Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
SAMEKH.
113 Waan necbahay kuwa labada qalbi leh,
Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
114 Waxaad tahay gabbaadkayga iyo gaashaankayga,
Oo waxaan rajo ku qabaa eraygaaga.
115 Kuwiinna xumaanta falow, iga taga,
Si aan amarrada Ilaahayga u xajiyo.
116 Rabbiyow, ii tiiri si eraygaaga waafaqsan si aan u noolaado,
Oo yaanan rajadayda ku ceeboobin.
117 Kor ii hay, oo waan badbaadi doonaa,
Oo had iyo goorba waxaan u fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
118 Kuwa qaynuunnadaada ka habaabay oo dhan waad fudaydsatay,
Waayo, khiyaanadoodu waa wax been ah.
119 Kuwa sharka leh oo dhulka oo dhan waxaad u fogaysaa sida wasakh oo kale,
Oo sidaas daraaddeed baan markhaatifurkaaga u jeclahay.
120 Jidhkaygu wuxuu la gariiraa cabsidaada,
Oo waxaan ka baqaa xukummadaada.
CAYN.
121 Waxaan sameeyey xukun iyo caddaalad,
Haddaba ha iiga tegin kuwa i dulma.
122 Anoo addoonkaaga ah wanaag daraaddiis ii dammiino,
Oo kuwa kibirsanu yaanay i dulmin.
123 Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan,
Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.
124 Anoo addoonkaaga ah iila macaamilow si naxariistaada waafaqsan,
Oo qaynuunnadaada i bar.
125 Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii,
Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.
126 Waa wakhtiga aad shaqayn lahayd, Rabbiyow,
Waayo, sharcigaaga way buriyeen.
127 Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay
Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.
128 Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan,
Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.
6 Oo markay yimaadeen, markii Daa'uud ka soo noqday layntii reer Falastiin, dumarkii baa waxay ka yimaadeen magaalooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan si ay Boqor Saa'uul uga hor tagaan iyagoo gabyaya oo cayaaraya, oo faraxsan oo daf iyo alaabtii muusikada tumaya. 7 Oo dumarkiina midba midda kalay gabay u celisay, iyagoo cayaaraya, oo waxay yidhaahdeen,
Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii,
Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun.
8 Saa'uulna aad buu u cadhooday, oo hadalkaas ayuu ka xumaaday, wuxuuna yidhi, Waxay Daa'uud ku sheegeen tobanyaal kun, laakiinse aniga waxay igu sheegeen kumanyaal; oo maxaa intaas ka badan oo uu heli lahaa boqortooyada mooyaane? 9 Oo Saa'uulna maalintaas dabadeed Daa'uud si xun buu u fiirin jiray.
10 Oo subaxdii dambe ruux xun oo xag Ilaah ka yimid ayaa ku soo degay Saa'uul, oo sidii nebi ayuu wax ugu sii sheegay guriga dhexdiisa. Markaasaa Daa'uud wuxuu gacanta ku dhuftay kataarad siduu maalin walba yeeli jiray; oo Saa'uulna gacantuu ku haystay warankiisii. 11 Oo wuxuu yidhi, Daa'uud derbigaan ku qodbi doonaa. Markaasaa Saa'uul warankii ku soo ganay. Daa'uudna laba jeer buu ka gabbaday. 12 Oo Saa'uulna Daa'uud buu ka cabsanayay, maxaa yeelay, Rabbigaa isaga la jiray, wuuna ka tegey Saa'uul. 13 Sidaas daraaddeed Saa'uul wuu iska fogeeyey isagii, oo wuxuu ka dhigay sirkaal kun u taliya; isaguna dadka hortiisuu ka bixi jiray, soona geli jiray. 14 Oo Daa'uudna wuu ku guulaysan jiray socodkiisa oo dhan, Rabbiguna wuu la jiray. 15 Oo Saa'uulna markuu arkay in Daa'uud aad u guulaystay ayuu la yaabay. 16 Laakiinse reer binu Israa'iil iyo reer Yahuudah oo dhanba Daa'uud aad bay u jeclaayeen; waayo, isagu hortooduu ka bixi jiray, soona geli jiray.
17 Oo Saa'uulna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Bal eeg, gabadhayda weyn oo Meerab ah ayaan kuu siinayaa inaad guursato; laakiinse waa inaad ii xoog badnaato oo aad dagaallada Rabbigana dirirto. Waayo, Saa'uul wuxuu isyidhi, Yuusan gacantayda ku bixin, laakiinse gacanta reer Falastiin ha ku baxo. 18 Markaasaa Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, War yaan ahay, oo noloshaydu waa maxay, amase reer aabbahay xaggay ka joogaan reer binu Israa'iil, inaan ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa? 19 Laakiinse wakhtigii Saa'uul gabadhiisii Meerab ahayd Daa'uud loo guurin lahaa, waxaa la siiyey oo loo guuriyey Cadrii'eel oo reer Mexolaad ahaa. 20 Oo gabadhii Saa'uul oo Miikaal ahayd ayaa Daa'uud jeclaatay. Markaasaa Saa'uul loo sheegay, oo taasuna isagii way ka farxisay. 21 Markaasaa Saa'uul wuxuu isyidhi, Dabin ha ku noqotee, isaga waan siin iyada, si ay gacanta reer Falastiin isaga gees uga ahaato. Sidaas aawadeed Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Adigu maanta waxaad mar labaad noqonaysaa wiilkii aan soddogga u ahaa. 22 Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku amray oo ku yidhi, Daa'uud hoos ahaan ula hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, boqorku wuu kugu farxay, oo addoommadiisa oo dhammuna way ku jecel yihiin; haddaba sidaas daraaddeed boqorku soddog ha kuu noqdo. 23 Oo addoommadii Saa'uulna erayadaas waxay u sheegeen Daa'uud. Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Ma waxay idinla tahay inay fudud dahay inaan ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa, anigoo ah nin miskiin ah oo weliba derejo yar? 24 Oo Saa'uul addoommadiisiina way u soo sheegeen oo ku yidhaahdeen, Daa'uud sidaasuu u hadlay. 25 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Sidan Daa'uud ku dhaha, Boqorku waxba yarad kaa dooni maayo, boqol buuryo oo reer Falastiin oo boqorka cadaawayaashiisa looga aarguto mooyaane. Haddaba Saa'uul wuxuu damcay inuu Daa'uud u gacangeliyo reer Falastiin. 26 Oo addoommadiisiina markay Daa'uud erayadaas u soo sheegeen ayaa Daa'uud aad ugu farxay inuu ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Maalmahaasuna ma ay dhammaan; 27 markaasaa Daa'uud kacay oo tegey isagii iyo raggiisiiba, oo waxay reer Falastiin ka soo laayeen laba boqol oo nin; markaasaa Daa'uud buuryadoodii keenay, oo boqorkii bay siiyeen tiradoodii oo dhan, si Daa'uud u noqdo wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Saa'uulna wuu siiyey gabadhiisii Miikaal inay naag u noqoto. 28 Oo Saa'uulna wuu arkay wuuna ogaa in Rabbigu Daa'uud la jiro; oo Saa'uul gabadhiisii Miikaal ahaydna Daa'uud bay caashaqday. 29 Saa'uulna aad buu uga sii cabsanayay Daa'uud; oo Saa'uulna had iyo goorba Daa'uud cadow buu u ahaa.
30 Markaasaa waxaa soo baxay amiirradii reer Falastiin; oo sidii ay marar badan u soo bixi jireen, ayaa Daa'uud ka sii guul badnaa addoommadii Saa'uul oo dhan; oo sidaas aawadeed magiciisii aad iyo aad buu caan u noqday.
13 Oo kolkii dabayshii koonfureed tartiib u socotay ayay waxay u maleeyeen inay qasdigoodii heleen, kolkaasay barroosinkii qaadeen, oo waxay ag mareen Kereetee. 14 Laakiin wakhti aan dheerayn dabadeed ayaa waxaa ka soo kacay duufaan weyn oo magiciisa la yidhaahdo Yurokludoon; 15 oo markii doonnidii la qabsaday oo ay wejiga siin kari weyday dabaysha, ayaannu iska dhiibnay, kolkaasay na kaxaysatay. 16 Oo waxaannu ku orodnay gasiirad yar oo Kalawda la yidhaahdo dugsigeed, oo annagoo aad u dhibtoonnay ayaan waxaan awood u helnay inaan huurigii aad u xidhno; 17 Oo kolkii ay kor u soo bixiyeen ayay waxay ku isticmaaleen xadhko wax tara oo doonnidiina way adkeeyeen, oo iyagoo ka cabsanaya inay Surtis oo bacaad ah ku dhacaan, ayay waxay dejiyeen shiraaqii, oo sidaasaa loo kaxaystay. 18 Oo sidii aannu duufaankii aad ugu hawshoonaynay, ayay maalintii dambe shixnaddii badda ku tuureen. 19 Oo maalintii saddexaadna waxay gacmahoodii ku tuureen alaabtii doonnida. 20 Oo markii intii maalmo badan ah ayan qorraxdii iyo xiddigihii toona ifin, oo duufaan aan yaraynuna uu nagu dhacayay, ayaa rajadii aannu badbaado ku rajaynaynay oo dhan nalaga qaaday.
21 Oo kolkii ay wakhti dheer cuntola'aan sii joogeen ayaa Bawlos dhexdooda istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Niman yahow, waxaa idinku habboonayd inaad i maqashaan oo aydaan Kereetee ka soo dhoofin oo helin waxyeelladan iyo khasaaradan toona. 22 Haddaba waxaan idinku waaninayaa inaad kalsoonaataan; waayo, midkiinna nafta waayi maayo, laakiin waxaa keliyahoo dumaya doonnida. 23 Waayo, xalayto ayaa waxaa i soo ag istaagtay malaa'igtii Ilaaha i leh oo aan weliba u adeego. 24 Waxay igu tidhi, Bawlosow, ha cabsan; waayo, waa inaad Kaysar hortiisa istaagtaa; oo weliba bal eeg, Ilaah wuxuu adiga ku wada siiyey kuwa kula socda oo dhan. 25 Haddaba, niman yahow, kalsoonaada, waayo, anigu Ilaah waan rumaysanahay inay noqon doonto sidii la ii sheegay. 26 Habase yeeshee waa inaynu ku dhacno gasiirad.
27 Laakiin intii badda Adriya hore iyo gadaal nalagu kaxeeyey, kolkii habeenkii afar iyo tobnaad la gaadhay, goor habeenbadhkii ku dhow, ayaa baxriyiintii waxay u maleeyeen inay dhul ku soo dhowaanayeen; 28 kolkaasay moolkii badda qiyaas ka qaadeen, oo waxay heleen inuu yahay labaatan baac, oo haddana kolkay in yar socdeen ayay mar kale qiyaas qaadeen, oo waxay heleen inuu yahay shan iyo toban baac. 29 Waxay ka cabsadeen inaannu ku dhacno meelo dhagaxyo leh, markaasay waxay doonnida xaggeeda dambe ka tuureen afar barroosin, oo waxay aad u jeclaysteen in maalin noqoto. 30 Oo baxriyiintii ayaa waxay damceen inay doonnida ka baxsadaan, oo waxay badda qarsoodi ugu dejiyeen huurigii sidii iyagoo barroosinno ka tuuraya doonnidii xaggeeda hore. 31 Markaasaa Bawlos boqol-u-taliyihii iyo askartii ku yidhi, Kuwanu haddayan doonnida sii joogin, idinku badbaadi kari maysaan. 32 Markaasaa askartii xadhkaha huuriga ka jareen oo ay huurigii sii daayeen inuu dhaco.
33 Oo intii waagu soo beryayay, ayaa Bawlos wuxuu dadkii oo dhan ka baryay inay wax cunaan, oo wuxuu yidhi, Maanta waa maalintii afar iyo tobnaad intii aad sugayseen oo aad iska soomanaydeen, oo aydnaan waxba qaadan. 34 Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad cunto qaadataan, waayo, taasu waa caafimaadkiinna aawadiis; maxaa yeelay, midkiinna tin keliyahu ka go'i maayo madaxiisa. 35 Oo markii uu saas yidhi, ayuu wuxuu soo qaatay kibis, oo dadkii oo dhan hortooda ayuu Ilaah ugu mahadnaqay, oo intuu kala jebiyey ayuu bilaabay inuu wax cuno. 36 Markaasay wada dhiirranaadeen dhammaantood, oo iyagiina wax bay cuneen. 37 Oo intayadii doonnidii ku jirtay oo dhammu waxaannu ahayn laba boqol iyo lix iyo toddobaatan qof. 38 Oo markii ay cuntada ka dhergeen, ayay doonnidii fududeeyeen, oo sarreenkiina waxay ku tuureen badda.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya