Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Gabayga meelokoridda.
125 Kuwa Rabbiga isku halleeyaa
Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta.
2 Sida buuruhu Yeruusaalem ugu wareegsan yihiin
Ayuu Rabbigu dadkiisa ugu wareegsan yahay,
Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
3 Waayo, usha xumaantu ku dhici mayso qaybta kuwa xaqa ah,
Si aan kuwa xaqa ahu gacmahooda xumaan ugu soo fidin.
4 Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee,
Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay.
5 Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan
Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha.
Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.
MAAHMAAHYADII
Dulucda Kitaabka
1 Kuwanu waa maahmaahyadii Sulaymaan ina Daa'uud oo ahaa boqorkii reer Binu Israa'iil,
2 Wuxuu u qoray si loo ogaado xigmadda iyo edbinta,
Oo loo garto erayada waxgarashada,
3 In la helo edbinta ku saabsan xigmadda,
Iyo xaqnimada iyo garta iyo caaddilnimada;
4 Si miyir loo siiyo garaadlaawaha,
Oo aqoon iyo digtoonaanna loo yeelo ninka dhallinyarada ah.
5 Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho,
Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan,
6 Si lagu garto maahmaahda, iyo micnaynta,
Iyo hadallada kuwa caqliga leh iyo xujooyinkooda.
7 Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa;
Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.
Guubaabinta Xigmadda
Ka-digidda Soo Jiidashada Xun
8 Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal,
Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,
9 Waayo, waxay madaxaaga u noqon doonaan wax sharraxsan,
Oo waxay kuu noqon doonaan silsilado qoorta kuu sudhan.
10 Wiilkaygiiyow, haddii dembilayaal ku sasabtaan,
Ha oggolaan.
11 Hadday kugu yidhaahdaan, Na soo raac,
Aan gaadno inaynu dhiig daadinno,
Oo aynu sababla'aan kuwa aan eedda lahayn si qarsoon ugu dhuumanno;
12 Oo iyagoo nool aynu u liqno sida qabriga oo kale,
Dhammaantoodna aan juq siinno sida kuwa yamayska ku dhaca;
13 Waxaynu heli doonnaa maal qaali ah oo cayn kasta ah,
Oo guryaheennana waxaynu ka buuxsan doonnaa booli;
14 Nasiibkaaga iskula kaaya soo dar,
Oo kulligeenna aynu kiishad qudha wada lahaanno;
15 Wiilkaygiiyow, iyaga jidka ha la marin;
Oo cagtaadana wadiiqadooda dib uga jooji;
16 Waayo, cagahoodu waxay u ordaan shar,
Oo waxay u degdegaan inay dhiig daadiyaan.
17 Waayo, waa waxtarla'aan dabinka loo dhigaa
Iyadoo ay shimbirtu u jeeddo;
18 Iyagu waxay u gaadaan si dhiiggooda loo daadiyo,
Oo waxay si qarsoon ugu dhuuntaan si naftooda looga qaado.
19 Sidaas oo kalay yihiin jidadka mid kasta oo faa'iido u hunguri weyn,
Oo nafta ka qaada kuwa leh.
Yuhuuddu Waa Gardarantahay
2 Sidaas daraaddeed, nin yahow, marmarsiinyo ma lihid ku kastoo aad tahayba kaaga wax xukuma; maxaa yeelay, meeshii aad ku kale ku xukuntid, waad isku xukumaysaa, waayo, kaaga wax xukumaa, waxaad samaysaa isla wixii. 2 Oo waxaannu og nahay in xukunka Ilaah uu ka gees yahay kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya, sida runta ah. 3 Nin yahow, ma waxay kula tahay, kolkaad xukuntid kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya oo aad isla wixiina sameeysid, inaad xukunka Ilaah ka baxsan doonto? 4 Ma waxaad quudhsanaysaa hodantinimada wanaaggisa iyo samirkiisa iyo dulqaadashadiisa? Miyaadan garanayn in wanaagga Ilaah kuu kaxeeyo xagga toobadda? 5 Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah, 6 kan nin kasta u siin doona sida shuqulkiisu ahaa, 7 kuwa dulqaadashada shuqulka wanaagsan ku doondoonaa ammaan iyo ciso iyo dhimashola'aan, wuxuu siin doonaa nolosha weligeed ah; 8 laakiin kuwa iskala qaybqaybiya, oo aan runta addeecin, laakiinse xaqdarrada addeeca, waxaa u ahaan doona cadho iyo ciil, 9 iyo dhibaato iyo cidhiidhiba, oo waxay u ahaan doonaan naf kasta oo dadka sharka sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigga. 10 Laakiin ammaan iyo ciso iyo nabad baa u ahaan doona ku kasta oo wanaag sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigga; 11 maxaa yeelay, Ilaah dadka uma kala eexdo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya