Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
9 Ilaahow, gabay cusub ayaan kuugu gabyi doonaa,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa shareerad toban xadhig leh.
10 Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa,
Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh.
11 I badbaadi, oo iga samatabbixi gacanta shisheeyayaasha,
Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo,
Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
12 Markii wiilashayadu ay noqdaan sidii geedo yaraantoodii ku koray,
Oo gabdhahayaguna ay noqdaan sidii dhagaxyada rukunka oo loo qoray qaabkii guriga boqorka,
13 Markii maqsinnadayadu ay buuxsamaan iyagoo na siinaya alaab cayn kasta ah,
Idahayaguna ay noo dhalaan kumanyaal iyo kumaankun oo berrimmada noo jooga,
14 Markii dibidayadu ay aad u xoogaystaan,
Markaan la arag weerarid iyo qaxid,
Oo aan cabasho jirin jidadkayaga dhexdooda,
15 Waxaa faraxsan dadkii xaalkoodu sidaas yahay,
Haah, oo waxaa faraxsan dadkii Rabbigu Ilaahooda yahay.
Saaxiibadaha Hadlayaa
5 Waa tuma tan cidlada ka soo baxaysa,
Ee gacaliyeheeda ku tiirsanu?
Gacalisada Hadlaysaa
Waxaan kaa soo kiciyey geed tufaax ah hoostiis.
Halkaasaa hooyadaa kugu foolatay,
Oo halkaasay tii ku dhashay kugu foolatay.
6 Qalbigaaga korkiisa ii dhig sida shaabad oo kale, oo gacantaada korkeeda ii dhig sida shaabad oo kale,
Waayo, jacaylku wuxuu u xoog badan yahay sida geeri oo kale,
Oo masayrkuna wuxuu u nac weyn yahay sidii She'ool oo kale.
Belbelkiisu waa sida belbel dab ah,
Oo waa ololka ugu wada kulul ee Rabbiga.
7 Biyo badanu jacayl ma demin karaan,
Oo daadadkuna innaba ma qarqin karaan.
Haddii nin damco inuu jacayl soo siisto maalka gurigiisa oo dhan,
Haddana dhammaan waa la quudhsan lahaa.
9 Markaasuu ku yidhi, Qaynuunkii Ilaah aad baad u diiddaan inaad xeerkiinna xajisaan. 10 Waayo, Muuse wuxuu yidhi, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus; oo kan aabbihii iyo hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado. 11 Laakiin waxaad leedihiin, Haddii nin aabbihii iyo hooyadii ku yidhaahdo, Wixii aan idiin tari lahaa oo dhan waa Qurbaan, waxa weeye, Waa sadaqad aan Ilaah siiyey; 12 idinku uma daysaan mar dambe inuu aabbihii iyo hooyadii wax u sameeyo. 13 Ereygii Ilaah ayaad ku buriseen xeerkiinna aad bixiseen, oo wax badan oo kuwan oo kale ah ayaad samaysaan.
14 Markaasuu dadkii badnaa haddana u yeedhay oo ku yidhi, I maqla kulligiin oo garta. 15 Ma jiraan wax dibadda jooga oo intay ninka galaan nijaasayn karaa, laakiin waxa isaga ka soo baxa kuwaasaa waxa ninka nijaaseeya. 16 Haddii nin dhego wax lagu maqlo leeyahay ha maqlo.
17 Markuu dadka ka tegey oo guri galay ayaa xertiisii masaalladii wax ka weyddiisay. 18 Wuxuu iyaga ku yidhi, Idinkuna ma sidaasaad garashola'aan u tihiin? Miyaydnaan garanaynin in waxa dibadda joogaa oo dadka galaa ayan nijaasayn karin? 19 Waayo, qalbigiisa ma galaan, laakiin calooshiisay galaan, oo waxay ku dhacaan meesha lagu saxaroodo. Sidaasuu cuntada oo dhan ku nadiifiyey. 20 Wuxuuna ku yidhi, Waxa ninka ka soo baxa, kuwaas weeye waxa ninka nijaaseeyaa. 21 Waayo, waxan weeye waxa qalbiga dadka gudihiisa ka soo baxa fikirrada shar leh, iyo galmada xaaraanta ah, iyo tuuganimada, iyo dilidda, 22 iyo damacnimada, iyo sharka, iyo khiyaanada, iyo camal xumaanta, iyo il xun, iyo cayda, iyo kibirka, iyo nacasnimada. 23 Waxyaalahan shar leh oo dhammu gudahay ka soo baxaan oo ninka nijaaseeyaan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya