Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 99

99 Rabbigu isagaa taliya, dadyowgu ha gariireen,
Isagu wuxuu ku fadhiyaa keruubiimta, dhulku ha dhaqdhaqaaqo.
Rabbigu Siyoon dhexdeeda waa ku weyn yahay,
Oo dadyowga oo dhanna wuu ka wada sarreeyaa.
Iyagu ha ammaaneen magacaaga weyn oo laga cabsado,
Isagu waa quduus.
Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid,
Caddaalad baad adkaysaa,
Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub.
Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya,
Oo meeshuu cagaha saartona ku sujuuda,
Isagu waa quduus.
Muuse iyo Haaruun waxay ka mid ahaayeen wadaaddadiisa,
Samuu'eelna wuxuu ka mid ahaa kuwa magiciisa u yeedha,
Iyagu waxay baryeen Rabbiga, oo isna wuu u jawaabay.
Wuxuu iyagii kala dhex hadlay tiirkii daruurta ahaa,
Iyana waxay xajiyeen markhaatifurkiisii iyo qaynuunkii uu iyaga siiyey.
Rabbiyow Ilaahayagiiyow, waad u jawaabtay,
Oo waxaad ahayd Ilaah iyaga cafiyey,
In kastoo aad falimahoodii ka aargoosatay.
Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya,
Oo isaga ku caabuda buurtiisa quduuska ah,
Waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa quduus.

Samuu'eel Kowaad 2:18-21

18 Laakiinse Samuu'eel wuxuu ka adeegi jiray Rabbiga hortiisa, isagoo wiil yar ah, ee guntan eefod dhar wanaagsan laga sameeyey. 19 Oo weliba hooyadiisna waxay u samayn jirtay khamiis yar, oo sannad ka sannad ayay u keeni jirtay, markay ninkeeda soo raacdo inay bixiyaan allabarigii sannadda. 20 Oo Ceeliina waa u duceeyey Elqaanaah iyo afadiisiiba, oo wuxuu ku yidhi, Daynkii Rabbiga la siiyey aawadiis Rabbigu naagtan farcan ha kaa siiyo. Oo iyana waxay tageen xaggii gurigoodii. 21 Oo Rabbigu waa soo booqday Xannaah, oo way uuraysatay, oo waxay dhashay saddex wiil iyo laba gabdhood. Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuxuu ku koray Rabbiga hortiisa.

Falimaha Rasuullada 15:1-5

Masiixiyiinta Aan Yuhuudda Ahayn Iyo Sharciga Muuse

15 Niman Yahuudiya ka yimid ayaa walaalihii wax baray iyagoo leh, Haddaan caadada Muuse laydinku gudin, badbaadi kari maysaan. Oo markii Bawlos iyo Barnabas wax aan yarayn kula murmeen oo ku su'aaleen iyaga, ayaa walaalihii waxay doorteen Bawlos iyo Barnabas iyo kuwo kale oo iyaga ka mid ah inay Yeruusaalem aadaan oo ay u tagaan rasuulladii iyo waayeelladii inay su'aashan kala hadlaan. Sidaas daraaddeed iyagoo kiniisaddu soo sagootiday, waxay sii dhex mareen Foynike iyo Samaariya, iyagoo ka warramaya sidii dadkii aan Yuhuudda ahayn u soo jeesteen; waxayna aad uga farxiyeen walaalihii oo dhan. Oo markay Yeruusaalem yimaadeen, ayaa kiniisaddii iyo rasuulladii iyo waayeelladiiba soo dhoweeyeen, markaasay waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan. Laakiin waxaa kacay kuwo dariiqadii Farrisiinta ahaa oo rumaysnaa, kuwaasoo leh, Waa in la gudo iyaga, oo lagu amro inay sharciga Muuse xajiyaan.

Falimaha Rasuullada 15:22-35

Warqaddii Loo Diray Masiixiyiintii Aan Yuhuudda Ahayn

22 Kolkaasay la wanaagsanaatay rasuulladii iyo waayeelladii iyo kiniisaddii oo dhan inay iska dhex doortaan niman ay Antiyokh ula diraan Bawlos iyo Barnabas, kuwaas oo ahaa Yuudas oo la odhan jiray Barsabaas iyo Silas oo ahaa niman madax ah walaalaha dhexdooda. 23 Markaasay qoreen oo iyagii la direen warqad leh, Annagoo ah rasuullada iyo walaalaha waayeellada ah waxaannu soo salaamaynaa walaalaha ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn oo jooga Antiyokh iyo Suuriya iyo Kilikiya. 24 Waxaannu maqallay in kuwo annaga naga tegey hadallo idinku dhibeen, nafihiinnana rogayeen, kuwaasoo aannan u amrin; 25 sidaas daraaddeed waxaa nala wanaagsanaatay, annagoo isku qalbi noqonnay, inaannu soo dooranno niman aannu idiinla soo dirno gacaliyayaashayadii Barnabas iyo Bawlos, 26 kuwaasoo ah niman naftooda u biimeeyey magicii Rabbigeenna Ciise Masiix aawadiis. 27 Sidaas aawadeed waxaannu soo dirnay Yuudas iyo Silas kuwaasoo iyaguna afka idiinka sheegi doona waxyaalahaas oo kale. 28 Waxaa la wanaagsanaatay Ruuxa Quduuska ah iyo annagaba inaannan idin saarin culaab ka weyn waxyaalahan waajibka ah. 29 Waa inaad ka fogaataan waxa sanamyada loo sadqeeyo, iyo dhiig, iyo waxa la ceejiyo, iyo sinada. Kuwaas haddaad iska dhawrtaan si wanaagsan baad yeeli doontaan. Nabadgelyo.

30 Sidaas daraaddeed, kolkii la diray ayay waxay yimaadeen Antiyokh; oo markay dadkii badnaa isu ururiyeen dabadeed waxay u dhiibeen warqaddii. 31 Markay akhriyeenna ayay waanadii ku farxeen. 32 Yuudas iyo Silas, iyagoo qudhooduna nebiyo ahaa, ayay hadallo badan walaalihii ku waaniyeen oo ku xoogeeyeen. 33 Oo markay muddo joogeen dabadeed ayaa walaalihii nabad ugu direen kuwii iyagii u soo diray. 34 Laakiin waxaa Silas la wanaagsanaatay inuu meeshaas sii joogo. 35 Laakiin Bawlos iyo Barnabas ayaa Antiyokh sii joogay, oo waxay kuwo badan oo kale la barayeen oo kula wacdiyeyeen ereyga Rabbiga.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya