guuto ayay u socdaan.
28 Qorratadu waa wax gacanta lagu qaban karo,
Weliba waxay joogtaa guryaha boqorrada.
29 Waxaa jira saddex waxyaalood oo si fiican u socda,
Haah, oo afar waa socod wanaagsan yihiin.
30 Aar libaax oo ah kan xayawaanka ugu xoogga badan,
Oo aan weliba midna dib uga noqon,
31 Diiqa xarragoonaya, iyo orgiga;
Iyo boqorka aanay dadku gees ka ahayn.
32 Haddaad nacasnimo samaysay adoo isa sarraysiinaya,
Ama aad wax shar ah ka fikirtay,
Gacanta afka saar.
33 Waayo, caanihii la lulaa subag bay soo saaraan,
Sankii la maroojiyaana dhiig buu keenaa,
Sidaas oo kalena cadhadii la qasbaa dirir bay keentaa.
Ilaah Qasdigiisu Wuxuu Yahay Inuu Dhammaan U Naxariisto
25 Walaalayaalow, anigu dooni maayo, inaad jaahil ka ahaataan qarsoodigan, waabase intaas ood iskibrisaan. Adkaan aan dhammayn baa ku dhacday reer binu Israa'iil ilaa tirada buuxda oo quruumuhu soo gasho; 26 oo sidaasay reer binu Israa'iil oo dhammu u wada badbaadi doonaan, sida qoran,
Waxaa Siyoon ka soo bixi doona Bixiyaha.
Wuxuu Yacquub ka sii jeedin doonaa cibaadola'aanta.
27 Oo kanu waa axdigayga aan la dhigan doono iyaga,
Markaan dembigooda ka qaadi doono.
28 Xagga injiilka iyagu waa cadaawayaal aawadiin, laakiinse xagga doorashada waa kuwo la jecel yahay awowayaasha aawadood. 29 Waayo, hadiyadaha iyo yeedhidda Ilaah ka soo noqosho ma leh. 30 Waayo, idinkuba mar baad Ilaah caasi ku ahaydeen, laakiinse haatan waxaa laydiinku naxariistay kuwaas caasinimadooda, 31 sidaas oo kalay iyaguna haatan caasi u noqdeen, in naxariistii laydin tusay, iyagana haatan loogu naxariisto. 32 Waayo, Ilaah kulli wuxuu ku wada xidhay caasinimo inuu u wada naxariisto kulli.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya