Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 37:12-22

12 Kan sharka lahu wuxuu shirqool u dhigaa kan xaqa ah,
Oo isaga ayuu u ilko jirriqsadaa.
13 Oo Sayidku wuu ku qosli doonaa isaga,
Waayo, wuxuu arkaa in maalintiisu soo dhowaanayso.
14 Kuwa sharka lahu waxay la bexeen seeftoodii, qaansadoodiina way xooteen,
Si ay miskiinka iyo kan baahan hoos ugu tuuraan,
Oo ay laayaan kuwa jidkooda ku qumman.
15 Seeftoodu waxay mudi doontaa wadnahooda,
Oo qaansooyinkooduna way kala jebi doonaan.
16 Inta yar oo mid xaq ahu haystaa
Way ka sii wanaagsan tahay kuwa sharka leh maalkooda badan.
17 Waayo, kuwa sharka leh gacmahoodu way jebi doonaan,
Laakiinse Rabbigu kuwa xaqa ah wuu tiiriyaa.
18 Rabbigu wuu yaqaan kuwa kaamilka ah cimrigooda,
Oo dhaxalkooduna weligiisba wuu waarayaa.
19 Iyagu ma ceeboobi doonaan wakhtiga shar jiro,
Oo wakhtiga abaaru dhacdona way dhergi doonaan.
20 Laakiinse kuwa sharka lahu way halligmi doonaan,
Cadaawayaasha Rabbiguna waxay ahaan doonaan sida inta wanaagsan oo doogga,
Way baabbi'i doonaan, sida qiiqa oo kale way u baabbi'i doonaan.
21 Kii shar lahu wax buu amaahdaa, mana bixiyo mar dambe,
Laakiinse kan xaqa ahu wuu naxariistaa, waxna wuu bixiyaa.
22 Oo kuwuu barakeeyo ayaa dalka dhaxli doona,
Laakiinse kuwuu habaaraa way go'i doonaan.

Taariikhdii Labaad 9:29-31

Dhimashadii Sulaymaan

29 Haddaba Sulaymaan falimihiisii kale intii hore iyo intii dambeba sow kuma qorna taariikhdii Nebi Naataan, iyo wax sii sheegiddii Axiiyaah kii reer Shiiloh, iyo waxyaalihii la tusay Iddo oo wax arke ahaa oo ku saabsanaa Yaaraabcaam ina Nebaad? 30 Oo Sulaymaan afartan sannadood ayuu reer binu Israa'iil oo dhan Yeruusaalem boqor ugu ahaa. 31 Sulaymaanna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis oo waxaa lagu aasay magaaladii aabbihiis Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Rexabcaam.

Markos 6:35-44

Waxaa Cunto La Siiyey Shan Kun Oo Nin(A)

35 Goortii maalintii hore u badatay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, haddana maalintii horay u badatay. 36 Dadka dir, si ay u tagaan beeraha iyo tuulooyinka ku wareegsan, oo ay wax la cuno u soo iibsadaan. 37 Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Miyaannu tagnaa inaannu soo iibinno laba boqol oo dinaar oo kibis ah oo aannu siinno inay cunaan? 38 Markaasuu ku yidhi, Immisa kibsood baad haysaan? Soo eega. Oo markay ogaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Shan kibsood iyo laba kalluun.

39 Kolkaasuu ku amray inay cawska koox koox ugu fadhiisiyaan. 40 Waxay u fadhiisteen safaf boqol boqol iyo konton konton ah. 41 Isaguna wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay ayuu barakeeyey, kibistiina ayuu kala jejebiyey oo xertiisii siiyey inay hortooda dhigaan, labadii kalluunna wuu u qaybiyey giddigood. 42 Dhammaantood way wada cuneen, oo ka dhergeen. 43 Oo waxay soo gureen laba iyo toban dambiilood oo ka buuxa jajabkii iyo kalluunka. 44 Kuwii kibistii cunayna waxay ahaayeen shan kun oo nin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya