Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed. Wuxuuna tiriyey markii uu Saa'uul ka cararay, oo uu godka galay.
57 Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso,
Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa,
Haah, waxaan magangeli doonaa hooska baalashaada,
Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.
2 Waxaan u qayshanayaa Ilaaha ugu sarreeya,
Oo ah Ilaaha wax kasta ii sameeya.
3 Isagu samaduu caawimaad ka soo diri doonaa, wuuna i badbaadin doonaa,
Markuu kan i liqi lahaa i caayo, (Selaah)
Ilaah wuxuu soo diri doonaa naxariistiisa iyo runtiisa.
4 Naftaydu waxay ku dhex jirtaa libaaxyo,
Oo anigu waxaan dhex jiifaa kuwo dab lagu shiday,
Kuwaasoo ah binu-aadmiga oo ilkahoodu yihiin warmo iyo fallaadho,
Oo carrabkooduna yahay seef af badan.
5 Ilaahow, samooyinka ka sara mar,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.
6 Dabin bay cagahayga u diyaariyeen,
Oo naftaydii baa foororsatay,
Oo waxay hortayda ka qodeen god,
Oo iyaga qudhoodii baa ku dhex dhacay. (Selaah)
7 Qalbigaa ii fadhiya, Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya,
Haddaba waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan ku gabyi doonaa.
8 Naftaydoy, toos, shareerad iyo kataaradoy, toosa,
Aniga qudhayduna waxaan toosi doonaa aroor hore.
9 Sayidow, dadyowga dhexdooda ayaan kaaga mahadnaqi doonaa,
Oo quruumaha dhexdooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa.
10 Waayo, naxariistaadu waa weyn tahay oo waxay gaadhaa samooyinka,
Oo runtaaduna waxay gaadhaa daruuraha.
11 Ilaahow, samooyinka ka sara mar,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.
19 Markaasaa Yoo'aab waxaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Bal eeg, boqorkii wuu u ooyayaa oo u barooranayaa Absaaloom. 2 Oo maalintaas guushii waxay dadkii oo dhan ugu rogmatay baroor, waayo, maalintaas waxaa dadku maqlay in la yidhi, Boqorkii wiilkiisii buu u murugoonayaa. 3 Oo dadkiina maalintaas qarsoodi bay ku soo galeen magaaladii, sidii dad ceebaysanu ay u dhuuntaan markii ay dagaalka ka cararaan. 4 Markaasaa boqorkii hagoogtay, oo cod weyn buu ku qayliyey oo yidhi, Wiilkaygii Absaaloomow, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow! 5 Markaasaa Yoo'aab boqorkii ugu yimid gurigiisii, oo ku yidhi, Maanta waxaad ceebaysay wejiyadii addoommadaada oo dhan, kuwaasoo maanta naftaada badbaadshay, iyo nafta wiilashaada iyo gabdhahaaga, iyo nafta naagahaaga, iyo nafta naagahaaga addoommaha ah; 6 oo weliba waxaad jeceshahay kuwa ku neceb, kuwa ku jecelna waad neceb tahay. Waayo, maanta waxaad caddaysay inaanay amiirro iyo addoommoba waxba kula ahayn, maxaa yeelay, maanta waxaan ogaaday, haddii Absaaloom noolaan lahaa, oo aan annagu kulligayo dhiman lahayn, inaad taas aad ugu farxi lahayd. 7 Haddaba saas daraaddeed kac, oo dibadda u bax, oo addoommadaada intaad la hadashid dhiiro geli; waayo, Rabbigaan ku dhaartaye, haddaadan dibadda u bixin, inaan ninna caawa kula joogayn; oo taasuna way kaaga sii xumaanaysaa kulli sharkii kugu dhacay tan iyo yaraantaadii. 8 Markaasaa boqorkii sara joogsaday, oo iriddii buu fadhiistay. Oo taasaa loo sheegay dadkii oo dhan, oo lagu yidhi, Bal eega, boqorkii iridduu fadhiyaaye, markaasaa dadkii oo dhammu boqorkii hor yimaadeen.
Markii hore reer binu Israa'iil nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.
Daa'uud Oo Ku Laabtay Yeruusaalem
9 Oo dadkii oo dhan iyo qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhammu way isla doodayeen, oo waxay islahaayeen, War boqorku wuxuu inaga samatabbixiyey cadaawayaasheenna, reer Falastiinna wuu inaga badbaadshay, oo haatanna wuxuu dalka uga cararay Absaaloom aawadiis. 10 Oo Absaaloomkii aynu u subkannay inuu inoo taliyana dagaalkii buu ku dhintay. Haddaba maxaad uga hadli weydeen si boqorka loo soo celiyo?
11 Markaasaa boqorkii u cid diray wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar, oo wuxuu ku yidhi, Odayaasha dalka Yahuudah la hadla oo ku dhaha, Waxaa boqorka u yimid hadalkii reer binu Israa'iil oo dhan oo leh, Boqorka gurigiisa ha lagu soo celiyo, laakiinse maxaad idinku dadka uga hadheen si aad boqorka gurigiisii ugu soo celisaan? 12 War idinku walaalahay baad tihiin, oo waxaad kaloo tihiin laftayda iyo luddayda; haddaba maxaad idinku dadka uga hadheen si aad boqorka gurigiisii ugu soo celisaan? 13 Oo Camaasaana waxaad ku tidhaahdaan, War miyaadan ahayn laftayda iyo luddayda? Ilaah saas iyo si ka sii daran ha igu sameeyo, haddaan ciidanka sirkaal kaaga dhigi waayo, oo aadan had iyo goorba hortayda joogin meeshii Yoo'aab! 14 Markaasuu soo jeediyey qalbigii dadkii dalka Yahuudah oo dhan, oo wuxuu ka dhigay sidii nin keliya qalbigiis; saas aawadeed waxay u soo cid direen boqorkii, oo ku yidhaahdeen, Adiga iyo addoommadaada oo dhammuba soo noqda. 15 Haddaba boqorkii wuu noqday, oo wuxuu yimid Webi Urdun. Oo dadkii dalka Yahuudahna waxay yimaadeen Gilgaal inay boqorka ka hor tagaan, oo ay boqorka ka gudbiyaan Webi Urdun.
16 Oo Shimcii ina Geeraa oo ahaa reer Benyaamiin oo ka yimid Baxuuriim ayaa soo dhaqsaday oo ula soo dhaadhacay raggii reer Yahuudah inay Boqor Daa'uud ka hor tagaan. 17 Oo waxaa isaga la socday kun nin oo reer Benyaamiin ah, iyo Siibaa oo ahaa midiidinkii reerkii Saa'uul, iyo shan iyo tobankiisii wiil iyo labaatankiisii addoon; oo Webi Urdun bay dhex mareen isagoo boqorku arko. 18 Markaasaa waxaa gudubtay sixiimad in lagu soo tallaabiyo reer boqor iyo inuu sameeyo wixii isaga la wanaagsan. Oo Shimcii oo ahaa ina Geeraa ayaa ku dhacay boqorka hortiisii markuu Webi Urdun ka soo gudbay.
35 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay kibista nolosha. Kii ii yimaadaa ma gaajoon doono, kii i rumaystaana ma harraadi doono weligiis.
36 Laakiin waxaan idiin sheegay inaad i aragteen, mase rumaysataan. 37 Dhammaan wuxuu Aabbuhu i siiyo way ii iman doonaan, oo kii ii yimaadana ma eryi doono. 38 Waayo, waxaan samada uga soo degay ma aha inaan doonistayda yeelo, laakiinse inaan yeelo doonista kii i soo diray. 39 Tanu waa doonistii kii i soo diray in kuwii uu dhammaan i siiyey aanan midna ka lumin, laakiin inaan maalinta u dambaysa soo sara kiciyo. 40 Waayo, tanu waa doonistii Aabbahay in mid kasta oo Wiilka arka oo rumaysta uu nolosha weligeed ah lahaado, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya