Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 73:1-20

Kitaabka Saddexaad

Sabuurrada 73-89

Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.

73 Hubaal Ilaah waa u roon yahay reer binu Israa'iil,
Iyo xataa kuwa qalbigoodu daahirka yahay.
Laakiinse anigu waan turunturoon gaadhay,
Oo tallaabooyinkayguna waxay u dhowaadeen inay simbiriirixdaan.
Waayo, waxaan ka hinaasay kuwa qabka weyn,
Markaan arkay barwaaqada ay kuwa sharka lahu haystaan.
Waayo, geeridoodu xanuun ma leh,
Laakiinse xooggoodu waa adag yahay.
Iyagu dhib kuma jiraan sida dadka kale,
Oo sida dadka kalena uma belaayaysna.
Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan,
Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin.
Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin,
Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.
Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan,
Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya.
Afkoodii waxay gaadhsiiyeen samooyinka,
Oo carrabkooduna wuxuu dhex maraa dhulka oo dhan.
10 Sidaas daraaddeed dadkiisii halkanay ku soo noqdaan,
Oo koob biyo ka buuxa ayay madhsadeen.
11 Oo waxay yidhaahdaan, Ilaah sidee buu wax u yaqaan?
Kan ugu sarreeyana aqoonu ma ku jirtaa?
12 Bal eeg, kuwanu waa kuwa sharka leh,
Oo mar kasta iyagoo istareexsan ayay hodantinimadoodu sii korodhaa.
13 Hubaal wax aan micne lahayn ayaan qalbigaygii ku nadiifshay,
Oo aan ku faraxashay anigoo aan eed lahayn,
14 Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay,
Oo subax kastana waa lay edbinayay.
15 Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa,
Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.
16 Markaan ku fikiray si aan tan ku ogaado,
Aad bay iigu xanuun badnayd,
17 Ilaa aan galay meesha quduuska ah ee Ilaah,
Oo aan ka fiirsaday ugudambaystooda.
18 Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah,
Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baabba'aan.
19 Sidee bay daqiiqad ugu noqdeen meel cidla ah!
Dhammaantood waxay ku baabba'een cabsi.
20 Sayidow, sidii mid riyo ka toosay
Markaad toostid, waxaad quudhsan doontaa ekaantooda.

Maahmaahyadii 14:1-9

14 Naag kastoo caqli lahu gurigeeday dhistaa,
Laakiinse nacasaddu gacmaheeday ku dumisaa.
Kii qummanaantiisa ku socda ayaa Rabbiga ka cabsada,
Laakiinse kii jidkiisa ku qalloocan wuu quudhsadaa isaga.
Afka nacasyada waxaa ka soo biqla kibir;
Laakiinse kuwa caqliga leh bushimahooda ayaa iyaga dhawri doona.
Meeshii aan dibi joogin qabaalkii ay wax ka cuni jireen waa baabbah;
Laakiinse kordhinta badanu waxay ku timaadaa xoogga dibiga.
Markhaatigii aamin ahu been ma sheego,
Laakiinse markhaatigii been ahu been buu ku hadlaa.
Kii wax quudhsadaa xigmad buu doondoonaa, mana helo,
Laakiinse aqoontu waa u fudud dahay kii waxgarasho leh.
Nacaska hortiisa ka fogow,
Waayo, bushimihiisa aqoon ka heli maysid.
Ninkii miyir leh xigmaddiisu waa inuu jidkiisa gartaa,
Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa khiyaano.
Nacasyadu dembigay ku majaajiloodaan,
Laakiinse kuwa qumman waxaa ku dhex jirta raallinimo.

Matayos 17:14-21

Wiilkii Jinnigii Qabay Waa La Bogsiiyey(A)

14 Goortay dadkii badnaa u yimaadeen, ayaa nin u yimid isaga, oo intuu u jilba joogsaday ayuu ku yidhi, 15 Sayidow, wiilkayga u naxariiso, waayo, suuxdin buu qabaa oo aad buu u xanuunsadaa, oo marar badan wuxuu ku dhacaa dabka, marar badanna biyo, 16 oo waxaan u keenay xertaada, wayna bogsiin kari waayeen. 17 Ciise wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Halkan iigu keena isaga. 18 Markaasaa Ciise canaantay, oo jinnigii waa ka baxay, saacaddaasna wiilkii waa bogsaday. 19 Markaas xertii ayaa keli ahaan Ciise ugu timid oo ku tidhi, Annagu maxaannu u saari kari waynay? 20 Wuxuu ku yidhi, Waa rumaysadyaraantiinna aawadeed. Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le'eg, waxaad buurtan ku odhan doontaan, Halkan ka dhaqaaq oo halkaas tag, wayna dhaqaaqi doontaa, oo waxba ma kari waayi doontaan. 21 Laakiin caynkan waxba kuma soo baxo tukasho iyo soon maahee.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya