Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 144:9-15

Ilaahow, gabay cusub ayaan kuugu gabyi doonaa,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa shareerad toban xadhig leh.
10 Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa,
Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh.
11 I badbaadi, oo iga samatabbixi gacanta shisheeyayaasha,
Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo,
Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
12 Markii wiilashayadu ay noqdaan sidii geedo yaraantoodii ku koray,
Oo gabdhahayaguna ay noqdaan sidii dhagaxyada rukunka oo loo qoray qaabkii guriga boqorka,
13 Markii maqsinnadayadu ay buuxsamaan iyagoo na siinaya alaab cayn kasta ah,
Idahayaguna ay noo dhalaan kumanyaal iyo kumaankun oo berrimmada noo jooga,
14 Markii dibidayadu ay aad u xoogaystaan,
Markaan la arag weerarid iyo qaxid,
Oo aan cabasho jirin jidadkayaga dhexdooda,
15 Waxaa faraxsan dadkii xaalkoodu sidaas yahay,
Haah, oo waxaa faraxsan dadkii Rabbigu Ilaahooda yahay.

Gabaygii Sulaymaan 5:2-6:3

Gacalisada Hadlaysaa

Anigu waan hurday, laakiinse qalbigaygu waa soo jeeday.
Waxaan maqlay codkii gacaliyahayga oo albaabka garaacaya, isagoo leh,
Walaashayay, taan jeclahayay, qoolleydaydiiyey, tayda sanay, iridda iga fur,
Waayo, madaxayga waxaa ka buuxa dharab,
Oo timahaygana waxaa qoyay dhibicyihii habeennimada.
Dharkaygii waan iska bixiyey, bal sidee baan u xidhaa?
Oo cagahaygiina waan maydhay, bal sidee baan u wasakheeyaa?
Gacaliyahaygii wuxuu gacantiisii ka soo dusiyey daloolkii albaabka,
Oo qalbigaygu isaguu u dhaqaaqay.
Waxaan u sara joogsaday inaan gacaliyahayga iridda ka furo,
Oo gacmahaygana waxaa ka daadanayay malmal,
Farahaygana malmalku
Wuxuu kaga tiftifqay qataarkii albaabka.
Gacaliyahaygii waan ka furay,
Laakiinse gacaliyahaygii wuu iska noqday, wuuna tegey.
Naftaydii markuu hadlay way naxday.
Isagaan doondoonay, laakiinse waan heli kari waayay.
Waan u dhawaaqay, laakiinse innaba iima uu jawaabin.
Oo waardiyayaashii magaalada dhex warwareegayay ayaa i helay
Wayna i garaaceen oo i dhaawaceen.
Oo kuwii derbiyada dhawrayay ayaa garbasaartaydii iga qaaday.
Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Waxaan idinku dhaarinayaa, haddaad gacaliyahaygii aragtaan,
U sheega inaan caashaq la buko.

Saaxiibadaha Hadlayaa

Gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay,
Taada naagaha ugu qurxoonay?
Bal gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay,
Waadigaa sidan noo dhaarinayee?

Gacalisada Hadlaysaa

10 Gacaliyahaygu waa cad yahay oo waa casaan.
Waana kan toban kun ugu wanaagsan.
11 Madaxiisu waa sida dahab saafi ah,
Oo timihiisuna waa sida cawbaar, oo waxay u madow yihiin sida tuke oo kale.
12 Indhihiisu waa sida indho qoolley oo durdur biya ah ag joogta,
Oo caano lagu maydhay oo si qumman loo dhigay.
13 Dhabannadiisu waa sida beer dhir udgoon ah iyo sida ubaxyo carfa.
Oo bushimihiisuna waa sida ubaxshooshanno uu malmal ka tiftifqayo.
14 Gacmihiisu waa sida kaatummo dahab ah oo berullos lagu dhejiyey,
Oo jidhkiisuna waa sida foolmaroodi oo dhalaalaya oo safayr lagu sharraxay.
15 Lugihiisu waa sida tiirar marmar ah, oo lagu qotomiyey saldhigyo dahab saafiya ah,
Oo muuqashadiisuna waa sida Buur Lubnaan oo kale, oo wuxuu u qurxoon yahay sida geedaha kedarka oo kale.
16 Afkiisu aad iyo aad buu u macaan yahay, oo isaga dhammaantiis waa mid aad loo jecel yahay.
Gabdhaha reer Yeruusaalemow,
Kaasu waa gacaliyahayga, waana saaxiibkayga.

Saaxiibadaha Hadlayaa

Taada naagaha u qurxoonay,
Xaggee gacaliyahaagii tegey?
Aannu kula goobnee,
Xaggee buu gacaliyahaagii u leexday?

Gacalisada Hadlaysaa

Gacaliyahaygii wuxuu u dhaadhacay beertiisa, iyo beer qaybaheed oo dhir udgoon ah
Inuu adhigiisa soo daajiyo beeraha dhexdooda, oo uu soo urursado ubaxshooshanno.
Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, oo gacaliyahayguna waa kaygii,
Oo wuxuu adhigiisa daajiyaa ubaxshooshannada dhexdooda.

1 Butros 2:19-25

19 Waayo, tanu waa wax loo bogo haddii nin niyada xagga Ilaah uga adkaysto dhibaatooyinka, isagoo xaqdarro ku xanuunsanaya. 20 Markii aad dembaabtaan, oo laydin garaaco, haddii aad u dulqaadataan, maxay ammaan leedahay? Laakiinse markaad wanaag fashaan oo aad xanuunsataan, haddii aad u dulqaadataan, taasu waa wax Ilaah u bogo. 21 Waayo, taasu waa wixii laydiinku yeedhay, maxaa yeelay, Masiix baa idiin xanuunsaday, oo wuxuu idinkaga tegey masaal inaad tallaabooyinkiisa raacdaan. 22 Isagu ma uu dembaabin, khiyaanona afkiisa lagama helin. 23 Oo isagu markii la caayay, dadkii caayay cay uma uu celin. Markuu xanuunsadayna ninna ma uu cabsiin, laakiinse wuxuu isu dhiibay kan xaqnimada wax ku xukuma. 24 Oo isagu dembiyadeennii wuxuu ku qaaday jidhkiisii geedka saarnaa, si innagoo dembi kala dhimannay aynu xaqnimo ugu noolaanno. Waxaad ku bogsateen xariijimihii karbaashiddiisii. 25 Waayo, waxaad u ambanayseen sida ido oo kale, laakiinse haatan waxaad u soo noqoteen Adhijirka iyo Hoggaamiyaha naftiinna.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya