Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Daa'uud Iyo Goli'ad
17 Haddaba reer Falastiin waxay soo wada ururiyeen ciidammadoodii oo dagaal isu diyaariyey, oo waxay dhammaantood ku soo wada urureen Sokoh, oo ay reer Yahuudah leeyihiin, oo waxay soo degeen Efes Dammiim oo u dhexaysa Sokoh iyo Caseeqaah.
4 Oo waxaa xeradii reer Falastiin ka soo baxay nin tiirri ah oo magiciisa la yidhaahdo Goli'ad, oo reer Gad ah oo dhererkiisuna wuxuu ahaa lix dhudhun iyo taako. 5 Oo waxaa madaxiisa u saarnaa koofiyad naxaas ah, dhar bir ahna wuu huwanaa, oo dharka miisaankiisuna wuxuu ahaa shan kun oo sheqel oo naxaas ah. 6 Oo lugahana waxaa ugu xidhnaa naxaas, garbaha dhexdoodana naxaas kale. 7 Oo samayda warankiisuna waxay le'ekayd dharsameeyaha looxiisa, oo miisaanka afka warankiisuna wuxuu ahaa lix boqol oo sheqel oo bir ah; oo waxaana hor socday gaashaansidihiisii. 8 Oo intuu soo istaagay ayuu ku qayliyey ciidammadii reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, War maxaad ugu soo baxdeen oo aad dagaal isugu soo diyaariseen? Sow anigu ma ihi reer Falastiin, idinna ma ihidin addoommadii Saa'uul? Haddaba nin iska soo doorta, oo isna ha ii soo dhaadhaco. 9 Oo hadduu awoodo inuu ila diriro oo i dilo, markaas waxaan idiin noqonaynaa addoommadiinnii; laakiinse haddaan ka adkaado oo dilo isaga, markaas waxaad noo noqonaysaan addoommo oo waad noo adeegaysaan. 10 Oo kii reer Falastiin wuxuu yidhi, Ciidammada reer binu Israa'iilow, car, maanta ii soo dira nin ila dirira. 11 Oo Saa'uul iyo reer binu Israa'iil oo dhammu markay maqleen erayadii reer Falastiin way nexeen, aad bayna u cabsadeen.
19 Haddaba Saa'uul, iyo iyagii, iyo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu, waxay joogeen dooxadii Eelaah, iyagoo reer Falastiin la diriraya. 20 Markaasaa Daa'uud aroor hore kacay, oo wuxuu idihii kaga tegey mid dhawra; dabadeedna intuu tegey ayuu qaaday wixii Yesay ku amray. Markaasuu yimid meeshii gaadhifardoodku tubnaa, intii ciidankii goobta dagaalka u baxayay ay dirirta u qaylinayeen. 21 Oo reer binu Israa'iil iyo reer Falastiin dagaal bay isugu soo diyaariyeen, iyadoo ciidanba ciidanka kale ka gees yahay. 22 Oo Daa'uud wuxuu alaabtiisii kaga tegey kii alaabta dhawrayay gacantiisii, wuuna ku orday ciidankii, oo intuu walaalihiis u tegey ayuu salaamay. 23 Oo intuu walaalihiis la hadlayay, bal eeg, waxaa soo baxay tiirrigii reer Falastiin ee Gad ka yimid, ee magiciisa Goli'ad la odhan jiray, isagoo ka soo dhex baxay safafkii reer Falastiin, oo wuxuu ku hadlay erayadiisii hore oo kale; Daa'uudna taas wuu maqlay.
32 Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Ninna yuusan u cabsan isaga aawadiis; anoo addoonkaaga ah ayaan u tegi doonaa oo la diriri doonaa midkan reer Falastiin. 33 Oo Saa'uulna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Adigu ma awoodid inaad la dirirto midkan reer Falastiin, waayo, waxaad tahay wiil yar, isna dagaalyahan buu ahaa tan iyo yaraantiisii. 34 Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Anoo addoonkaaga ah waxaan hayn jiray idaha aabbahay, oo haddii libaax ama orso yimaado, oo idaha nayl yar ka qaato, 35 waan ka daba ordi jiray, oo intaan wax ku dhufto ayaan afkiisa ka soo bixin jiray; oo hadduu igu soo boodana intaan gadhka ku dhego ayaan dili jiray. 36 Anoo addoonkaaga ah libaaxii iyo orsadiiba waan dilay; oo midkan reer Falastiin oo buuryoqabka ahuna iyagoo kaluu noqon doonaa, waayo, wuxuu careeyey ciidammadii Ilaaha nool. 37 Oo Daa'uud wuxuu haddana yidhi, Rabbiga iga samatabbixiyey ciddiyihii libaaxa iyo ciddiyihii orsada ayaa haddana iga samatabbixin doona gacanta midkan reer Falastiin. Markaasaa Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, Rabbigu ha kula jiree. 38 Markaasaa Saa'uul Daa'uud u xidhay dharkiisii, oo madaxiisana u saaray koofiyad naxaas ah, oo wuxuu kaloo huwiyey dhar bir ah. 39 Oo Daa'uudna seeftii buu ku kor xidhay dharkiisii, oo wuxuu isku dayay inuu socdo, waayo, ma uu tijaabin. Markaasaa Daa'uud wuxuu Saa'uul ku yidhi, Kuwan kuma socon karo; waayo, ma aanan tijaabin. Markaasaa Daa'uud iska dhigay. 40 Wuxuuse gacanta ku qaatay ushiisii, oo biyo mareenkuu ka sii doortay shan dhagax oo siman, oo wuxuu ku ritay kolaygii adhijirka ee uu haystay, kaasoo ahaa qandigiisii, oo wadhafkiisiina gacantuu ugu jiray; markaasuu u soo dhowaaday ninkii reer Falastiin. 41 Oo ninkii reer Falastiinna Daa'uud buu u soo dhowaaday; ninkii gaashaanka u sidayna wuu hor socday. 42 Oo markii kii reer Falastiin wax fiiriyey, wuxuu arkay Daa'uud, wuuna quudhsaday; waayo, wuxuu ahaa wiil yar uun, oo cas, oo soojeed qurxoon. 43 Markaasaa kii reer Falastiin wuxuu Daa'uud ku yidhi, War anigu ma eey baan ahay waadiga ulo ii soo qaataye? Oo kii reer Falastiin Daa'uud buu ku habaaray magacyadii ilaahyadiisii. 44 Kii reer Falastiinna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ii kaalay oo hilibkaagaan siin doonaa haadka hawada iyo dugaagga duurka. 45 Markaasuu Daa'uud kii reer Falastiin ku yidhi, Adigu waxaad ii soo qaadatay seef iyo waran iyo hoto; aniguse waxaan kuula imid magaca Rabbiga ciidammada, kaasoo ah Ilaaha ciidammada reer binu Israa'iil ee aad caraysiisay. 46 Maanta Rabbigu gacantayduu ii soo kaa gelin doonaa; waanan ku dili doonaa, oo madaxaanan kaa gooyn doonaa; oo maanta meydka reer Falastiin ciidankooda waxaan siin doonaa haadka hawada, iyo dugaagga dhulka, si dunida oo dhammu ay u ogaato in Ilaah ku dhex jiro reer binu Israa'iil; 47 iyo si uu shirkan oo dhammu u ogaado inaan Rabbigu wax ku badbaadin seef iyo waran; waayo, dagaalka Rabbigaa leh, oo gacantayaduu idinku soo ridi doonaa. 48 Oo markii kii reer Falastiin soo kacay oo uu u soo dhowaaday inuu Daa'uud ka hor tago, ayaa Daa'uud soo dhaqsaday oo ku soo orday xaggii ciidanka inuu ka hor tago kii reer Falastiin. 49 Markaasaa Daa'uud gacanta geliyey kolaygiisii, oo dhagax kala soo baxay, oo intuu wadhfiyey ayuu kii reer Falastiin wejiga kaga dhuftay, oo dhagaxiina wejigiisuu dalaq yidhi, markaasuu dhulka afgembi ugu dhacay.
57 Oo markii Daa'uud ka soo noqday diliddii kii reer Falastiin ayaa Abneer kexeeyey oo Saa'uul hor keenay isagoo gacanta ku wata madaxii kii reer Falastiin. 58 Markaasaa Saa'uul ku yidhi, Inanyahow, ina ayaad tahay? Oo Daa'uudna wuxuu ugu jawaabay, Waxaan ahay wiilkii addoonkaaga Yesay ee reer Beytlaxam.
Saa'uul Oo Ka Masayray Daa'uud
18 Oo markii uu dhammeeyey lahadliddii uu Saa'uul la hadlayay ayay naftii Yoonaataan ku xidhantay naftii Daa'uud, oo Yoonaataan wuxuu isaga u jeclaaday sidii naftiisa. 2 Oo maalintaasaa Saa'uul qaatay oo mar dambena uma uu oggolaan inuu gurigii aabbihiis tago. 3 Markaasaa Yoonaataan iyo Daa'uud axdi dhigteen, maxaa yeelay, wuxuu isaga u jeclaaday sidii naftiisii. 4 Markaasaa Yoonaataan iska bixiyey khamiiskiisii uu huwanaa, oo Daa'uud siiyey, iyo dharkiisii, iyo xataa seeftiisii, iyo qaansadiisii, iyo suundhabarkiisii. 5 Oo Daa'uudna meel alla meeshii Saa'uul u diro ayuu tegi jiray, wuuna ku guulaysan jiray; oo Saa'uulna wuxuu madax uga dhigay raggii dagaalka, oo taasuna way la wanaagsanayd dadkii oo dhan iyo addoommadii Saa'uul oo dhanba.
10 Oo subaxdii dambe ruux xun oo xag Ilaah ka yimid ayaa ku soo degay Saa'uul, oo sidii nebi ayuu wax ugu sii sheegay guriga dhexdiisa. Markaasaa Daa'uud wuxuu gacanta ku dhuftay kataarad siduu maalin walba yeeli jiray; oo Saa'uulna gacantuu ku haystay warankiisii. 11 Oo wuxuu yidhi, Daa'uud derbigaan ku qodbi doonaa. Markaasaa Saa'uul warankii ku soo ganay. Daa'uudna laba jeer buu ka gabbaday. 12 Oo Saa'uulna Daa'uud buu ka cabsanayay, maxaa yeelay, Rabbigaa isaga la jiray, wuuna ka tegey Saa'uul. 13 Sidaas daraaddeed Saa'uul wuu iska fogeeyey isagii, oo wuxuu ka dhigay sirkaal kun u taliya; isaguna dadka hortiisuu ka bixi jiray, soona geli jiray. 14 Oo Daa'uudna wuu ku guulaysan jiray socodkiisa oo dhan, Rabbiguna wuu la jiray. 15 Oo Saa'uulna markuu arkay in Daa'uud aad u guulaystay ayuu la yaabay. 16 Laakiinse reer binu Israa'iil iyo reer Yahuudah oo dhanba Daa'uud aad bay u jeclaayeen; waayo, isagu hortooduu ka bixi jiray, soona geli jiray.
9 Oo weliba Rabbigu wuxuu kuwa la dulmay u noqon doonaa magangal.
Oo kolkii ay dhibaataysan yihiinna magangal buu u ahaan doonaa,
10 Oo kuwa magacaaga yaqaanna way isku kaa hallayn doonaan,
Waayo, adigu Rabbiyow, ma aad dayrisid kuwa ku doondoona.
11 Rabbiga Siyoon deggan ammaan ugu gabya,
Oo waxyaalahuu sameeyey dadka dhexdiisa ka caddeeya.
12 Waayo, waxaa iyaga xusuusta ka dhiigga ka aarguda,
Oo isagu ma illoobo qaylada masaakiinta.
13 Rabbiyow, ii naxariiso,
Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan.
Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,
14 Si aan u muujiyo ammaantaada oo dhan,
Badbaadadaada aawadeed ayaan ugu farxi doonaa irdaha Siyoon.
15 Quruumihii waxay ku dheceen yamayskii ay qodeen,
Oo cagtoodiina waxaa qabsaday shabaggii ay qariyeen.
16 Rabbigu waa ismuujiyey, oo xukun buu dejiyey,
Kii shar lahaa waxaa dabay shuqulkii gacmihiisa. (Higgayoon. Selaah)
17 Kuwa sharka lahu waxay ku noqonayaan She'ool,
Waana quruumaha Ilaah illoobay oo dhan.
18 Waayo, kan baahan mar walba lama illoobi doono,
Oo masaakiinta waxfilashadooduna weligeed ma baabba'sanaan doonto.
19 Rabbiyow, sara joogso, oo dadku yaanay adkaan.
Quruumaha hortaada ha lagu xukumo.
20 Rabbiyow, iyaga cabsi geli,
Oo quruumuhu ha is-ogaadeen inay dad uun yihiin. (Selaah)
Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.
133 Bal eeg, siday u wanaagsan tahay oo ay u wacan tahay
Inay walaalo wadajir ku degganaadaan!
2 Waa sida saliidda qaaliga ah ee madaxa,
Oo ku soo dareertay gadhka,
Kaasoo ahaa gadhkii Haaruun,
Oo waxay soo gaadhay daraftii dharkiisa,
3 Waana sida dharabka Buur Xermoon,
Oo ku soo dega buuraha Siyoon,
Waayo, Rabbigu wuxuu amray inay halkaas ku dhacdo barako,
Taasoo ah nolosha tan iyo weligeedba.
6 Annagoo la shaqaynayna Ilaah waxaannu idinka baryaynaa inaydnaan micnela'aan u qaadan nimcadii Ilaah, 2 waayo, wuxuu leeyahay,
Wakhti la aqbalay ayaan ku dhegaystay,
Oo maalintii badbaadintana ayaan ku caawiyey.
Bal eeg, hadda waa wakhtigii la aqbalay; bal eeg, hadda waa maalintii badbaadinta. 3 Annagu ninna wax uu ku turunturoodo uma dhigno, si aan adeegiddayada waxba looga sheegin. 4 Laakiin sida midiidinyada Ilaah ayaannu wax walba isugu caddaynaynaa dulqaadasho badan, annagoo ku dhex jirna dhibaatooyin, iyo baahi, iyo cidhiidhiyo, 5 iyo karbaashyo, iyo xabsiyo, iyo rabshooyin, iyo hawlo, iyo soo jeedid, iyo soomid, 6 annagoo isku caddaynayna daahirnimo, iyo aqoon, iyo samir, iyo roonaan, iyo Ruuxa Quduuskaa, iyo jacayl aan labaweji lahayn, 7 iyo hadalka runtaa, iyo xoogga Ilaah, iyo hubka xaqnimada ee midigta iyo bidixdaba, 8 haddii lana maamuuso iyo haddii lana maamuus jebiyoba, haddii war xun lanaga sheego, iyo haddii war wanaagsan lanaga sheegoba, sida annagoo ah khaa'inno laakiin kuwa runta ah; 9 sida kuwo aan la garanaynin laakiin la yaqaan, sida kuwo dhimanaya, laakiin bal eeg, waannu nool nahaye, sida kuwo la edbiyo, laakiin aan dhimasho la gaadhsiin, 10 sida kuwo la calool xumeeyey, laakiin weli had iyo goorba farxa, sida masaakiin, laakiin dad badan hodansiiya, sida kuwo aan waxba haysanin laakiin wax walba leh.
Qalbifurnaan Iyo Jacayl
11 Afkayagu waa idiin furan yahay, idinka dadka Korintosow, qalbigayaguna si weyn buu idiinku furan yahay. 12 Annagu idinma aannan cidhiidhiyin, laakiin waxaa idin cidhiidhiyey jacaylkiinna oo qudha. 13 Haddaba idinkuna sidaas oo kale abaalgud ahaan u qalbi furnaada. Waxaan idiinla hadlayaa sida carruutayda oo kale.
Ciisaa Duufaantii Dejiyey(A)
35 Maalintii qudheedii, goortii makhribkii la gaadhay, wuxuu iyaga ku yidhi, Dhanka kale aan u gudubnee. 36 Goortay dadkii badnaa direen, isagay wadeen intuu doonnidii ku jiray, oo doonniyo yaryar oo kalena way la jireen. 37 Waxaa kacay duufaan weyn oo dabayl ah, hirarkiina doonniday ku dhaceen ilaa ay doonnidii buuxsamaysay. 38 Isaguna wuxuu joogay xaggii dambe ee doonnida isagoo barkin ku hurda. Markaasay toosiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, miyaanay waxba kula ahayn inaynu lunno? 39 Kolkaasuu kacay oo dabayshii canaantay, oo badduu ku yidhi, Aamus oo xasil. Markaasaa dabayshii degtay oo xawaal weyn baa dhacday. 40 Goortaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Maxaad sidaa ugu baqaysaan? Sidee baydnaan weli rumaysad u lahayn? 41 Aad bay u baqeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya