Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur Maskiil ah oo Aasaaf tiriyey.
78 Dadkaygiiyow, sharcigayga dhegaysta,
Oo dhegahana u dhiga erayada afkayga.
2 Afkayga waxaan ku furi doonaa masaal,
Oo waxaan ku dhawaaqi doonaa xujooyin hore,
3 Kuwaasoo aynu maqalnay oo aynu niqiin,
Oo ay awowayaasheen inoo sheegeen.
4 Ka qarin mayno carruurtooda,
Laakiin waxaynu farcanka soo socda u sheegaynaa Rabbiga ammaantiisa,
Iyo xooggiisa, iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey.
5 Waayo, markhaati buu reer Yacquub ka dhex dhisay,
Oo sharci buu reer binu Israa'iil u dejiyey,
Kaasoo uu ku amray awowayaasheen,
Inay carruurtooda dambe ogeysiiyaan aawadeed,
6 Iyo in farcanka soo socdaa ay iyaga ogaadaan, kuwaasoo ah carruurta hadda ka dib dhalanaysa,
Kuwaasoo iyana kici doona oo carruurtooda u sheegi doona,
7 Inay rajadooda Ilaah ku xidhaan,
Oo aanay illoobin Ilaah shuqulladiisii,
Laakiinse ay xajiyaan amarradiisa,
Axdigii Oo Lagu Soo Cusboonaysiiyey Buur Ceebaal
30 Markaasaa Yashuuca wuxuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Buur Ceebaal uga dhisay meel allabari, 31 sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa reer binu Israa'iil ugu amray, iyo sida ku qoran kitaabkii sharciga Muuse, oo waxay ahayd meel allabari oo ah dhagaxyo aan la qorin oo aan ninna bir u qaadin; oo waxay Rabbiga ugu kor bixiyeen qurbaanno la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino. 32 Oo wuxuu dhagaxyadii ku qoray naqil sharcigii Muuse ah oo uu ku qoray reer binu Israa'iil hortooda. 33 Oo reer binu Israa'iil oo dhan iyo waayeelladoodii, iyo saraakiishoodii, iyo xaakinnadoodiiba, waxay istaageen sanduuqii dhankiisa shishe iyo dhankiisa soke oo ka horreeya wadaaddada reer Laawi oo siday sanduuqii axdiga Rabbiga, qariibka iyo kii waddanka ku dhashayba, oo badhkood wuxuu is-hor taagay Buur Gerisiim, badhkoodii kalena wuxuu is-hor taagay Buur Ceebaal sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray inay marka hore u duceeyaan reer binu Israa'iil. 34 Oo dabadeedna wuxuu akhriyey erayadii sharciga oo dhan, ducadii iyo habaarkiiba, siday ahaayeen wixii ku qornaa kitaabkii sharciga oo dhan. 35 Oo ma jirin eray Muuse amray oo aan Yashuuca ku hor akhriyin shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo dumarkii, iyo dhallaankii, iyo kuwii qariibka ahaa oo iyaga dhex socdayba.
13 Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii lixaad, markaasaan maqlay cod ka yeedhaya geesihii girgirihii allabariga oo dahabka ahaa oo Ilaah hor yaal, 14 oo ku lahaa malaa'igtii lixaad oo buunka haysatay, Fur afarta malaa'igood oo ku ag xidhan webiga weyn oo Yufraad. 15 Markaasaa waxaa la furay afartii malaa'igood oo loo diyaariyey saacadda iyo maalinta iyo bisha iyo sannadda inay laayaan dadka saddex meelood oo meel. 16 Oo tiradii ciidankii fardooleyda ahaa waxay ahayd labaatan kun oo meelood oo min toban kun ah; oo anigu waan maqlay tiradoodii. 17 Oo sidaasaa waxaan tusintii ku arkay fardihii iyo kuwii fuushanaa oo qaba laabdhawr u eg dab iyo dhagax yakintos iyo baaruud; oo fardaha madaxyadooduna waxay u ekaayeen madaxyo libaax; oo afafkoodana waxaa ka soo baxayay dab iyo qiiq iyo baaruud. 18 Oo dadkii saddex meelood oo meel waxaa lagu dilay saddexdan belaayo oo ah dabka iyo qiiqa iyo baaruudda afkoodii ka soo baxay. 19 Waayo, fardaha xooggoodu wuxuu ku jiray afkooda iyo dabadooda, waayo, dabadoodu waxay u ekayd abeesooyin, oo waxay lahaayeen madaxyo, oo kuwaasay dadka wax ku yeeli jireen.
20 Oo dadkii hadhay oo aan lagu dilin saddexdaas belaayo, kama ay toobadkeenin shuqulladii gacmahooda, si ayan u caabudin jinniyo, iyo sanamyo dahab ah, iyo kuwo lacag ah, iyo kuwo naxaas ah, iyo kuwo dhagax ah, iyo kuwo qoryo ah, oo aan wax arki karin, waxna maqli karin, soconna karin; 21 kamana ay toobadkeenin diliddoodii iyo saaxirnimadoodii iyo sinadoodii iyo tuugnimadoodii.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya