Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
SABUURRADII
Kitaabka Kowaad
Sabuurrada 1-41
1 Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh,
Oo aan istaagin jidka dembilayaasha,
Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada.
2 Laakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga,
Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa.
3 Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda,
Oo midhihiisa dhala xilligooda,
Oo aan caleentiisuna engegin.
Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.
4 Laakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha,
Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso.
5 Sidaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka,
Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda.
6 Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda,
Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.
Laba Dambiilood Oo Berde Ah
24 Markii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu maxaabiis ahaan u kaxaystay Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo amiirradii dadka Yahuudah, iyo saanacyadii, iyo birtumayaashiiba oo uu ka kaxaystay Yeruusaalem oo Baabuloon geeyey dabadeed Rabbigu wax buu i tusay, oo waxaan arkay laba dambiilood oo berde ah oo macbudka Rabbiga hor yaal. 2 Oo dambiilaha midkood waxaa ku jiray berde aad u wanaagsan, oo la moodo sidii midho berde oo hore u bislaaday, oo dambiisha kalena waxaa ku jiray midho berde oo aad u xun, oo xumaantooda aawadeedna aan innaba la cuni karin. 3 Markaas Rabbigu wuxuu igu yidhi, Yeremyaahow, maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa midho berde. Midhaha berde oo wanaagsan aad bay u wanaagsan yihiin, kuwa xumuna aad bay u xun yihiin, oo xumaantooda aawadeed innaba lama cuni karo. 4 Markaas waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh, 5 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sida midhahaas berde oo wanaagsan ayaan wanaag aawadiis u aqoonsan doonaa maxaabiista dadka Yahuudah oo aan meeshan ka diray, oo aan dalka reer Kaldayiin u geeyey. 6 Waayo, waxaan indhahayga iyaga ugu hayn doonaa wanaag aawadiis, oo dalkan baan ku soo celin doonaa, waanan dhisi doonaa, oo innaba ma aan dumin doono, waanan beeri doonaa, oo innaba ma aan rujin doono. 7 Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi ay igu gartaan, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo waxay noqon doonaan dadkaygii, anna waxaan noqon doonaa Ilaahoodii, waayo, qalbigooda oo dhan way iigu soo noqon doonaan. 8 Rabbigu wuxuu leeyahay, Midhaha berde oo xun oo xumaantooda aawadeed aan innaba la cuni karin, hubaal sidaas oo kalaan u xoori doonaa Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo amiirradiisa, iyo kuwa reer Yeruusaalem ah oo dalkan ku dhex hadhay, iyo kuwa dalka Masar degganba. 9 Oo waxaan ka dhigi doonaa inay boqortooyooyinka dunida oo dhan hor iyo dib ku dhex rogrogmadaan, oo meelaha aan iyaga u kaxayn doono oo dhanba waxay ku noqon doonaan cay iyo maahmaah iyo halqabsi iyo habaar. 10 Oo waxaan dhexdooda ku soo dayn doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, ilaa ay ka wada baabba'aan dalkii aan siiyey iyaga iyo awowayaashoodba.
Wax-u-Ururinta Masaakiinta Yeruusaalem
16 Haddaba sidaan u amray kiniisadihii Galatiya, inay wax u ururshaan quduusiinta, idinkuna sidaas oo kale yeela. 2 Maalinta ugu horraysa ee toddobaadka midkiin kastaa meel wax ha dhigo oo ha hayo wixii lagu barwaaqeeyey, si markaan imaado aan waxba loo ururin. 3 Oo markaan imaado, kuwaad u bogteen ayaan warqado u dhiibi doonaa, oo waxaan u diri doonaa inay hadiyaddiinna Yeruusaalem geeyaan. 4 Oo hadday ila noqoto inaan aniguna tago, way i raaci doonaan.
Bawlos Arrimihiisii Iyo Nabadgelyaynta
5 Markaan Makedoniya soo maro dabadeed ayaan idiin iman doonaa, waayo, Makedoniya waan soo marayaa. 6 Mindhaa cabbaar baan idinla joogi doonaa, xataa xilliga qabowga oo dhan, si aad iigu ambabbixisaan meel alla meeshaan tegi doono. 7 Waayo, dooni maayo inaan hadda idin arko markaan sii socdo, maxaa yeelay, waxaan rajaynayaa inaan cabbaar idinla joogo, haddii Rabbigu idmo. 8 Laakiin waxaan sii joogayaa Efesos ilaa maalinta Bentekoste. 9 Waayo, waxaa la ii furay albaab weyn oo shuqul ah, cadaawayaal badanina way jiraan.
10 Timoteyos hadduu yimaado, dhawra, oo cabsila'aan ha idinkula joogo, waayo, wuxuu ka shaqeeyaa shuqulka Rabbiga sidayda oo kale. 11 Haddaba ninna yuusan fududaysan isaga. Laakiin nabad ku soo ambabbixiya, ha ii yimaadee, waayo, waxaan filanayaa inuu walaalaha soo raaco. 12 Xagga walaalka Abolloos aad baan u baryay isaga inuu walaalaha sii raaco oo idiin yimaado, laakiin raalli kama uu ahayn inuu haatan yimaado, laakiin wuu iman doonaa markuu nefis helo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya