Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 53

Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Mahalad.

53 Nacaskaa qalbigiisa iska yidhi, Ilaah ma jiro.
Iyagu waa qudhun, oo waxay faleen xumaan karaahiyo ah,
Oo mid wanaag falaa ma jiro.
Ilaah wuxuu samada hoos uga soo fiiriyey binu-aadmiga,
Bal inuu arko hadday kuwo wax garanaya oo Ilaah doondoonaa jiraan.
Midkood kastaaba dib buu u noqday, oo dhammaantood waxay wada noqdeen dad nijaas ah,
Oo mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.
Miyaanay aqoon lahayn xumaanfalayaasha dadkaygii u cuna siday kibista u cunaan,
Oo aanay Ilaah baryin?
Iyagu halkaasay aad ugu cabsadeen meel aan cabsiyu jirin,
Waayo, kii ku ag degay inuu kugu soo duulo Ilaah baa lafihiisii kala firdhiyey,
Oo iyagaad ceebaysay, maxaa yeelay, Ilaah baa iyaga diiday.
Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado!
Marka Ilaah dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo,
Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.

Samuu'eel Kowaad 15:24-31

24 Markaasaa Saa'uul wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Waan dembaabay, waayo, amarkii Rabbiga, iyo erayadaadiiba waan ku xadgudbay, maxaa yeelay, dadkii baan ka cabsaday, codkoodiina waan addeecay. 25 Haddaba waan ku baryayaaye dembigayga iga cafi, oo mar kale ila noqo, aan Rabbiga soo caabudee. 26 Oo Samuu'eelna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Kula noqon maayo, waayo, Eraygii Rabbigaad diidday, oo Rabbigaana kuu diiday inaad sii ahaatid boqor reer binu Israa'iil u taliya. 27 Oo markii Samuu'eel ka jeestay oo uu damcay inuu tago, ayuu qabsaday darafkii khamiiskiisa, wuuna dillaacay. 28 Markaasaa Samuu'eel isagii ku yidhi, Maanta Rabbigu boqortooyadii reer binu Israa'iil buu kaa dillaaciyey, wuxuuna siiyey mid deriskaaga ah oo kaa sii wanaagsan. 29 Kan xoogga reer binu Israa'iil ahna been sheegi maayo, qoomamaynna maayo; waayo, isagu ma aha nin qoomamooda. 30 Markaasuu yidhi, Waan dembaabay; haddaba waan ku baryayaaye, igu murwee duqowda dadkayga hortooda, iyo reer binu Israa'iil hortooda, oo mar kale ila noqo aan Rabbiga Ilaahaaga ah soo caabudee. 31 Haddaba Samuu'eel mar kaluu Saa'uul la noqday, oo Saa'uulna Rabbiguu soo caabuday.

Luukos 6:43-45

43 Waayo, ma jiro geed wanaagsan oo midho xun dhalaa, welibana ma jiro geed xun oo midho wanaagsan dhalaa. 44 Maxaa yeelay, geed kasta waxaa laga garanayaa midhihiisa. Waayo, berde lagama guro qudhac, canabkana lagama guro geed qodxan leh. 45 Ninka wanaagsan wuxuu maalka wanaagsan oo qalbiga ku jira ka soo saaraa wax wanaagsan; kan sharka lehna wuxuu sharka ka soo saaraa wax shar ah; waayo, afkiisu wuxuu ku hadlaa waxa qalbiga ku badan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya