Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
19 Samooyinku waxay caddeeyaan ammaanta Ilaah,
Cirkuna wuxuu muujiyaa sancadii gacantiisa.
2 Maalinba maalinta ka dambaysaa waxay ku hadashaa hadal,
Oo habeenba habeenka ka dambeeyaa wuxuu caddeeyaa aqoon.
3 Ma jiro hadal ama af
Aan codkooda laga maqlin.
4 Codkoodii wuxuu dhex maray dhulka oo dhan,
Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu dambaysa.
Oo dhexdooda wuxuu taambuug u dhigay qorraxda,
5 Taasoo la mid ah aroos qolladdiisii ka soo baxaya,
Oo waxay u faraxdaa sida nin xoog leh oo baratamaya.
6 Waxay ka soo baxdaa samada darafkeeda,
Oo waxay ku soo wareegtaa hareeraheeda,
Oo kulaylkeedana wax ka qarsoonu ma jiraan.
7 Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa,
Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa.
8 Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan,
Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa.
9 Cabsida Rabbigu waa nadiif, weligeedna way raagtaa,
Xukummada Rabbigu waa run, waana wada xaq dhammaantood.
10 Iyagu waa wax xataa dahab laga sii jeclaado, haah, xataa dahab badan oo saafi ah,
Oo weliba way ka sii macaan yihiin malab iyo awlallada malabka.
11 Oo weliba addoonkaagana iyagaa loogu digay,
Oo xajintoodana waxaa ku jira abaalgud weyn.
12 Bal yaa qaladdadiisa garan kara?
Rabbow, iga nadiifi dembiyo qarsoon.
13 Anoo addoonkaaga ah iga hay waxyaalo aan ku kibro,
Oo yaanay ii talin,
Oo markaas kaamil baan ahaan doonaa,
Oo xadgudub weynna daahir baan ka ahaan doonaa.
14 Rabbiyow, xooggayga iyo bixiyahaygiiyow,
Erayada afkayga iyo fikirka qalbigaygu ha ahaadeen kuwo hortaada lagu aqbalo.
21 Boqorka qalbigiisu wuxuu ku jiraa gacanta Rabbiga sida webiyada biyaha ah,
Oo wuxuu u leexiyaa meel alla meeshuu doonayo.
2 Nin jidkiis waluba waa la qumman yahay isaga,
Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu miisaamaa.
3 Waxaa Rabbigu allabari ka sii jecel yahay
In xaqnimo iyo gar la sameeyo.
4 Indho qab weyn iyo qalbi kibirsan,
Kuwaas oo ah kuwa sharka leh laambaddoodu waa dembi.
5 Kuwa dadaala fikirradoodu waxay u geeyaan barwaaqo.
Laakiinse ku alla kii degdeg badanu wuxuu u degdegaa inuu wax u baahdo oo keliya.
6 Khasnadihii carrab been badan lagu helaa waa sida ceeryaamo hor iyo dib loo kaxeeyey,
Oo kuwa doondoontaana dhimashay doonaan.
7 Kuwa sharka leh dhacoodu iyaguu baabbi'in doonaa,
Maxaa yeelay, iyagu waxay diidaan inay gar sameeyaan.
8 Ninkii eed badan qaba jidkiisu aad buu u qalloocan yahay,
Laakiinse kii daahirsan shuqulkiisu waa hagaagsan yahay.
9 In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon
In guri weyn naag muran badan lala joogo.
10 Kii shar leh naftiisu xumaan bay doonaysaa,
Oo deriskiisuna raallinimo kama helo hortiisa.
11 Markii mid wax quudhsada la taqsiiro, garaadlaawahu wuu caqliyaystaa,
Oo kii caqli leh marka la edbiyona aqoon buu helaa.
12 Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa,
Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.
13 Kii dhegihiisa u fureeyaa si aanu qaylada miskiinka u maqlin,
Isaga qudhiisuna wuu qaylin doonaa, laakiinse lama maqli doono.
14 Hadiyaddii qarsoodi lagu bixiyaa xanaaqay qabowjisaa,
Oo laaluushkii laabta laysu geliyaana cadho kulul buu qabowjiyaa.
15 Kii xaq ahu inuu gar sameeyo waa u farxad,
Laakiinse kuwa xumaanta ka shaqeeya waa u baabba'.
16 Ninkii jidka waxgarashada ka habaabaa
Wuxuu la joogi doonaa ururka kuwii dhintay.
17 Kii raaxaysi jecelu miskiin buu ahaan doonaa,
Oo kii khamri iyo saliid jeceluna taajir ma noqon doono.
Ciise Amarkiisii Baa Wax Laga Weyddiiyey(A)
23 Oo goortuu macbudkii galay, intuu wax barayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka, oo waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yaa amarkan ku siiyey? 24 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa. Haddaad taas ii sheegtaan, aniguna waan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo. 25 Baabtiiskii Yooxanaa xaggee buu ka yimid? Ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen? 26 Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka badan ayaynu ka baqaynaa, waayo, Yooxanaa sida nebi oo kale ayay kulli u haystaan. 27 Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Isaguna wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.
Masaalka Ku Saabsan Labada Wiil
28 Maxay idinla tahay? Nin baa laba wiil lahaa. Wuxuu u yimid kii hore oo ku yidhi, Wiilkaygiiyow, aad beerta canabka ah oo maanta ka shaqee. 29 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Dooni maayo, laakiin kolkaas dabadeed ayuu isqoomameeyey oo aaday. 30 Markaasuu wuxuu u yimid kii labaad, oo sidii oo kale ku yidhi. Isaguna wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa yahay, waan tegayaa, sayidow, laakiin ma uu tegin. 31 Kee baa labadoodii doonistii aabbihiis yeelay? Waxay yidhaahdeen, Kii hore. Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Cashuurqaadayaasha iyo dhillooyinka ayaa idinka hor geli doona boqortooyada Ilaah. 32 Waayo, Yooxanaa wuxuu idiinku yimid jidka xaqnimada ah, oo waad rumaysan weydeen isaga, laakiin cashuurqaadayaashii iyo dhillooyinkii ayaa rumaystay isaga. Idinkuna goortaad aragteen dabadeed iskama aydnaan qoomamayn si aad u rumaysataan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya