Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur addoonkii Rabbiga oo Daa'uud ahaa u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo wuxuu Rabbiga kula hadlay erayada gabaygan maalintii Rabbigu ka samatabbixiyey gacantii cadaawayaashiisa oo dhan, iyo gacantii Saa'uulba, oo wuxuu yidhi,
18 Rabbiyow, xooggaygiiyow, anigu waan ku jeclahay.
2 Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga,
Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa,
Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.
3 Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano,
Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.
4 Waxaa i hareereeyey xadhkihii dhimashada,
Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadala'aanta.
5 Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool,
Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada.
6 Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay,
Oo waxaan u qayshaday Ilaahay,
Isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay,
Oo qayladayda hortiisa ka yeedhaysaana dhegihiisay gashay.
43 Waxaad iga samatabbixisay murankii dadka,
Oo waxaad iga dhigtay quruumaha madaxdoodii,
Oo dad aanan aqoon ayaa ii adeegi doona.
44 Oo mar alla markii ay warkayga maqlaan way i addeeci doonaan,
Oo shisheeyayaashuna way isu kay dhiibi doonaan,
45 Shisheeyayaashu way libdhi doonaan,
Oo iyagoo gariiraya ayay qolalkooda ka soo bixi doonaan.
46 Rabbigu waa nool yahay, oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn,
Oo Ilaaha i badbaadiyeyna ha sarreeyo,
47 Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda,
Oo dadkana hoostayda ku soo tuura.
48 Isagu wuxuu iga badbaadiyaa cadaawayaashayda,
Haah, oo adigu waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca,
Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.
49 Sidaas daraaddeed, Rabbiyow, anigu waxaan kuugu mahadnaqi doonaa quruumaha dhexdooda,
Oo magacaaga ammaan baan ugu gabyi doonaa.
50 Rabbigu si weyn buu boqorkiisa u samatabbixiyaa,
Oo wuxuu weligiis raxmad u sameeyaa kii uu subkaday,
Kaasoo ah Daa'uud, iyo farcankiisaba weligiis iyo weligiis.
Saa'uul Oo Is Dilay
10 Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay. 2 Oo reer Falastiin aad bay u eryadeen Saa'uul iyo wiilashiisii, markaasaa reer Falastiin waxay dileen Yoonaataan, iyo Abiinaadaab, iyo Malkiishuuca oo ahaa Saa'uul wiilashiisii. 3 Oo dagaalkiina aad buu ugu sii kululaaday Saa'uul, oo waxaa isagii gaadhay qaansoleydii, oo isna qaansoleydii aawadeed ayuu dhib badan ula kulmay. 4 Markaasaa Saa'uul wuxuu kii hubka u siday ku yidhi, War seeftaada la soo bax oo iga mudhbixi, waaba intaasoo buuryoqabyadanu yimaadaan oo ay i caayaane. Laakiinse kii hubka u siday wuu diiday, waayo, aad buu u cabsaday. Sidaas daraaddeed Saa'uul wuxuu qaatay seeftiisii, markaasuu ku dul dhacay. 5 Oo kii hubka u sidayna markuu arkay in Saa'uul dhintay isna wuxuu ku dul dhacay seeftiisii, wuuna dhintay. 6 Sidaas daraaddeed waxaa wada dhintay Saa'uul iyo saddexdiisii wiil, oo reerkiisii oo dhammu way wada dhinteen. 7 Oo raggii reer binu Israa'iil oo dooxada joogay oo dhammu markay arkeen inay iyagu carareen, oo Saa'uul iyo wiilashiisii ay dhinteen ayay magaalooyinkoodii ka tageen, oo carareen, markaasaa reer Falastiin yimaadeen oo iska degeen. 8 Oo maalintii dambe markay reer Falastiin u yimaadeen inay dharka ka furtaan kuwii la dilay waxay heleen Saa'uul iyo wiilashiisii oo Buur Gilboca ku dhintay. 9 Markaasay furteen oo waxay qaateen madaxiisii iyo hubkiisii, oo waxay u cid direen dalkii reer Falastiin oo ku wareegsanaa inay u wargeeyaan sanamyadooda iyo dadkiiba. 10 Oo hubkiisiina gurigii ilaahyadooda ayay dhigeen, oo madaxiisiina waxay ku dhejiyeen gurigii Daagoon. 11 Oo dadkii Yaabeesh Gilecaad oo dhammu markay maqleen waxyaalihii ay reer Falastiin Saa'uul ku sameeyeen oo dhan, 12 waxaa kacay raggii xoogga lahaa oo dhan, oo waxay soo qaadeen Saa'uul meydkiisii iyo meydadkii wiilashiisa, kolkaasay keeneen Yaabeesh, oo lafahoodii waxay ku aaseen geedkii Yaabeesh ku yiil hoostiisa, toddoba maalmoodna way soomeen. 13 Haddaba Saa'uul wuxuu u dhintay xadgudubkiisii uu isagu Rabbiga ku xadgudbay, maxaa yeelay, isagu Eraygii Rabbiga ma uu dhawrin, oo weliba isagu wuxuu talo weyddiistay mid ruuxaan lahayd, si uu iyada wax u weyddiisto, 14 oo Rabbiga wax ma uu weyddiisan, oo sidaas aawadeed ayaa Rabbigu isaga u dilay, oo boqortooyadiina wuxuu u wareejiyey Daa'uud oo ahaa ina Yesay.
Wiilkii Jinnigii Qabay Waa La Bogsiiyey(A)
14 Markay xertii u yimaadeen, waxay arkeen dad faro badan oo la jooga. Culimmaduna wax bay weyddiinayeen. 15 Kolkiiba dadkii badnaa markay isaga arkeen aad bay u yaabeen oo ku soo ordeen oo nabdaadiyeen. 16 Kolkaasuu weyddiiyey, Maxaad isweyddiinaysaan? 17 Markaasaa dadkii badnaa midkood wuxuu ugu jawaabay, Macallimow, waxaan kuu keenay wiilkayga jinni carrab la' qaba. 18 Meel alla meeshuu ku qabtoba, wuu ridaa; markaasuu afka ka xumbeeyaa, wuuna ilka jirriqsadaa oo qallalaa. Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen. 19 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu! Ilaa goormaan idinla jiri doonaa? Ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Ii keena isaga. 20 Markaasay u keeneen. Goortuu arkay, kolkiiba jinnigii waa gilgilay; dhulkuuna ku dhacay oo laballegdeeyey isagoo afka ka xumbaynaya. 21 Markaasuu aabbihiis weyddiiyey, Intee buu waxan qabay? Kolkaasuu yidhi, Tan iyo yaraantiisii. 22 Marar badan wuxuu ku tuuray dab iyo biyo inuu dumiyo, laakiin haddaad wax samayn kartid, noo naxariiso oo na caawi. 23 Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaad rumaysan karaysid, wax waluba waa u suurtoobaan ka rumaysan. 24 Kolkiiba wiilka aabbihiis ayaa qayliyey oo oohin ku yidhi, Sayidow, waan rumaysanahay, iga caawi rumaysaddarradayda.
25 Ciise goortuu arkay dadkii oo u soo ordaya, ayuu jinnigii wasakhda lahaa canaantay oo ku yidhi, Jinni yahow carrabka iyo dhegaha la'u, waxaan kugu amrayaa, Ka soo bax oo kol dambena ha ku noqon. 26 Jinnigii intuu qayliyey, aad buu u gilgilay, kolkaasuu ka soo baxay. Markaasuu wiilku noqday sidii mid dhintay oo kale, sidaa darteeda dad badan baa yidhi, Waa dhintay. 27 Laakiin Ciise ayaa gacanta qabtay oo kiciyey; markaasuu kacay. 28 Ciise goortuu guriga galay, xertiisii waxay gooni ahaan u weyddiiyeen, Annagu maxaannu u saari kari waynay? 29 Wuxuu ku yidhi, Caynkanu wax kale kuma soo bixi karo tukasho iyo soon maahee.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya