Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Rabbiga Oo U Yeedhaya Samuu'eel
3 Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuxuu Rabbiga uga adeegi jiray Ceelii hortiisa. Oo wakhtigaasna erayga Rabbigu wax aan marar badan la helin buu ahaa, oo muuqasho bayaan ahna lama muujin. 2 Oo wakhtigaas markii Ceelii jiifsaday meeshiisii, (haddaba indhihiisii way arag darnaayeen oo waxba ma uu arki karin) 3 oo laambaddii Ilaahna aan weli la demin, oo Samuu'eelna jiifsaday macbudkii Rabbiga, kaasoo ah meeshii sanduuqa Ilaah yiil, 4 ayaa Rabbigu Samuu'eel u yeedhay, oo isna wuxuu yidhi, Waa i kan. 5 Markaasuu Ceelii ku orday, oo wuxuu ku yidhi, Waa i kan, waayo, waad ii yeedhay. Kolkaasuu yidhi, Anigu kuuma aan yeedhin, ee iska jiifso. Markaasuu tegey oo jiifsaday. 6 Markaasaa Rabbigu haddana u yeedhay oo yidhi, Samuu'eelow. Kolkaasaa Samuu'eel kacay oo Ceelii u tegey, oo wuxuu ku yidhi, Waa i kan, waayo, waad ii yeedhay. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Wiilkaygiiyow, kuuma aan yeedhin ee iska jiifso. 7 Haddaba Samuu'eel weli ma uu aqoon Rabbiga, oo welina erayga Rabbiga looma muujin isaga. 8 Oo haddana Rabbigu wuxuu Samuu'eel u yeedhay mar saddexaad. Oo isna wuu kacay oo u tegey Ceelii, wuxuuna ku yidhi, Waa i kan; waayo, waad ii yeedhay. Oo Ceeliina markaasuu gartay in Rabbigu u yeedhay yarka. 9 Sidaas daraaddeed Ceelii wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Tag oo iska jiifso, oo waxay ahaan doontaa, hadduu kuu yeedho inaad ku tidhaahdid, Rabbiyow ila hadal, waayo anoo addoonkaaga ah waan ku maqlayaaye. Sidaas aawadeed Samuu'eel waa tegey oo meeshiisuu jiifsaday. 10 Markaasaa Rabbigu u yimid, oo ag istaagay, oo sidii mararkii kale ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Samuu'eelow, Samuu'eelow. Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Ila hadal, waayo, anoo addoonkaaga ah waan ku maqlayaaye.
11 Markaasaa Rabbigu Samuu'eel ku yidhi, Bal eeg, waxaan reer binu Israa'iil ku dhex samaynayaa wax ku alla kii maqlaaba uu ka nixi doono. 12 Oo maalintaas waxaan Ceelii ku samayn doonaa kulli wixii aan reerkiisa kaga hadlay oo dhan, ilaa bilowgii iyo xataa dhammaadka. 13 Waayo, waxaan isaga u sheegay inaan reerkiisa weligiis u xukumayo dembigii uu ogaa, maxaa yeelay, wiilashiisii inkaar bay isku rideen, oo isna kama uu joojin iyagii. 14 Sidaas daraaddeed waxaan reerka Ceelii ugu dhaartay inaan reerka Ceelii weligiis dembigiisa lagu nadiifin doonin allabari amase qurbaan. 15 Markaasaa Samuu'eel iska jiifsaday ilaa subaxdii, oo dabadeedna wuxuu furay gurigii Rabbiga albaabbadiisii. Oo Samuu'eelna waa ka cabsaday inuu Ceelii muujintii u sheego. 16 Markaasaa Ceelii Samuu'eel u yeedhay, oo ku yidhi, Wiilkaygii Samuu'eelow, oo isna wuxuu yidhi, Waa i kan. 17 Markaasuu ku yidhi, Waxa Rabbigu kuu sheegay waa maxay? Waan ku baryayaaye, ha iga qarin. Ilaah ha kugu sameeyo waxaas iyo wax ka sii daranba, haddii aad iga qarisid innaba wixii uu kuu sheegay oo dhan. 18 Oo Samuu'eelna wuu u sheegay wax kasta, oo waxba kama uu qarin innaba. Markaasuu yidhi, Isagu waa Rabbiga, ee ha sameeyo wixii la wanaagsan isaga. 19 Oo Samuu'eelna wuu koray, Rabbiguna waa la jiray isaga, oo uma oggolaan in erayadiisii midna dhulka ku dhaco. 20 Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac way wada ogaayeen in Samuu'eel loo adkeeyey inuu ahaado Rabbiga nebigiis.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
139 Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay.
2 Waad og tahay fadhiisashadayda iyo sara kiciddaydaba,
Oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa.
3 Socodkayga iyo seexashadaydaba waad baadhaa,
Oo jidadkayga oo dhanna waad wada taqaan.
4 Waayo, Rabbiyow, eray aanad aqoonu carrabkayga kuma jiro,
Laakiinse adigu waad wada og tahay.
5 Adigu hor iyo dibba waad iga xidhay,
Oo gacantaadaad i saartay.
6 Aqoontaas oo kale aad iyo aad bay iigu yaab badan tahay,
Waa wax sare, oo anigu ma aan gaadhi karo.
13 Waayo, kelyahayga adigaa sameeyey,
Oo adigaa igu daboolay maxalkii hooyaday.
14 Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waxaa la ii sameeyey si cabsi iyo yaab badan,
Shuqulladaadu waa yaab badan yihiin,
Oo naftayduna taas aad bay u taqaan.
15 Lafahaygu kaama qarsoonayn,
Markii laygu sameeyey qarsoodiga,
Oo farsamada yaabka leh laygu sameeyey dhulka meesha ugu hoosaysa.
16 Indhahaagu way i arkeen markaan uurjiifka ahaa,
Oo xubnahaygu kitaabkaagay ku wada qornaayeen,
Kuwaas oo maalin ka maalin la qabanqaabiyey
Intaan midkoodna jirin ka hor.
17 Ilaahow, fikirradaadu ila qiimo badanaa!
Oo tiro badanaa!
18 Haddaan tiriyo, way ka sii tiro badan yihiin ciidda,
Oo markaan tooso weli adigaan kula joogaa.
5 Waayo, annaga qudhayadu idinkuma wacdinno wax nagu saabsan, laakiin waxaannu idinku wacdinnaa wax ku saabsan Ciise Masiix oo Rabbiga ah, iyo annagoo ah addoommadiinna Ciise aawadiis. 6 Waayo, waa Ilaah kan yidhi, Iftiin ha ka ifo gudcur, kan qalbiyadeenna uga ifay inuu iftiinka aqoonta ammaanta Ilaah inaga siiyo Ciise Masiix wejigiisa.
Itaaldarrada Rasuulka Iyo Xoogga Ilaah
7 Laakiin khasnaddan ayaannu ku haysannaa weelal dhoobo ah in xoogga weynaantiisa ay ka ahaato xaggii Ilaah ee aanay xaggayaga ka ahaan. 8 Wax walba waa lanagu dhibay, laakiin lanama cidhiidhiyin, waannu qalbi walaacnay, laakiin ma aannu quusan, 9 waa lana silciyey, laakiin lanama dayrin, hoos baa lanoo tuuray, laakiin lanama baabbi'in. 10 Mar walba jidhkaannu ku sidnaa dhimashada Ciise in haddana nolosha Ciise ay jidhkayaga ka muuqato. 11 Waayo, annagoo nool waxaa weligayo lanoo bixiyaa dhimasho Ciise aawadiis, in haddana nolosha Ciise ka muuqato jidhkayaga dhimanaya. 12 Sidaa daraaddeed annaga dhimashadu way naga dhex shaqaysaa, laakiin noloshu idinkay idinka dhex shaqaysaa.
Wax Sabti Dhawridda Ku Saabsan(A)
23 Waxaa dhacay inuu sabtidii beeraha dhex marayay, oo xertiisii intay soconayeen ayay bilaabeen inay sabuullada jartaan. 24 Markaasaa Farrisiintii waxay isaga ku yidhaahdeen, Bal eeg, maxay sabtida u samaynayaan wixii aan xalaal ahayn? 25 Wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan weligiin akhriyin wixii Daa'uud sameeyey markuu wax u baahnaa oo uu gaajaysnaa, isaga iyo kuwii la jiray? 26 Siduu guriga Ilaah u galay waagii wadaadkii sare ee Aabyaataar, oo uu u cunay [a]kibistii tusniinta oo aan xalaal uu ahayn dad kale wadaaddada maahee, oo uu siiyey kuwii la jirayna. 27 Markaasaa wuxuu ku yidhi iyaga, Sabtida waxaa loo sameeyey dadka aawadiis ee dadka looma samayn sabtida aawadeed. 28 Sidaa darteed Wiilka Aadanahu waa sayidka sabtida.
Ninkii Gacanta Engegnaa Waa La Bogsiiyey(B)
3 Kol dambe wuxuu galay sunagogga; halkaasna waxaa joogay nin gacan engegan. 2 Markaasay fiirinayeen inuu sabtida bogsiinayo iyo in kale, si ay u ashtakeeyaan. 3 Kolkaasuu ninkii gacanta engegnaa ku yidhi, Dhexda isa soo taag. 4 Oo wuxuu iyaga ku yidhi, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar; in naf la badbaadiyo ama la dilo? Laakiin way iska aamuseen. 5 Goortuu iyaga isha mariyey isagoo cadhaysan oo qalbigiisii ka tiiraanyooday qalbi engegnaantooda aawadeed, wuxuu ninkii ku yidhi, Gacanta soo taag. Kolkaasuu soo taagay, oo gacantiisu way bogsatay. 6 Markaasaa Farrisiintu baxeen, oo markiiba waxay kala tashadeen Herodosiintii si ay u dilaan isaga.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya