Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Gabayga meelokoridda.
125 Kuwa Rabbiga isku halleeyaa
Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta.
2 Sida buuruhu Yeruusaalem ugu wareegsan yihiin
Ayuu Rabbigu dadkiisa ugu wareegsan yahay,
Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
3 Waayo, usha xumaantu ku dhici mayso qaybta kuwa xaqa ah,
Si aan kuwa xaqa ahu gacmahooda xumaan ugu soo fidin.
4 Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee,
Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay.
5 Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan
Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha.
Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.
Baaqii Xigmadda
8 Haddaba xigmaddu sow ma dhawaaqin?
Waxgarashaduna codkeedii sow kor uma qaadin?
2 Waxay taagan tahay meelaha sarreeya
Oo jidka agtiisa ah, meesha waddooyinku ku kulmaan.
3 Oo waxay ka qaylisaa irdaha agtooda,
Meesha magaalada laga soo galo,
Iyo meesha albaabbada laga soo galoba.
4 Nimanyahow, idinkaan idiin dhawaaqayaa,
Oo codkayguna wuxuu u yeedhayaa binu-aadmiga.
5 Garaadlaawayaashow, miyir lahaada,
Nacasyadoy, waxgarasho qalbiga ku haysta.
6 I maqla, waayo, waxaan ku hadlayaa waxyaalo wanaagsan,
Oo waxaan bushimaha u kala qaadayaa waxyaalo qumman.
7 Maxaa yeelay, afkaygu run buu ku hadlayaa;
Oo bushimahayguna shar bay karhaan.
8 Erayada afkayga oo dhammi waa xaq,
Oo innaba wax qalloocan ama maroorsan lagama helo.
9 Iyagu dhammaantood waa u cad yihiin kii wax garanaya,
Oo waana u qumman yihiin kuwa aqoonta hela.
10 Edbintayda qaata, lacagse ha qaadanina,
Oo aqoontana ka hor doorta dahabka saafiga ah.
11 Waayo, xigmaddu waa ka sii wanaagsan tahay luulka,
Oo wax alla waxa la damci karo oo dhanna iyada lalama simi karo.
12 Anigoo xigmad ahu, waxaan la fadhiyaa miyir,
Oo waxaan helaa aqoon iyo digtoonaan.
13 Rabbiga ka cabsashadiisu waa in sharka la naco.
Kibirka, iyo madaxweynaanta, iyo jidka sharka,
Iyo afka qalloocan ayaan anigu necbahay.
14 Talo iyo xigmad anigaa iska leh,
Oo waxaan ahay waxgarasho, xoogna waan leeyahay.
15 Boqorradu gacantayday wax ku xukumaan,
Oo amiirraduna amarkaygay garta ku gooyaan.
16 Taliyayaasha iyo saraakiisha iyo weliba xaakinnada dunida oo dhammuna
Anigay wax iigu taliyaan.
17 Anigu kuwa i jecel waan jeclahay,
Oo kuwa aad iyo aad ii doonaana way i heli doonaan.
18 Anigaa iska leh taajirnimo iyo sharaf.
Iyo weliba maal raagaya iyo xaqnimoba.
19 Midhahaygu way ka sii wanaagsan yihiin dahab, haah, oo xataa dahab aad u wanaagsan way ka sii wanaagsan yihiin,
Oo waxa ii kordhaana way ka sii wanaagsan yihiin lacag la doortay.
20 Anigu waxaan ku socdaa jidka xaqnimada,
Iyo waddooyinka garta dhexdooda,
21 Si aan kuwa i jecel uga dhigo inay maal dhaxlaan,
Oo aan khasnadahooda ugu buuxiyo.
22 Rabbigu wuxuu i lahaan jiray bilowgii jidkiisa
Iyo shuqulladiisii hore ka hor.
23 Aniga aakhirada hore waa lay taagay, waxaan jiray bilowgii ugu horreeyey,
Ama intaan dunidu jirin ka hor.
24 Anigu waxaan dhashay intaan moolal jirin ka hor,
Iyo intaanay jirin ilo biyo ka buuxaan.
25 Intaan la qotomin buuraha
Iyo kuraha ka hor ayaan anigu dhashay,
26 Intaanuu isagu samayn dhulka iyo berrimmada,
Amase ciiddii dunida ugu horraysay.
27 Markuu samooyinka hagaajiyey anigu waan joogay,
Markuu xariijinta ku wareejiyey moolka dushiisa,
28 Markuu cirka sare taagay,
Markii ilaha moolku xoog yeesheen,
29 Markuu badda xad u yeelay
Si aan biyuhu amarkiisa ugu xadgudbin,
Markuu aasaaskii dhulka dhigay,
30 Markaas anigu isagaan dhinac joogay, anigoo ah sidii hawlhoggaamiye,
Oo anigu maalin kasta faraxiisaan ahaa,
Oo mar kasta hortiisaan ku rayrayn jiray;
31 Waxaan ku rayrayn jiray inta dhulkiisa la degay,
Oo waxaan ku farxi jiray binu-aadmiga.
Bogsiintii Gabadhii Aan Yuhuudda Ahayn(A)
21 Ciise ayaa meeshaas ka baxay, oo dhinacyada Turos iyo Siidoon ayuu u leexday. 22 Oo naag reer Kancaan ah ayaa soohdimahaas ka soo baxday oo qaylisay iyadoo leh, Ii naxariiso, Sayidow, ina Daa'uudow. Gabadhayda jinni baa si xun u waalaya. 23 Laakiin hadal uguma uu jawaabin. Markaasaa xertiisii u timid oo ka bariday iyagoo leh, Eri, waayo, way inaga daba qaylinaysaa. 24 Laakiin wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, La iima soo dirin, idaha lunsan oo reer binu Israa'iil maahee. 25 Laakiin iyadu way u timid oo sujuudday, oo waxay tidhi, Sayidow, i caawi. 26 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Ma wanaagsana in carruurta kibistooda la qaado oo eeyaha loo tuuro. 27 Waxay tidhi, Waa run, Sayidow, laakiin weliba eeyahu waxay cunaan jajabka ka dhaca miiska sayidkooda. 28 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Naagtay, rumaysadkaagu waa weyn yahay ee ha kuu noqoto sidaad doonaysid. Oo saacaddaasba gabadheedii waa bogsatay.
Dad Badan Baa La Bogsiiyey(B)
29 Markaasaa Ciise halkaas ka tegey, oo wuxuu u soo dhowaaday badda Galili, oo buurtuu fuulay oo halkaasuu fadhiistay. 30 Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la' iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey. 31 Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya