Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 128

Gabayga meelokoridda.

128 Waxaa barakaysan mid kasta oo Rabbiga ka cabsada,
Oo jidadkiisa ku socda.
Waayo, waad cuni doontaa waxa gacmahaagu ku hawshoodeen,
Waadna farxi doontaa, oo waad barwaaqoobi doontaa.
Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala.
Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan.
Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa
Ninka Rabbiga ka cabsadaa.
Rabbigu Siyoon buu kaa barakayn doonaa,
Oo cimrigaaga oo dhan waxaad arki doontaa wanaagga Yeruusaalem.
Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda.
Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.

Yashuuca 6:1-16

(Haddaba Yerixoo waxaa loo xidhay reer binu Israa'iil aawadood; oo lamana geli jirin, lagamana bixi jirin.) Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Bal eeg, adigaan gacanta kuu geliyey Yerixoo, iyo boqorkeeda, iyo ragga xoogga leh. Oo waa inaad magaalada hareeraysaan, oo raggiinna dagaalyahannada ah oo dhammu magaalada mar ku soo wareega. Oo sidaas waxaad yeeshaan lix maalmood. Oo toddoba wadaad waa inay sanduuqa hortiisa socdaan iyagoo wata toddoba buun oo wanan geesahood ah, oo maalinta toddobaad waa inaad magaalada ku soo wareegtaan toddoba jeer, oo wadaaddaduna waa inay buunanka afuufaan. Oo markay aad u afuufaan buunanka wananka geesahooda ah, oo idinku aad maqashaan dhawaaqa buunka, dadka oo dhammu qaylo dheer waa inay ku qayliyaan, oo markaasaa derbiga magaaladu meeshiisa ku dhici doonaa, dadkuna waa inuu nin waluba hortiisa qummaati ugu socdaa. Markaasaa Yashuuca ina Nuun wadaaddadii u yeedhay, oo ku yidhi, Sanduuqa axdiga kor u qaada, oo sanduuqa Rabbiga toddoba wadaad ha la hor socdeen toddoba buun oo wanan geesahood ah. Oo waxay dadkii ku yidhaahdeen, Socda oo magaalada hareereeya, oo ragga hubka sitaana ha ka hor mareen sanduuqa Rabbiga. Oo sidii bay noqotay. Markii Yashuuca la hadlay dadkii waxaa socday oo Rabbiga hortiisa maray toddobadii wadaad oo sidda toddobadii buun oo wanan geesahood ah; oo waxay afuufeen buunankii; oo sanduuqii axdiga Rabbiguna waa lala daba socday. Oo raggii hubka sitayna waxay hor socdeen wadaaddadii buunanka afuufayay, oo ururkii intiisii kalena waxay daba socdeen sanduuqa, oo wadaaddaduna buunankay afuufayeen intay socdeen. 10 Oo Yashuuca wuxuu dadkii ku amray oo ku yidhi, Waa inaydnaan qaylin, codkiinnana waa inaan la maqlin, afkiinnana eray qudh ah yaanu ka soo bixin, ilaa maalintii aan idinku amro inaad qaylisaan; oo markaas waa inaad qaylisaan. 11 Oo sidaasuu sanduuqii Rabbiga ugu soo wareejiyey magaaladii, oo mar bay ku soo wareegeen hareeraheeda; oo markaasay ku noqdeen xeradii, waxayna u hoydeen xeradii.

12 Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo wadaaddadiina waxay kor u qaadeen sanduuqii Rabbiga. 13 Toddobadii wadaad oo sidday toddobadii buun oo wanan geesahood ahna, waxay had iyo goorba hor socdeen sanduuqii Rabbiga, oo waxay afuufeen buunankii; oo raggii hubka sitayna iyagay ka horreeyeen; ururkii intiisii kalena waxay daba socdeen sanduuqii Rabbiga, wadaaddaduna waxay afuufayeen buunankii intay socdeen. 14 Oo maalintii labaadna mar bay ku soo wareegeen magaaladii, oo waxay ku noqdeen xeradii; oo sidaasay intii lix maalmood ah yeeleen. 15 Oo maalintii toddobaad aroor horay keceen markii waagu beryay, oo sidii oo kale ayay magaaladii toddoba jeer ugu soo wareegeen; laakiin maalintaas ayay magaalada toddoba jeer ku soo wareegeen. 16 Oo markii toddobaad, markii wadaaddadii afuufeen buunankii ayaa Yashuuca dadkii ku yidhi, Qayliya, waayo, Rabbigu waa idin siiyey magaalada.

Yashuuca 6:20

20 Sidaas daraaddeed dadkii way qayliyeen, oo wadaaddadiina buunankii bay afuufeen, oo markii dadkii maqleen dhawaaqii buunka ayaa dadkii ku qayliyey qaylo dheer, oo markaasaa derbigii meeshiisii ku dhacay, oo sidaasay dadkiina ku galeen magaaladii, oo nin waluba hortiisuu qummaati ugu socday, oo magaaladii bay qaateen.

Falimaha Rasuullada 13:1-12

Kiniisaddii Antiyokh Ku Tiil

13 Haddaba kiniisaddii Antiyokh ku tiil waxaa joogay nebiyo iyo macallimiin, kuwaas oo ahaa Barnabas, iyo Simecoon oo la odhan jiray Niger, iyo Lukiyos oo reer Kuranaya ah, iyo Mana'een oo la koray taliye Herodos, iyo Sawlos. Oo markay Rabbiga caabudayeen oo soomanaayeen ayaa Ruuxa Quduuska ahu wuxuu ku yidhi, Barnabas iyo Sawlos iigu sooca shuqulkii aan ugu yeedhay. Markay soomeen oo duceeyeen oo gacmahoodii saareen dabadeed ayay direen iyagii.

Barnabas Iyo Sawlos Oo Qubrus Jooga

Haddaba iyagoo Ruuxa Quduuska ahu soo diray waxay tageen Selukiya; meeshaasna waxay uga dhoofeen Qubrus. Oo kolkay Salamis joogeen, ereygii Ilaah bay ku wacdiyeen sunagogyada Yuhuudda; oo Yooxanaa ayay kaaliye u haysteen. Oo kolkay gasiiraddii oo dhan dhex mareen ayay waxay yimaadeen Bafos, taas oo ay kala kulmeen nin saaxir ah oo ahaa nebi been ah oo Yuhuudi ah oo magiciisa la odhan jiray Barciise; kaas oo la jiray taliye Sergiyos Bawlos oo ahaa nin garasha leh. Kaasu markuu u yeedhay Barnabas iyo Sawlos, wuxuu doonayay inuu ereyga Ilaah maqlo. Laakiin waxaa iyagii ka hor istaagay saaxirka Elumas (oo sidaas magiciisa loo fasiri jiray), oo wuxuu isku dayayay inuu taliyihii ka leexiyo iimaanka. Laakiin Sawlos, oo ahaa Bawlos, kaasoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxsamay, ayaa aad u fiiriyey, 10 oo ku yidhi, Kaaga khiyaanada iyo xumaanta oo dhammu ka buuxsantay oo ah wiilka Ibliiska iyo cadowga xaqnimada oo dhan, miyaanad ka joogsanayn qalloocinta aad ku qalloocinaysid jidadka toosan oo Rabbiga? 11 Haddaba, bal eeg, gacanta Rabbigu waa ku saaran tahay, oo waad indha beeli doontaa, adigoo aan qorraxda arkayn intii wakhti ah. Kolkaasaa markiiba waxaa ku soo dhacday isagii ceeryaamo iyo gudcur; wuuna warwareegay oo doondoonay nin gacanta ku haga. 12 Kolkaasaa taliyihii, kolkuu arkay wixii dhacay, rumaystay, isagoo ka yaabsan Rabbiga waxbariddiisa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya