Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 5:1-8

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab la afuufo oo muusika ah.

Rabbiyow, bal hadalladayda dhegta u dhig,
Oo ka fiirso fikirradayda.
Boqorkayga iyo Ilaahaygow, bal maqal codka baryadayda,
Waayo, adigaan kuu tukanayaa.
Rabbiyow, codkayga aroorta baad maqli doontaa,
Oo aroorta ayaan tukashadayda kugu soo hagaajin doonaa, oo waan soo jeedi doonaa.
Waayo, adigu ma ihid Ilaah xumaanta ku farxa,
Oo shar adiga kula jiri maayo.
Kan ismadax-weyneeya hortaada soo istaagi maayo,
Oo waxaad neceb tahay xumaanfalayaasha oo dhan.
Waad wada baabbi'in doontaa kuwa beenta ku hadla,
Rabbigu aad buu u karhaa kan dhiigyacabka ah iyo khaa'inkaba.
Laakiinse anigu kalgacaylkaaga badan ayaan gurigaaga ku soo gelayaa,
Oo anigoo kaa cabsanaya ayaan xagga macbudkaaga quduuska ah u soo tukan doonaa.
Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood xaqnimadaada igu hoggaami,
Oo jidkaaga hortayda ku toosi.

Boqorradii Kowaad 20:35-43

Nebi Baa Xukumay Axaab

35 Oo nin qoonkii nebiyada ka mid ah ayaa saaxiibkiis ku yidhi, War i dil, waan ku baryayaaye, taasuna waxay ahayd eray xagga Rabbiga ka yimid, laakiinse ninkii waa diiday inuu dilo. 36 Kolkaasuu ku yidhi, Adigu ma aadan addeecin Eraygii Rabbiga oo sidaas daraaddeed bal ogow haddiiba markii aad iga tagto waxaa ku dili doona libaax. Oo haddiiba markuu isagii ka tegey ayaa waxaa helay libaax, wuuna dilay isagii. 37 Oo haddana wuxuu helay nin kale, markaasuu ku yidhi, War waan ku baryayaaye i dil. Markaasaa ninkii intuu wax ku dhuftay dhaawacay. 38 Markaasaa nebigii tegey oo boqorkii ku sugay jidka agtiisa, wuuna isku beddelay calalkiisii madaxa oo uu indhaha ku qariyey. 39 Oo markii boqorkii soo ag maray ayuu boqorkii u qayliyey, oo wuxuu ku yidhi, Anigoo addoonkaaga ahu waxaan dhex galay dagaalkii, oo bal eeg nin baa igu soo leexday, nin buuna ii keenay, oo wuxuu igu yidhi, Ninkan dhawr; oo si kastaba ha noqotee haddii hadhow la waayo, naftaadaa loo qisaasayaa, ama haddii kaleto waxaad bixin doontaa talanti lacag ah. 40 Oo anigoo addoonkaaga ah intii aan mashquul ku ahaa halkan iyo halkaas ayaa ninkii iska tegey. Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Xukunkaagu saasuu ahaanayaa, waayo, adaa goostay. 41 Markaasuu dhaqsaday oo calalkiina indhihii ka qaaday, boqorkiina wuu gartay inuu isagu qoonkii nebiyada ka mid ahaa. 42 Markaasuu isagii ku yidhi, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ninkii aan baabba'a ku xukumay ayaad gacantaada ka sii daysay, oo sidaas daraaddeed naftaadu waxay u dhiman doontaa naftiisa, dadkaaguna dadkiisa. 43 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu u kacay gurigiisii isagoo calool xun, oo xanaaqsan, oo Samaariya buu yimid.

Luukos 5:17-26

Curyaankii La Bogsiiyey(A)

17 Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu wax barayay, oo halkaasna waxaa ag fadhiyey qaar Farrisiinta iyo macallimiintii sharciga ah oo ka yimid magaalo walba oo Galili iyo Yahuudiya iyo Yeruusaalem; xoogga Rabbiguna waa la jiray isaga si uu u bogsiiyo kuwa buka. 18 Markaasaa niman waxay sariir ku soo qaadeen nin curyaan ah, waxayna doonayeen inay gudaha geliyaan oo hortiisa dhigaan. 19 Markay heli waayeen meel ay ka geliyaan dadkii badnaa aawadiis, ayay guriga dushiisa fuuleen, oo saqafka ayay ka dusiyeen isaga iyo sariirtiisii, oo ay dhex dhigeen Ciise hortiisa. 20 Goortuu rumaysadkoodii arkay ayuu ku yidhi, Nin yahow, dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin. 21 Markaasaa culimmadii iyo Farrisiintii waxay bilaabeen inay fikiraan iyagoo leh, Ayuu yahay kan caytamayaa? Ayaa dembiyo cafiyi kara Ilaah keliya maahee? 22 Laakiin Ciise goortuu fikirradoodii gartay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad qalbiyadiinna uga fikiraysaan? 23 Iyamaa hawl yar, in la yidhaahdo, Dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin, ama in la yidhaahdo, Kac oo soco? 24 Laakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi), Waxaan kugu leeyahay, Kac oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag. 25 Kolkiiba hortood ayuu kacay, oo qaatay wixii uu ku jiifay, oo gurigiisa tegey, isagoo Ilaah ammaanaya. 26 Markaasay wada yaabeen oo Ilaah ammaaneen, aad bayna u baqeen, oo waxay yidhaahdeen, Maanta waxaannu aragnay waxyaalo yaab leh.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya