Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 57

Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed. Wuxuuna tiriyey markii uu Saa'uul ka cararay, oo uu godka galay.

57 Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso,
Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa,
Haah, waxaan magangeli doonaa hooska baalashaada,
Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.
Waxaan u qayshanayaa Ilaaha ugu sarreeya,
Oo ah Ilaaha wax kasta ii sameeya.
Isagu samaduu caawimaad ka soo diri doonaa, wuuna i badbaadin doonaa,
Markuu kan i liqi lahaa i caayo, (Selaah)
Ilaah wuxuu soo diri doonaa naxariistiisa iyo runtiisa.
Naftaydu waxay ku dhex jirtaa libaaxyo,
Oo anigu waxaan dhex jiifaa kuwo dab lagu shiday,
Kuwaasoo ah binu-aadmiga oo ilkahoodu yihiin warmo iyo fallaadho,
Oo carrabkooduna yahay seef af badan.
Ilaahow, samooyinka ka sara mar,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.
Dabin bay cagahayga u diyaariyeen,
Oo naftaydii baa foororsatay,
Oo waxay hortayda ka qodeen god,
Oo iyaga qudhoodii baa ku dhex dhacay. (Selaah)
Qalbigaa ii fadhiya, Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya,
Haddaba waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan ku gabyi doonaa.
Naftaydoy, toos, shareerad iyo kataaradoy, toosa,
Aniga qudhayduna waxaan toosi doonaa aroor hore.
Sayidow, dadyowga dhexdooda ayaan kaaga mahadnaqi doonaa,
Oo quruumaha dhexdooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa.
10 Waayo, naxariistaadu waa weyn tahay oo waxay gaadhaa samooyinka,
Oo runtaaduna waxay gaadhaa daruuraha.
11 Ilaahow, samooyinka ka sara mar,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.

Samuu'eel Labaad 18:19-33

Daa'uud Oo Baroortay

19 Markaasaa Axiimacas oo ahaa ina Saadooq yidhi, Haddaba i daaya aan ordee, oo aan boqorkii u soo warramee, sida Rabbigu uga aarguday cadaawayaashiisii. 20 Kolkaasaa Yoo'aab wuxuu ku yidhi, Adigu maanta ahaan maysid kan warka qaadaya, laakiinse maalin kalaad qaadi doontaa, illowse adigu maanta waxba war qaadi maysid, maxaa yeelay, boqorka wiilkiisii baa dhintay. 21 Markaasaa Yoo'aab wuxuu kii reer Kuush ku yidhi, Tag oo boqorkii u sheeg wixii aad aragtay. Oo kii reer Kuushna intuu Yoo'aab u sujuuday ayuu orday. 22 Markaasaa Axiimacas oo ahaa ina Saadooq ayaa mar kale Yoo'aab ku yidhi, Wax kastaba ha dhaceene, waan ku baryayaaye, i daa aan kii reer Kuush ka daba ordee. Oo Yoo'aabna wuxuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow, adigoon waxba ku helayn warkan, bal maxaad u ordaysaa? 23 Wuxuuse yidhi, Wax kastaa ha dhacee, waan ordayaa. Kolkaasuu ku yidhi, Orod. Markaasaa Axiimacas wuxuu qaaday waddadii Bannaanka, oo kii reer Kuushna wuu ka dheereeyey.

24 Oo Daa'uudna wuxuu fadhiyey labada irdood dhexdooda, waardiyihiina wuxuu fuulay iridda saqafkeeda ilaa derbigii, markaasuu wax fiiriyey, oo arkay nin keligiis soo ordaya. 25 Kolkaasaa waardiyihii dhawaaqay, oo boqorkii buu u sheegay. Boqorkiina wuxuu yidhi, Hadduu keligiis yahay, war buu sidaa. Oo isna wuu soo orday, wuuna soo dhowaaday. 26 Markaasaa waardiyihii arkay nin kale oo soo ordaya; kolkaasaa waardiyihii u dhawaaqay iridjoogihii oo ku yidhi, Bal eeg, nin kalaa keligiis soo ordaya. Oo boqorkiina wuxuu yidhi, Isna war buu sidaa. 27 Markaasaa waardiyihii wuxuu yidhi, Waxaan u malaynayaa inuu ninka hore orodkiisu u eg yahay orodkii Axiimacas ina Saadooq. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Isagu waa nin wanaagsan, wuxuu soo wadaa war wanaagsan. 28 Markaasaa Axiimacas dhawaaqay, oo boqorkii ku yidhi, Wax waluba waa hagaagsan yihiin. Oo intuu boqorka hortiisii ku sujuuday ayuu wejiga dhulka saaray, oo yidhi, Waxaa ammaan leh Rabbiga Ilaahaaga ah, oo inoo soo gacangeliyey raggii gacanta kuu qaaday, boqorow, sayidkaygiiyow. 29 Boqorkiina wuxuu yidhi, Ninkii dhallintayaraa ee Absaaloom ahaa ma nabdoon yahay? Axiimacasna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, markii Yoo'aab i soo diray, anigoo addoonkaaga ah, waxaan arkay buuq weyn laakiinse wax alla wuxuu ahaa ma aqaan. 30 Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Bal gees u leexo, oo halkan istaag. Markaasuu gees u leexday oo istaagay. 31 Markaasaa kii reer Kuush yimid, oo yidhi, War baan kuu wadaa, boqorow, sayidkaygiiyow, waayo, Rabbigu maantuu kaaga soo aarguday kuwii kugu kacay oo dhan. 32 Markaasaa boqorkii wuxuu kii reer Kuush ku yidhi, Ninkii dhallintayaraa ee Absaaloom ahaa ma nabdoon yahay? Oo kii reer Kuushna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, cadaawayaashaada iyo intii inay wax ku yeelaan kuugu kacda oo dhanba, Ilaah ha ka yeelo sida ninkaas dhallinyarada ahu yahay. 33 Oo boqorkiina aad buu u naxay, oo wuxuu kor ugu baxay qolkii iridda ka koreeyey, wuuna ooyay; oo intuu sii socdayna, wuxuu lahaa, Wiilkaygii Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygii Absaaloomow! Hooggaygee, waan ku dhiman lahaa, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!

2 Butros 3:14-18

14 Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahaas sugaya, ku dadaala in laydin helo idinkoo nabdoon oo aan wasakh iyo eed lahayn Ilaah hortiisa. 15 Sidii walaalkeen gacaliye Bawlos idiinku soo qoray xigmaddii la siiyey, ku tiriya in dulqaadashada Rabbigeennu tahay badbaado; 16 siduu warqadihiisii oo dhan waxyaalahan ugaga hadlay. Kuwaas waxaa ku jira wax in la gartaa ay dhib tahay, oo jaahiliinta iyo kuwaan adkayn ayaa qalloociya, siday Qorniinka kaleba u qalloociyaan oo ay u halligmaan. 17 Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahan hore u garanayay, isjira, yaan laydinku kaxaysan qaladka kuwa sharka ah oo aydnaan ka dhicin adkaantiinna. 18 Laakiinse ku kora nimcada iyo aqoonta Rabbigeenna ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix. Isaga ammaanu ha u ahaato haatan iyo weligeedba. Aamiin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya