Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 105:1-6

105 Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya,
Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.
Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya,
Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.
Ku faana magiciisa quduuska ah,
Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.
Rabbiga iyo xooggiisa doondoona,
Oo weligiinba wejigiisa doondoona.
Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey,
Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,
Kuwiinna farcankii addoonkiisii Ibraahim ahow,
Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow.

Sabuurradii 105:23-26

23 Israa'iilna wuxuu yimid dalkii Masar,
Yacquubna wuxuu qariib ahaan u joogay dalkii Xaam.
24 Oo isagu dadkiisii aad buu u badiyey,
Oo wuxuu ka dhigay inay ka xoog bataan cadaawayaashoodii.
25 Qalbigoodii wuxuu u beddelay si ay dadkiisa u nebcaadaan,
Iyo si ay addoommadiisa u khiyaaneeyaan.
26 Wuxuu u soo diray addoonkiisii Muuse,
Iyo Haaruun oo uu doortay.

Sabuurradii 105:45

45 Inay amarradiisa dhawraan,
Oo ay qaynuunnadiisa xajiyaan.
Rabbiga ammaana.

Baxniintii 3:16-22

16 Bal tag, oo isu soo ururi waayeellada reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii muuqday, isagoo leh, Hubaal waan idin soo booqday, oo waan arkay waxa laydinku sameeyey Masar dhexdeeda, 17 oo waxaan idhi, Anigu waan idinka soo wadi doonaa dhibaatada Masar, oo waxaan idin keeni doonaa dalka reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan. 18 Oo codkaaga way maqli doonaan, markaas adiga iyo waayeellada reer binu Israa'iil waa inaad u tagtaan boqorka Masar, oo waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyada ayaa nala kulmay. Haddaba waan ku baryaynaaye, Iska kaaya daa aannu meel saddex maalmood loo socdo oo cidla ah tagnee, inaannu allabari u bixinno Rabbiga ah Ilaahayo. 19 Oo anna waxaan ogahay inaanu boqorka Masar idiin sii daynayn inaad tagtaan, maya, ee wuxuuna idiinku diidayaa gacan xoog leh. 20 Markaasaan gacantayda soo kala bixin doonaa, oo waxaan Masar ku layn doonaa cajaa'ibyadayda oo dhan oo aan ku dhex samayn doono iyada, oo markaas dabadeed wuu idin sii dayn doonaa inaad iska tagtaan. 21 Oo anigu dadkan raalli baan uga yeeli doonaa Masriyiinta; oo waxay noqon doontaa in markii aad tagtaan aydnaan faromadhnaan ku tegin, 22 laakiinse naag waluba ha weyddiisato deriskeeda iyo tan guriga la joogta alaab lacag ah iyo alaab dahab ah, iyo dhar; waxaadna saari doontaan wiilashiinna iyo gabdhihiinna, oo waxaad dhici doontaan Masriyiinta.

2 Tesaloniika 2:7-12

Waayo, qarsoodiga dembigu haatan waa shaqaynayaa, laakiin kan haddeer joojinayaa wuxuu joojinayaa ilaa jidka laga qaado isaga. Markaas waxaa la muujin doonaa sharcilaawaha, kan Rabbi Ciise ku halligi doono neefta afkiisa, oo imaatinka muuqashadiisa uu ku baabbi'in doono. Kaas imaatinkiisu waa sida shuqul Shayddaan oo leh xoog iyo calaamooyin iyo cajaa'ibyo been ah oo dhan, 10 iyo khiyaanada xaqdarrada oo dhan. Waxaana leh kuwa lumaya, maxaa yeelay, waxay diideen inay runta jeclaadaan oo ay sidaas u badbaadaan. 11 Oo sababtaas daraaddeed ayaa Ilaah ugu soo diraa wax qalad kaga dhex shaqeeya si ay been u rumaystaan, 12 in kuwa aan runta rumaysan, laakiinse xaqdarrada ku farxay, kulligood la wada xukumo.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya