Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur gabay ah oo Daa'uud tiriyey.
108 Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya,
Waan gabyi doonaa, haah, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaantayda.
2 Shareerad iyo kataaradow, toosa,
Aroorta hore waan toosi doonaa.
3 Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda.
4 Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda,
Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha.
5 Ilaahow, samooyinka ka sarree,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,
6 Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed,
Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab.
7 Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa,
Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod,
8 Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh,
Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga,
Yahuudahna waa ushaydii boqornimo.
9 Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray,
Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa,
Oo Falastiinna waan ku qaylin doonaa.
10 Bal yaa i geeyn doona magaalada deyrka leh?
Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?
11 Ilaahow, sow nama aadan xoorin?
Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.
12 Cadowga naga caawi,
Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.
13 Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonnaa,
Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.
Reer Binu Israa'iil Oo Weyddiistay Boqor
8 Oo markii Samuu'eel gaboobay ayuu wiilashiisii xaakinno uga dhigay reer binu Israa'iil. 2 Oo wiilkiisa curadka ahaa magiciisu wuxuu ahaa Yoo'eel, wiilkiisii labaadna magiciisu wuxuu ahaa Abiiyaah; oo waxay xaakinno ka ahaayeen Bi'ir Shebac. 3 Oo wiilashiisiina kuma ay socon jidadkiisii, laakiinse waxay u leexdeen si ay faa'iido u helaan, oo intay laaluush qaateen ayay gartii qalloociyeen.
4 Markaasaa odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu isa soo urursadeen, oo Samuu'eel ugu yimaadeen Raamaah; 5 oo waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, waad gabowday, oo wiilashaaduna kuma socdaan jidadkaagii; haddaba noo yeel boqor na xukuma sida quruumaha kale oo dhan. 6 Laakiinse waxaasu Samuu'eel way la xumaayeen, markii ay ku yidhaahdeen, Na sii boqor na xukuma. Markaasaa Samuu'eel Rabbiga baryay. 7 Oo Rabbiguna wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Bal dhegayso codka dadka iyo kulli waxa ay ku leeyihiin oo dhan, waayo, adiga kuma ay diidin, laakiinse anay i diideen, inaanan iyaga u ahaan boqor. 8 Siday hore u yeeleen tan iyo maalintii aan ka soo bixiyey Masar iyo ilaa maantadan, taasoo ahayd inay iga tageen, oo ilaahyo kale u adeegeen, saasay adigana kugu samaynayaan. 9 Haddaba sidaas daraaddeed bal codkooda dhegayso, habase yeeshee waa inaad aad ugu markhaati furtaa, oo waa inaad u sheegtaa boqorka xukumi doona siduu ahaan doono.
10 Oo Samuu'eelna wuxuu erayadii Rabbiga oo dhan u sheegay dadkii boqorka weyddiistay. 11 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Boqorka idin xukumayaa wuxuu ahaanayaa sidan: wuxuu idinka qaadan doonaa wiilashiinna, oo wuxuu ka dhigan doonaa kuwa gaadhifardoodka u wada, iyo fardooleydiisa, oo iyana waxay hor ordi doonaan gaadhifardoodkiisa. 12 Haddana wuxuu iyaga ka dhigan doonaa saraakiil kun kun u sarreeya iyo saraakiil konton konton u sarreeya, oo qaarna beerihiisay u fali doonaan, oo u gooyn doonaan, oo waxay u samayn doonaan alaabta dagaalka, iyo alaabta gaadhifardoodkiisa. 13 Oo gabdhihiinnana wuu idinka qaadan doonaa oo wuxuu ka dhigan doonaa kuwo uunsiga sameeya, iyo kuwo cuntada kariya, iyo kuwo kibista duba. 14 Oo wuxuu idinka qaadan doonaa beerihiinna, iyo beerihiinna canabka ah, iyo beerihiinna saytuunka ah, iyo xataa meelaha ugu wada wanaagsan, oo wuxuu siin doonaa midiidinnadiisa. 15 Oo wuxuu idinka qaadan doonaa iniinihiinna toban meelood oo meel iyo beerihiinna canabka ah, markaasuu siin doonaa saraakiishiisa, iyo midiidinnadiisa. 16 Oo haddana wuxuu idinka qaadan doonaa raggiinna addoommada idiin ah, iyo gabdhaha addoommaha idiin ah, iyo dhallinyaradiinna ragga ugu wanaagsan, iyo dameerihiinna, markaasuu ku shaqaysan doonaa. 17 Oo wuxuu idinka qaadan doonaa adhigiinna toban meelood oo meel, oo idinna waxaad noqon doontaan addoommadiisa. 18 Oo maalintaas waxaad ka qaylin doontaan boqorkiinna aad idinku doorateen oo Rabbiguna idiin jawaabi maayo maalintaas. 19 Laakiinse dadkii way diideen inay dhegaystaan Samuu'eel codkiisii, oo waxay yidhaahdeen, Maya, laakiinse waxaannu yeelanaynaa boqor noo taliya; 20 si aannu ula mid noqonno quruumaha kale oo dhan; oo uu boqorkayagu noogu taliyo, oo uu noo hor kaco oo noo dagaallamo wakhtiga dirirta. 21 Oo Samuu'eelna wuu maqlay erayadii dadka oo dhan, oo haddana wuxuu maqashiiyey dhegihii Rabbiga. 22 Markaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Codkooda maqal oo boqor u yeel iyaga. Markaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii reer binu Israa'iil ku yidhi, Taga oo ninkiin waluba magaaladiisii ha tago.
Furniinka Shayddaanka Iyo Dagaalka Ugu Dambeeya
7 Oo markii kunkii sannadood ay dhammaadaan ayaa Shayddaanka laga furi doonaa xabsigii lagu xabbisay, 8 oo wuxuu u soo bixi doonaa inuu khiyaaneeyo quruumaha deggan dhulka afartiisa gees, kuwaas oo ah Juuj iyo Maajuuj inuu iyaga u soo ururiyo dagaalka; oo tiradooduna waa sida ciidda badda. 9 Oo waxay ku soo kor baxeen ballaadhka dhulka, oo waxay hareereeyeen kaambadii quduusiinta iyo magaaladii la jeclaa; markaasaa waxaa samada ka soo degay dab, wuuna laastay iyagii. 10 Oo Ibliiskii iyaga khiyaanayn jirayna waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka iyo baaruudda ahayd, halkaas oo ay ku jiraan bahalkii iyo nebigii beenta ahaa, oo iyaga waxaa la cadaabi doonaa habeen iyo maalinba weligood iyo weligoodba.
Sarakicidda Kuwii Dhintay Iyo Xukunka Ugu Dambeeya
11 Oo markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin. 12 Oo markaasaan arkay kuwii dhintay, yar iyo weynba, iyagoo taagan carshiga hortiisii, markaasaa waxaa la furay kitaabbadii; oo haddana waxaa la furay kitaab kale oo ah kii nolosha; oo kuwii dhintay waxaa lagu xukumay waxyaalihii kitaabbadii ku qornaa, sidii ay shuqulladoodii ahaayeen. 13 Markaasaa baddii waxay sii daysay kuwii dhintay oo dhexdeedii ku jiray; oo dhimashadii iyo Haadeesna waxay sii daayeen kuwii dhintay oo dhexdoodii ku jiray; markaasaa iyagii waxaa laga xukumay nin walba sidii shuqulladiisu ahaayeen. 14 Oo dhimashadii iyo Haadeesba waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd. Oo taasu waa dhimashadii labaad oo ah badda dabka ah. 15 Oo ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya