Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
34 Markaasuu yidhi, Waxaan ahay Ibraahim addoonkiisa. 35 Rabbigu aad iyo aad buu u barakeeyey sayidkayga, wuuna weynaaday: wuxuuna siiyey adhi iyo lo', iyo lacag iyo dahab, iyo rag addoommo ah, iyo naago addoommo ah, iyo geel iyo dameerro. 36 Saarah oo ahayd sayidkayga naagtiisii ayaa wiil u dhashay sayidkayga markay gabowday, oo wuxuu isaga siiyey wuxuu leeyahay oo dhan. 37 Sayidkayguna wuu i dhaariyey, isagoo leh, Wiilkayga waa inaanad naag uga guurin gabdhaha reer Kancaanka aan dalkooda degganahay. 38 Laakiinse waxaad u kacdaa gurigii aabbahay, iyo xigaalkaygii, oo wiilkayga naag uga keen.
42 Maantaan isha imid oo waxaan idhi, Rabbiyow, sayidkayga Ibraahim Ilaahiisow, haddaad haatan jidkayga aan ku socdo igu liibaanisid, 43 bal eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabadhii u soo baxda inay biyo dhaansato oo aan ku odhan doono, Waan ku baryayaaye, ashuunkaaga iga sii in yar oo biyo ah aan cabbee, 44 oo igu odhan doonta, Cab, awrtaadana waan u dhaamin doonaa, taasu ha noqoto tii Rabbigu u doortay wiilka sayidkayga. 45 Oo intaan hadalkii qalbigayga ka dhammaan ayaa Rebeqah soo baxday iyadoo ashuunkeedii garabka ku sidata, markaasay ishii ku dhaadhacday, oo soo dhaansatay: anna waxaan ku idhi, Waan ku baryayaaye, i waraabi. 46 Iyana intay dhaqsatay oo ay ashuunkeedii garabkeeda ka soo dejisay ayay tidhi, Cab, awrtaadana waan waraabin doonaa: sidaas daraaddeed waan cabbay, awrtiina way waraabisay. 47 Markaasaan weyddiiyey oo ku idhi, Ina ayaad tahay? Oo waxay tidhi, Ina Betuu'el wiilkii Naaxoor ay Milkah u dhashay isaga. Markaasaan sangeliskii sanka u sudhay; dugaagadihiina gacmaha u geliyey. 48 Kolkaasaan madaxa foororiyey, oo Rabbiga caabuday, oo waxaan ammaanay Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo igu soo hoggaamiyey jidkii toosnaa, inaan gabadhii sayidkayga walaalkiis u kaxeeyo wiilkiisa. 49 Haddaba haddaad sayidkayga ula macaamiloonaysaan si raxmad leh oo daacad ah, ii sheega: haddii kalese ii sheega, inaan u leexdo xagga midigta ama xagga bidixda.
58 Markaasay Rebeqah u yeedheen, oo waxay ku yidhaahdeen, Ninkan ma raacaysaa? Oo waxay tidhi, Haah, waan raacayaa. 59 Markaasay walaashood Rebeqah direen, iyada iyo midiidinteedii, iyo addoonkii Ibraahim, iyo raggiisiiba. 60 Oo Rebeqah bay u duceeyeen oo ku yidhaahdeen, Walaashayoy, kumanyaal kun hooyadood noqo, farcankaaguna kuwa iyaga neceb iriddooda ha hantiyeen. 61 Rebeqahna way kacday, iyada iyo gabdhaheediiba, oo waxay fuuleen awrtii, ninkiina way raaceen: addoonkiina wuu kaxeeyey Rebeqah, wuuna tegey. 62 Isxaaqna wuxuu ka yimid xagga jidka Bi'ir Lahayroy, waayo, wuxuu degganaa dhulka Koonfureed. 63 Oo gabbaldhicii ayaa Isxaaq berrinka u soo baxay inuu fikiro: markaasuu indhihiisa kor u taagay, oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay awr soo socota. 64 Rebeqahna indhaheedii bay kor u taagtay, oo markay Isxaaq aragtay ayay ratigii ka degtay. 65 Oo waxay addoonkii ku tidhi, Waa ayo ninkaas berrinka dhex socda, oo inaga hor imanaya? Addoonkiina wuxuu yidhi, Waa sayidkaygii. Markaasay indhashareerteedii qaadatay oo hagoogatay. 66 Addoonkiina wuxuu Isxaaq u sheegay wixii uu sameeyey oo dhan. 67 Isxaaqna wuxuu iyadii soo geliyey teendhadii hooyadiis Saarah, Rebeqahna wuu guursaday, oo naagtiisii bay noqotay. Wuuna jeclaaday iyada, oo Isxaaq waxaa laga qalbi qabowjiyey geeridii hooyadiis.
10 Haddaba, gabadhoy, bal i maqal, oo fiirso, oo dhegta soo dhig,
Oo weliba waxaad illowdaa dadkaagii iyo gurigii aabbahaa;
11 Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa,
Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud.
12 Oo waxaa halkaas joogi doonta gabadha reer Turos, iyadoo hadiyad wadda,
Xataa taajiriinta dadka ku jirtaa waxay kaa baryi doonaan raallinimo.
13 Gabadha boqorka oo hoyga boqorka joogtaa waa qurux miidhan,
Dharkeeda dahab baa lagu dhex sameeyey.
14 Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan,
Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa.
15 Waxaa iyaga lagu hoggaamin doonaa farxad iyo rayrayn,
Oo waxay soo geli doonaan hoyga boqorka.
16 Meeshii awowayaashaa waxaa joogi doona wiilashaada,
Kuwaas oo aad dunida oo dhan amiirro uga dhigi doonto.
17 Magacaaga waxaan ka dhigi doonaa mid ka ab ka ab la xusuusto,
Sidaas daraaddeed dadyowgu mahad bay kuu naqi doonaan weligood iyo weligood.
8 Waa kaa codkii gacaliyahaygu!
Bal eega, wuu soo socdaa,
Isagoo buuraha korkooda ku soo boodboodaya, oo kuraha dushooda ku faclaynaya.
9 Gacaliyahaygu waa sida cawl ama deer qayrab ah oo kale.
Bal eega, wuxuu taagan yahay derbigayaga gadaashiisa,
Oo daaqadahuu ka soo eegayaa, oo shabagguu ka soo dayayaa.
10 Markaasaa gacaliyahaygii ila hadlay oo wuxuu igu yidhi,
Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.
11 Waayo, qabowgii wuu na dhaafay,
Oo roobkiina wuu dhammaaday, wuuna qaaday,
12 Ubaxii dhulkuu ka muuqanayaa,
Oo wakhtigii shimbirruhu gabyi jireenna waa la gaadhay,
Oo codkii qoolleydana dalkayagaa laga maqlayaa.
13 Berduhu midhihiisuu soo bixinayaa,
Oo geedaha canabkuna way ubxinayaan,
Wayna soo carfayaan.
Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.
15 Waayo, waxaan samaynayo garan maayo, maxaa yeelay, ma sameeyo wixii aan doonayo, laakiin waxaan sameeyaa wixii aan necbahay. 16 Laakiin haddaan sameeyo waxa aanan doonayn, de markaas waxaan gartay in sharcigu wanaagsan yahay. 17 Haddabase haatan ma aha aniga kan waxaas sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira. 18 Waayo, waan ogahay inaan wax wanaagsanu igu dhex jirin, taas waxaan ula jeedaa, jidhkayga wax wanaagsanu kuma jiraan, waayo, waan ku talo jiraa inaan waxa wanaagsan sameeyo, laakiin ma sameeyo. 19 Waayo, waxa wanaagsan oo aan doonayo inaan falo, ma sameeyo, laakiinse waxa sharka ah oo aanan doonayn inaan falo, ayaan sameeyaa. 20 Laakiin haddaan sameeyo wixii aanan doonayn inaan falo, de haatan ma aha aniga kan sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira. 21 Haddee waxaan arkaa qaynuunka in shar ila jiro in kastoo aan doonayo inaan waxa wanaagsan sameeyo. 22 Waayo, sharciga Ilaah ayaan kaga farxaa ninka gudaha ah. 23 Laakiin waxaan xubnahayga ka arkaa qaynuun kale, isagoo la dagaallamaya qaynuunka maankayga oo maxbuus iiga dhigaya qaynuunka dembiga oo xubnahayga ku jira. 24 Nin belaysan baan ahay. Yaa iga furan doona jidhkan dhimashada leh? 25 Waxaan Ilaah ugu mahadnaqayaa inuu Rabbigeen Ciise Masiix igu furan doono. Sidaas daraaddeed aniga qudhaydu waxaan maankayga ugu adeegaa sharciga Ilaah; laakiinse waxaan jidhka ugu adeegaa qaynuunka dembiga.
16 Maxaan qarnigan u ekaysiiyaa? Wuxuu u eg yahay carruur suuqa fadhida oo kuwa kale u yeedhaysa, 17 iyagoo leh, Biibiile baannu idiin yeedhinnay, oo waad cayaari weydeen, waannu baroorannay oo waad calaacali weydeen. 18 Waayo, Yooxanaa waa yimid isagoo aan waxba cunaynin oo cabbaynin, oo waxay yidhaahdaan, Jinni buu qabaa. 19 Wiilka Aadanahuse waa yimid isagoo wax cunaya oo cabbaya, oo waxay yidhaahdaan, Eeg, waa nin cir weyn oo khamriyacab ah oo saaxiib la ah cashuurqaadayaal iyo dembilayaal. Xigmaddu inay xaq tahay waa lagu caddeeyaa shuqulladeeda.
Maanka U Eg Maanka Carruurta(A)
25 Wakhtigaas Ciise ayaa hadalkan yidhi, Aabbow, Rabbiga samada iyo dhulkow, waan kugu mahadnaqayaa, waayo, waxyaalahan ayaad kuwa caqliga iyo garashada leh ka qarisay, oo waxaad u muujisay ilma yaryar. 26 Haah, Aabbow, waayo, sidaas ayaa kaa farxisay.
Ciise Shuqulkiisa(B)
27 Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo Wiilka maahee iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo. 28 Ii kaalaya kulligiin kuwiinna hawshaysan oo culaabaysanow, oo anigu waan idin nasin doonaa. 29 [a]Harqoodkayga dushiinna ku qaata oo wax iga barta; waayo, waan qaboobahay, qalbigayguna waa hooseeyaa, oo naftiinna nasashaad u heli doontaan. 30 Waayo, harqoodkaygu waa dhib yar yahay, oo rarkayguna waa fudud yahay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya