Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
24 Ilaahow, waxay arkeen tegiddaadii,
Taas oo ah tegiddii Ilaahay oo ah Boqorkayga oo uu galay meesha quduuska ah.
25 Gabayayaashii way hor mareen, muusikaystayaashiina way raaceen,
Dhexdana waxaa ku jiray hablo daf ku cayaaraya.
26 Kuwiinnan isha Israa'iil ka soo farcamayow,
Shirarka ku dhex ammaana Ilaaha Sayidka ah.
27 Waxaa jooga Benyaamiin yar oo ah taliyahooda,
Iyo amiirrada reer Yahuudah iyo guddigooda,
Iyo amiirrada reer Sebulun iyo amiirrada reer Naftaali.
28 Ilaahaagu xooggaaguu amray,
Ilaahow, waxaad noo samaysay noo xoogee.
29 Macbudkaaga Yeruusaalem ku yaal daraaddiis
Ayaa boqorro waxay kuugu keeni doonaan hadiyado.
30 Canaano dugaagga cawsduurka ku dhex jira,
Iyo dibida tirada badan, iyo weylaha dadka
Oo ku tumanaya lacagta gogo'a ah,
Isagu wuu kala firdhiyey dadyowga dagaalka jecel.
31 Masar waxaa ka iman doona amiirro,
Itoobiyana haddiiba gacmaheeday u hoorsan doontaa Ilaah.
32 Boqortooyooyinka dhulkow, Ilaah u gabya,
Ammaan ugu gabya Sayidka, (Selaah)
33 Kaasoo kor fuushan samada samooyinka sare, oo weligoodba jiray,
Bal eega, wuxuu ku hadlaa codkiisa, oo weliba codkiisu waa xoog badan yahay.
34 Ilaah xoog ka sheega,
Waayo, sharaftiisu waxay dul joogtaa reer binu Israa'iil,
Oo xooggiisuna wuxuu ku jiraa samooyinka.
35 Ilaahow, meelahaaga quduuska ah waxaad ka tahay mid laga cabsado,
Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu dadkiisa siiyaa xoog iyo itaal.
Mahad waxaa leh Ilaah.
12 Markaasaa Abneer wuxuu Daa'uud u soo diray wargeeyayaal magiciisa ku hadlaya, oo leh, War dhulka yaa leh? Oo wuxuu kaloo ku yidhi, Heshiis ila dhigo, anna gacan baan ku siinayaa, inaan kuu soo wada jeediyo reer binu Israa'iil oo dhan. 13 Markaasuu yidhi, Waa hagaag; heshiis baan kula dhiganayaa, laakiinse wax baan kaa doonayaa, taasuna waxaa weeyaan, markaad ii timaadid waa inaadan i hor iman adoo marka hore Miikaal oo ah ina Saa'uul i soo hor taaga mooyaane. 14 Oo Daa'uudna wargeeyayaal buu u diray Iishboshed oo ahaa ina Saa'uul, isagoo leh, Ii keen naagtaydii Miikaal, oo aan ku guursaday boqol buuryo oo reer Falastiin. 15 Markaasaa Iishboshed rag u diray oo iyadii ka soo kexeeyey ninkeedii, kaasoo ahaa Faltii'eel ina Layish. 16 Markaasaa ninkeedii soo raacay iyadii, isagoo ooyaya intuu socday oo dhan, oo wuxuu iyadii daba socday tan iyo Baxuuriim. Markaasaa Abneer ku yidhi, War orod, oo iska noqo. Kolkaasuu iska noqday.
Yuhuuddu Shirqool Bay U Dhigeen Bawlos
12 Oo markii ay maalin noqotayna, ayaa Yuhuuddii urur samaysteen oo nidar wada galeen iyagoo leh, Waxba cuni mayno, waxbana cabbi mayno ilaa aan Bawlos dilno mooyaane. 13 Kuwa isku dhaartayna waxay ka badnaayeen afartan. 14 Markaasay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo waayeelladii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nidar weyn ayaannu wada galnay, oo waxaannu isku dhaarsannay inaannan waxba dhadhamin ilaa aannu Bawlos dilno. 15 Haddaba idinka iyo shirkuba waxaad sirkaalka sare garansiisaan inuu isagii idiin keeno sidii idinkoo doonaya inaad aad u sii garataan waxyaalaha ku saabsan isagii; annaguna, intuusan soo dhowaan, diyaar baannu nahay inaannu dilno isagii.
16 Laakiin Bawlos wiilkuu abtiga u ahaa wuxuu maqlay gaadmadoodii, markaasuu yimid oo qalcaddii galay oo Bawlos u warramay. 17 Markaasaa Bawlos wuxuu u yeedhay boqol-u-taliyayaashii midkood oo ku yidhi, Wiilkan u gee sirkaalka sare, maxaa yeelay, war buu qabaa inuu u sheego. 18 Sidaas daraaddeed ayuu kaxeeyey oo u geeyey sirkaalkii sare oo ku yidhi, Bawlos oo maxbuuska ah ayaa ii yeedhay, oo wuxuu i weyddiistay inaan kuu keeno wiilka oo war qaba inuu kuu sheego. 19 Markaasaa sirkaalkii sare gacanta ku qabtay isagii oo gees ula leexday oo gooni ahaan u weyddiiyey isagoo leh, Waa maxay warkaad qabtaa inaad ii sheegtid? 20 Markaasuu ku yidhi, Yuhuuddu waxay ku heshiiyeen inay kuu weyddiistaan inaad berrito Bawlos shirka hor keentid sidii adigoo doonaya inaad u sii weyddiisatid wax ku saabsan isagii. 21 Haddaba yaanay ku oggolaysiin; maxaa yeelay, waxaa isagii gaadaya kuwa ka badan afartan nin oo iyaga ka mid ah, kuwaasoo nidar galay inayan wax cunin, waxna cabbin ilaa ay isaga dilaan; haddana diyaar bay yihiin, iyagoo ballanqaad kaa filanaya. 22 Haddaba sirkaalkii sare wiilkii buu iska diray isagoo ku amraya oo leh, Ninna ha u sheegin inaad waxyaalahan ii muujisay.
Bawlos Waxaa Loo Diray Kaysariya
23 Markaasuu wuxuu u yeedhay laba ka mid ah boqol-u-taliyayaashii oo ku yidhi, Waxaad diyaarisaan inay saddexda saacadood oo habeennimo tagaan ilaa Kaysariya laba boqol oo askar ah iyo toddobaatan fardooley ah iyo laba boqol oo warmooley ah. 24 Wuxuu kaloo ku yidhi, Keena neefaf ay Bawlos fuuliyaan oo nabad isaga ugu geeya taliye Feelikos. 25 Markaasuu qoray warqad sidan ah:
26 Kalawdiyos Lusiyas wuxuu salaamayaa taliyaha sharafka weyn leh oo Feelikos ah. 27 Markii Yuhuuddu qabatay ninkan oo ay u dhowaayeen inay dilaan, ayaan askar la imid oo bixiyey, markaan ogaaday inuu reer Rooma yahay. 28 Anigoo doonaya inaan ogaado sababtii ay ku dacwaynayeen, ayaan isagii shirkoodii hor keenay; 29 kaasoo aan markaas gartay inay isaga ku dacweeyeen su'aalo ku saabsan sharcigooda, laakiin inaan lagu ashtakayn wax uu ku istaahilo in la dilo ama in la xidho. 30 Haddaba markii la ii sheegay in loo heshiiyey in ninkii la gaadi doono, ayaan dhaqso kuugu soo diray isagii, anigoo ku amraya kuwii soo dacwaynayay inay hortaada ku dacweeyaan isaga.
31 Sidaas daraaddeed ayaa askartii, sidii lagu amray, Bawlos kaxeeyeen, oo habeennimo keeneen Antibatris. 32 Laakiin maalintii dambe ayay fardooleydii daayeen inay isaga sii raacaan, iyaguna waxay ku noqdeen qalcaddii; 33 kuwaasu markay Kaysariya yimaadeen oo ay warqaddii u dhiibeen taliyaha, ayay Bawlos hor taageen isagii. 34 Markuu akhriyeyna, wuxuu weyddiiyey gobolkii uu ka yimid; oo kolkuu ogaaday inuu Kilikiya ka yimid, 35 ayuu wuxuu ku yidhi, Waan maqli doonaa dacwadaada markii kuwii ku dacwaynayay yimaadaan; markaasuu ku amray in lagu hayo gurigii taliyaha.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya