Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 111

111 Rabbiga ammaana.
Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugaga mahadnaqi doonaa
Guddiga kuwa qumman dhexdiisa iyo ururka dhexdiisaba.
Shuqullada Rabbigu way waaweyn yihiin,
Oo waxaa doondoona kuwa ku faraxsan oo dhan.
Shuqulkiisu waa sharaf iyo haybad,
Oo xaqnimadiisuna weligeedba way waartaa.
Wuxuu ka dhigay in la sii xusuusto shuqulladiisa yaabka badan,
Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad.
Wuxuu cunto siiyey kuwa isaga ka cabsada,
Oo weligiisna wuxuu xusuusnaan doonaa axdigiisii.
Wuxuu dadkiisii tusay xooggii shuqulladiisa,
Markii uu iyaga siiyey quruumaha dhaxalkoodii.
Shuqullada gacmihiisu waa run iyo garsoorid,
Oo amarradiisa oo dhammuna waa hubaal.
Way sii adag yihiin weligood iyo weligoodba,
Oo waxaa lagu sameeyey run iyo qummanaan.
Wuxuu dadkiisa u soo diray furasho,
Oo wuxuu amray in axdigiisu ahaado mid weligiisba waara,
Magiciisu waa quduus, waana mid laga cabsado.
10 Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda,
Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan,
Ammaantiisu way waartaa weligeedba.

Boqorradii Kowaad 1:28-48

Daa'uud Oo Boqray Sulaymaan

28 Markaasaa Boqor Daa'uud wuxuu ugu jawaabay, Iigu yeedha Batshebac. Oo iyana way timid, wayna soo gashay meeshii boqorku joogay, oo soo hor istaagtay boqorkii. 29 Markaasaa boqorkii dhaartay oo yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbigii naftayda cidhiidhi oo dhan ka samatabbixiyey, 30 oo sida runta ah waxaan kuugu dhaartay Rabbiga ah Ilaaha dadka dalka Israa'iil, oo aan kugu idhi, Hubaal aniga dabaday waxaa boqor ahaan doona wiilkaaga Sulaymaan, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa dabaday, haddaba sida runta ah taas maantaan samaynayaa. 31 Markaasaa Batshebac foororsatay oo wejigeedii dhulka saartay, oo waxay u sujuudday boqorkii oo tidhi, Boqor Daa'uudow, sayidkaygiiyow, weligaaba noolow. 32 Oo Boqor Daa'uudna wuxuu yidhi, Iigu yeedha wadaadka Saadooq ah, iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac. Oo iyana boqorkay hor yimaadeen. 33 Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi iyagii, Addoommadayda kaxaysta, oo wiilkayga Sulaymaanna waxaad fuushiisaan baqalkayga oo waxaad geeysaan Giixoon. 34 Oo wadaadka Saadooq ah iyo Nebi Naataan isaga halkaas ha ku subkeen, oo ha ka dhigeen boqorkii dalka Israa'iil; oo markaas waxaad afuuftaan buunka oo waxaad tidhaahdaan, Boqor Sulaymaan ha noolaado. 35 Dabadeedna waa inaad soo raacdaan isaga, oo isna waa inuu yimaado, oo carshigayga ku fadhiisto; waayo, meeshaydii isagaa boqor ka noqon doona, oo waxaan ka dhigay amiir u taliya dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah. 36 Markaasaa Benaayaah ina Yehooyaadaac boqorkii ugu jawaabay, Aamiin, oo saas ha yidhaahdo Ilaahaagu, Boqorow, sayidkaygiiyow. 37 Oo sidii Rabbigu uu kuula jiray, Boqorow, sayidkaygiiyow, saas oo kale ha ula jiro Sulaymaanna, oo carshigiisana ha ka dhigo mid ka sii weyn carshigaagii, Boqor Daa'uudow, sayidkaygiiyow. 38 Sidaas daraaddeed wadaadkii Saadooq ahaa, iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo reer Kereetiim, iyo kuwii reer Feleetiiba way wada tageen, oo Sulaymaanna waxay fuushiiyeen baqalkii Boqor Daa'uud, oo waxay isagii geeyeen Giixoon. 39 Markaasaa wadaadkii Saadooq ahaa wuxuu Teendhada kala soo baxay geeskii saliidda ahaa, oo wuxuu ugu subkay Sulaymaan. Kolkaasay buunkii afuufeen, oo dadkii oo dhammuna waxay yidhaahdeen, Boqor Sulaymaan ha noolaado. 40 Oo dadkii oo dhammuna isagii bay soo raaceen, oo dadkii waxay ka dhawaajiyeen biibiilayaal, oo aad iyo aadna way u farxeen, sidaas daraaddeed dhulkii wuxuu la dillaacay dhawaaqoodii. 41 Oo Adoniiyaah iyo martidiisii isaga la joogtay oo dhammuna taasay maqleen markay cunitaankii dhammeeyeen. Oo Yoo'aabna markuu maqlay dhawaaqii buunka ayuu yidhi, War waa maxay qaylada iyo buuqa magaaladii ka dhacay? 42 Oo intuu weli hadlayay ayaa waxaa yimid Yoonaataan wiilkii wadaadkii Aabyaataar ahaa. Kolkaasaa Adoniiyaah ku yidhi, Soo gal, waayo, nin ragaad tahay, oo war wanaagsan baad waddaaye. 43 Markaasaa Yoonaataan ugu jawaabay Adoniiyaah, Sida runta ah Sayidkeenna Boqor Daa'uud wuxuu boqor ka dhigay Sulaymaan. 44 Oo boqorkiina wuxuu raaciyey isagii wadaadkii Saadooq ahaa iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo kuwii reer Kereetiim, iyo kuwii reer Feleetii, oo iyana waxay isagii fuushiiyeen baqalkii boqorka! 45 Markaasaa wadaadkii Saadooq ahaa iyo Nebi Naataan isagii u subkeen oo Giixoon ku boqreen, oo halkaasay ka yimaadeen iyagoo faraxsan, saas aawadeed ayay magaaladii haddana u buuqday. Oo qayladii aad maqasheen waa taas. 46 Oo haddana Sulaymaan wuxuu ku fadhiistay carshigii boqortooyada. 47 Oo weliba addoommadii boqorku waxay u yimaadeen inay u duceeyaan sayidkeenna Boqor Daa'uud, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahaagu magaca Sulaymaan ha ka dhigo mid ka sii wanaagsan magacaaga, oo carshigiisana ha ka sii weyneeyo carshigaaga, oo boqorkiina wuxuu ku kor foororsaday sariirtiisii. 48 Oo weliba boqorkii wuxuu yidhi, Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha dadka Israa'iil, oo maanta siiyey mid carshigaygii ku fadhiista iyadoo ay indhahaygu arkaan.

Rooma 16:17-20

17 Haddaba walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad fiiro u lahaataan kuwa kicinaya iskala qaybinta iyo xumaatooyinka oo ka geesta ah cilmiga aad barateen, kana leexda iyaga. 18 Kuwa caynkaas ahu Rabbigeenna Masiix uma adeegaan, laakiinse waxay u adeegaan calooshooda; hadalkooda macaan oo wanaagsan bay ku khiyaaneeyaan qalbiyada jaahiliinta. 19 Warkii addeeciddiinnu wuxuu gaadhay dadka oo dhan. Sidaas daraaddeed aad baan idiinku faraxsanahay, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaad garaad u lahaataan waxa wanaagsan, oo aad ka eedla'aataan waxa sharka ah. 20 Oo Ilaaha nabaddu Shayddaan buu haddiiba cagihiinna hoostooda ku burburin doonaa.

Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya