Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Maahmaahyadii 22:1-2

22 Magac wanaagsan baa laga doortaa maal badan,
Oo nimcana waa ka wanaagsan tahay lacag iyo dahab.
Taajirka iyo miskiinku way wada kulmaan,
Oo Rabbigu waa kii kulligood sameeyey.

Maahmaahyadii 22:8-9

Kii xumaan beeraa wuxuu goosan doonaa belaayo,
Oo usha cadhadiisuna way dhammaan doontaa.
Kii il deeqsiya lahu wuu barakoobi doonaa,
Waayo, isagu wuxuu cuntadiisa wax ka siiyaa masaakiinta.

Maahmaahyadii 22:22-23

22 Miskiinka ha dhicin, waayo, isagu waa miskiin,
Oo kan dhibaataysanna meesha iridda ha ku dulmin,
23 Waayo, Rabbiga ayaa dacwadooda u qaadi doona,
Oo kuwa iyaga dhaca naftoodana wuu dhici doonaa.

Sabuurradii 125

Gabayga meelokoridda.

125 Kuwa Rabbiga isku halleeyaa
Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta.
Sida buuruhu Yeruusaalem ugu wareegsan yihiin
Ayuu Rabbigu dadkiisa ugu wareegsan yahay,
Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
Waayo, usha xumaantu ku dhici mayso qaybta kuwa xaqa ah,
Si aan kuwa xaqa ahu gacmahooda xumaan ugu soo fidin.
Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee,
Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay.
Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan
Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha.
Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.

Yacquub 2:1-10

Kadigidda Kala-eexashada

Walaalahayow, iimaanka Rabbigeenna Ciise Masiix kan ammaanta leh eexasho ha ku haysanina. Haddii nin kaatun dahab ah iyo dhar quruxsan qabaa shirkiinna soo galo, oo haddana haddii nin kale oo miskiin ah oo dhar uskag leh qabaa soo galo, oo aad fiirisaan ka dharka quruxdasan qaba oo aad ku tidhaahdaan, Adigu kaalay oo halkan wanaagsan fadhiiso, oo aad ku tidhaahdaan ka miskiinka ah, Adigu xaggaas istaag ama halkan cagahayga ag fadhiiso, miyeydnaan kala qaybsamin oo miyeydnaan noqonin kuwa fikirrada sharka leh wax ku xukuma? I dhegaysta, walaalahayga aan jeclahayow. Miyaan Ilaah u dooran kuwa ah masaakiinta xagga dunida inay ahaadaan kuwa hodan ku ah rumaysadka oo dhaxla boqortooyaduu u ballanqaaday kuwa isaga jecel? Laakiin idinku waad maamuus jebiseen miskiinkii. Taajiriintu miyaanay idin dulmin oo miyaanay idiin jiidin maxkamadda? Miyaanay caayin magaca wanaagsan oo laydiinku yeedhay? Haddaba haddaad oofisaan sharciga boqornimada siduu Qorniinku leeyahay, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada, si wanaagsan baad yeeshaan. Laakiin haddaad dadka u kala eexataan waad dembaabtaan, oo sharcigu wuu idinku caddeeyey inaad tihiin kuwa xadgudbay. 10 Ku alla kii sharciga oo dhan xajiya oo qaynuun keliya ku gafa, kulli wuu ku eedaysan yahay.

Yacquub 2:11-13

11 Waayo, kii yidhi, Ha sinaysan; wuxuu kaloo yidhi, Cidna ha dilin. Haddaanad sinaysanin laakiin aad dad disho, waxaad noqotay ku sharciga ku xadgudbay. 12 Sidii kuwo sharciga xorriyadda lagu xukumi doono, u hadla oo u yeela. 13 Xukunku naxariis uma leh kii aan dadka u naxariisan; naxariistu way ka faantaa xukunka.

Yacquub 2:14-17

Rumaysadka Iyo Shuqullada

14 Maxay tartaa, walaalahayow, haddii nin yidhaahdo, Rumaysad baan leeyahay, laakiin aanu shuqullo lahayn? Rumaysadku ma badbaadin karaa isaga? 15 Walaal wiil ah ama walaal gabadh ah hadday arradan yihiin oo cuntadii maalinta u baahan yihiin, 16 oo midkiin ku yidhaahdo iyaga, Nabad gala, diirsada oo dherga, oo weliba aydnaan siin waxa jidhku u baahan yahay, maxay tartaa? 17 Haddaba sidaas oo kale rumaysadku haddaanu shuqullo lahayn keli ahaantiisu waa meyd.

Markos 7:24-37

Bogsiintii Gabadha Aan Yuhuudda Ahayn(A)

24 Meeshaas ayuu ka kacay oo wuxuu tegey soohdimaha Turos iyo Siidoon. Markaasuu guri galay. Ma uu doonaynin in la ogaado, laakiin wuu qarsoomi kari waayay. 25 Kolkaasaa naag gabadheedu jinni wasakh leh qabtay ayaa warkiisa maqashay, oo intay timid ayay lugihiisa isku tuurtay. 26 Naagtii waxay ahayd Gariig, qolo ahaanna Surofoynike. Oo waxay ka bariday inuu jinniga gabadheeda ka saaro. 27 Kolkaasuu ku yidhi, Kolka hore carruurtu ha dheergaan, waayo, ma wanaagsana in carruurta kibistooda la qaado oo eeyaha loo tuuro. 28 Laakiin way u jawaabtay oo ku tidhi, Waa run, Sayidow, laakiin weliba eeyaha miiska hoostiisa ku jiraa waxay cunaan jajabka carruurta ka dhaca. 29 Kolkaasuu iyada ku yidhi, Hadalkaas aawadiis tag; jinnigii ayaa gabadhaada ka baxay. 30 Goortay gurigeeda timid waxay aragtay gabadhii oo sariirta jiifta oo jinnigii ka baxay.

Nin Dhego Iyo Carrabla' Oo La Bogsiiyey(B)

31 Mar kale ayuu soohdimaha Turos ka soo tegey oo Siidoon maray oo badda Galili yimid, soohdimaha Dekabolisna ayuu soo dhex maray. 32 Markaasay waxay u keeneen mid dhego iyo carrab la', waxayna ka baryeen inuu gacantiisa saaro. 33 Kolkaasuu dadkii badnaa dhinaca uga bixiyey, oo farihiisa ayuu dhegihiisa ka geliyey, wuuna tufay oo carrabkiisa taabtay. 34 Markaasuu cirka kor u eegay, wuuna taahay oo ku yidhi, Efata, waxa weeye, Furan. 35 Markiiba dhegihiisa waa furmeen oo carrabkiisii xidhnaa waa debcay, oo si bayaan ah ayuu u hadlay. 36 Wuuna ku amray inaanay ninna u sheegin; laakiin in alla intuu amray, ayay in ka badan sii naadiyeen. 37 Aad iyo aad bay ula yaabsanaayeen, oo waxay yidhaahdeen, Wax walba si wanaagsan ayuu u sameeyey. Kuwa dhegaha la' wax buu maqashiiyaa, kuwa carrabka la'na wax buu ka hadliyaa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya