Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 125

Gabayga meelokoridda.

125 Kuwa Rabbiga isku halleeyaa
Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta.
Sida buuruhu Yeruusaalem ugu wareegsan yihiin
Ayuu Rabbigu dadkiisa ugu wareegsan yahay,
Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
Waayo, usha xumaantu ku dhici mayso qaybta kuwa xaqa ah,
Si aan kuwa xaqa ahu gacmahooda xumaan ugu soo fidin.
Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee,
Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay.
Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan
Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha.
Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.

Maahmaahyadii 4:10-27

10 Wiilkaygiiyow, maqal oo hadalladayda aqbal.
Oo sannadaha cimrigaaguna way badnaan doonaan.
11 Anigu waxaan ku baray jidkii xigmadda;
Oo waxaan kugu hoggaamiyey waddooyinkii qummanaanta.
12 Markii aad socotid tallaabooyinkaagu cidhiidhi ma noqon doonaan,
Oo haddaad oroddidna ma turunturoon doontid.
13 Edbinta xajiso, oo ha iska sii deyn;
Hayso, waayo, iyadu waa noloshaada,
14 Waddada kuwa sharka leh ha gelin,
Oo jidka xumaanfalayaashana ha qaadin.
15 Ka leexo, hana marin,
Ka noqo oo hareer ka mar.
16 Waayo, iyagu ma seexdaan haddaanay xumaan falin,
Oo hurdadoodana waa laga qaadaa iyagoo cid kufiya mooyaane.
17 Waayo, iyagu waxay cunaan kibistii sharnimada,
Oo waxay cabbaan khamrigii dulmiga.
18 Laakiinse waddada kuwa xaqa ahu waa sida iftiinka waaberiga oo kale,
Kaas oo hadba soo kordha ilaa uu noqdo maalin cad.
19 Jidka kuwa sharka lahuna waa sida gudcurka oo kale.
Oo iyagu garan maayaan waxay ku turunturoodaan.
20 Wiilkaygiiyow, erayadayda dhegayso,
Oo hadalladaydana dhegta u dhig.
21 Indhahaaga hortooda yaanay ka fogaan,
Oo qalbigaaga dhexdiisa ku hayso,
22 Waayo, iyagu waa u nolol kuwa hela,
Oo jidhkooda oo dhanna waa u caafimaad.
23 Digtoonaan qalbigaaga u dhawr,
Waayo, isagay noloshu ka soo baxdaaye.
24 Af qalloocan iska saar,
Oo bushimo maroorsanna iska fogee.
25 Indhahaagu qummaati wax ha u fiiriyeen,
Oo indhahaaga daboolkooduna si toosan hortaada ha u eegeen.
26 Waddada cagahaaga aad ugu fiirso,
Oo jidadkaaga oo dhammuna ha toosnaadeen.
27 Xagga midigta iyo xagga bidixda toona ha u leexan,
Oo cagtaadana xumaanta ka fogee.

Rooma 2:12-16

12 In alla intii sharcila'aan dembaabtay, sharcila'aan bay halligmi doonaan, oo in alla intii sharciga hoostiisa ku dembaabtayna, sharcigaa lagu xukumi doonaa; 13 waayo, kuwa sharciga maqlaa ma aha kuwa xaqa Ilaah hortiis, laakiinse kuwa sharciga yeela xaq baa laga dhigi doonaa. 14 Markii dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan sharciga lahaynu, ay dabiicadda ka sameeyaan waxyaalaha sharciga, kuwan aan sharciga lahaynu waa isu sharci. 15 Waxay muujiyaan shuqulka sharciga oo qalbiyadooda ku qoran, iyagoo garashadoodu u markhaati furayso, oo fikirradoodu midba midka kale ashtakaynayo ama marmarsiinyo samaysanayo, 16 maalinta Ilaah waxyaalaha qarsoon ee dadka ku xukumi doono Ciise Masiix sida injiilkaygu leeyahay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya