Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
20 Rabbigu ha kuu jawaabo maalinta dhibta,
Ilaaha Yacquub magiciisu meel sare ha ku taago,
2 Caawimaadna ha kaaga soo diro meesha quduuska ah,
Oo Siyoonna ha kaa xoogeeyo,
3 Ha xusuusto qurbaannadaadii oo dhan,
Oo ha aqbalo allabarigaagii gubnaa, (Selaah)
4 Oo ha ku siiyo waxa qalbigaagu doono,
Oo ha kuu yeelo muraadkaaga oo dhan.
5 Innagu waxaynu ku guulaysanaynaa badbaadintaada,
Oo calammadeennana waxaynu ku sudhaynaa magaca Ilaaheenna,
Rabbigu ha ku siiyo waxaad weyddiisato oo dhan.
6 Anigu hadda waan ogahay in Rabbigu badbaadiyo kii uu isagu subkaday,
Oo wuxuu isaga uga soo jawaabi doonaa samadiisa quduuska ah,
Oo wuxuuna ugu jawaabi doonaa xooggiisa wax badbaadiya oo gacantiisa midig.
7 Qaar waxay isku halleeyaan gaadhifardoodyo, qaarna waxay isku halleeyaan fardo,
Laakiinse innagu waxaynu xusuusanaynaa magaca Rabbiga Ilaaheenna ah.
8 Iyagu way foororsadeen, wayna dheceen,
Laakiinse innagu waynu kacnay, oo waynu taagan nahay.
9 Rabbiyow, ina badbaadi,
Oo Boqorku ha inoo jawaabo markii aynu u qayshanno.
15 Haddaba Rabbigu wax buu Samuu'eel u muujiyey maalin ka horraysay intaan Saa'uul iman, oo wuxuu ku yidhi, 16 Berri haddaa oo kale waxaan kuu soo dirayaa nin ka yimid dalka reer Benyaamiin, haddaba waa inaad isaga subagtaa inuu amiir u ahaado dadkayga reer binu Israa'iil, oo isna wuxuu dadkayga ka badbaadin doonaa gacanta reer Falastiin, waayo, anigu waxaan soo dhugtay dadkayga, maxaa yeelay, oohintoodii baa i soo gaadhay. 17 Oo Samuu'eelna wuxuu arkay Saa'uul, Rabbiguna wuxuu isaga ku yidhi, Bal eeg, waa kaas ninkii aan kuu sheegay! Kan qudhiisa ayaa dadkayga u talin doona. 18 Markaasaa Saa'uul u soo dhowaaday Samuu'eel oo iridda jooga, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii sheeg wax arkaha gurigiisu meeshuu yahay. 19 Oo Samuu'eelna wuu u jawaabay Saa'uul oo ku yidhi, Wax arkuhu waa aniga, meesha sare hortay taga, waayo, idinku maanta anigaad wax ila cunaysaan, oo subaxdiina waan ku dirayaa, oo kulli waxa qalbigaaga ku jira oo dhanna waan kuu sheegi doonaa. 20 Oo dameerahaaga saddex maalmood hortood kaa lumayna ha ka fikirin innaba, waayo, waa la helay. Bal yaa reer binu Israa'iil dhexdooda laga wada jeclaadaa? Sow ma aha adiga iyo reerka aabbahaa oo dhanba? 21 Markaasaa Saa'uul u jawaabay oo ku yidhi, War sow anigu ma ahi reer Benyaamiin oo u wada yar qabiilooyinka reer binu Israa'iil? Oo weliba jilibkaygu sow ugama sii yara qabiilka reer Benyaamiin jilibyadiisa? Haddaba maxaad sidan iigula hadlaysaa? 22 Markaasaa Samuu'eel wuxuu kexeeyey Saa'uul iyo midiidinkiisii, oo wuxuu keenay qolkii martida, wuxuuna fadhiisiyey kuwii loo yeedhay dhexdooda meeshii ugu wacnayd, oo kuwii loo yeedhayna waxay ahaayeen in soddon qof ku dhow. 23 Markaasaa Samuu'eel wuxuu cuntokariyihii ku yidhi, Qaybtii aan kuu dhiibay ee aan kugu idhi, Adigu ii hay, bal la kaalay. 24 Markaasaa cuntokariyihii wuxuu soo qaaday garabkii iyo wixii ku yiilba, oo wuxuu hor dhigay Saa'uul. Oo Samuu'eelna wuxuu yidhi, Bal eeg wixii laguu kaydiyey, haddaba hortaada dhigo oo cun, waayo, waa laguu hayay ilaa wakhtigii la qawimay, oo anigu waxaan idhi, Dadka waan marti qaaday. Markaasuu Saa'uul maalintaas wax la cunay Samuu'eel. 25 Oo markay ka soo degeen meeshii sare, oo ay magaaladii soo galeen, wuxuu Saa'uul kula sheekaystay guri dushiis. 26 Oo waxay kaceen aroor hore, oo markii waagu soo kaahay, Samuu'eel ayaa Saa'uul gurigii dushiisa uga yeedhay, oo ku yidhi, Kac aan ku diree. Markaasaa Saa'uul kacay, oo isaga iyo Samuu'eelba dibadday u baxeen. 27 Oo markay ka sii dhaadhacayeen magaalada darafkeeda, Samuu'eel ayaa Saa'uul ku yidhi, Midiidinka u sheeg inuu inaga sii hor maro, (markaasuu isna ka hor maray,) laakiinse adigu istaag haatan, aan erayga Ilaah ku maqashiiyee.
5 Waayo, dunida iman doonta oo aynu ka hadalno malaa'igaha kama uu hoosaysiin. 6 Laakiin mid baa meel ka marag furay isagoo leh,
Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Ama wiilka aadanaha, oo aad u soo booqataa?
7 Waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha.
Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad,
Oo waxaad ka sarraysiisay shuqullada gacmahaaga,
8 Wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay.
Isagoo wax walba isaga ka hoosaysiiyey, wax uu dhaafay oo aanu isaga ka hoosaysiinini ma jiraan, laakiin imminka weli ma aragno wax walba oo isaga laga hoosaysiiyey. 9 Laakiin waxaynu aragnaa Ciise, kan wax yar malaa'igaha laga hoosaysiiyey, isagoo xanuunka dhimashada aawadiis ammaan iyo murwad taaj loogu geliyey inuu nimcada Ilaah dhimashada ugu dhadhamiyo qof walba.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya