Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kitaabka Shanaad
Sabuurrada 107-150
107 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa.
2 Kuwa Rabbigu soo furtay sidaas ha yidhaahdeen,
Waana kuwa uu isagu ka soo furtay gacantii cadowga,
3 Oo uu ka soo ururiyey dalalka,
Xagga bari, iyo xagga galbeed,
Xagga woqooyi, iyo xagga koonfureedba.
4 Waxay dhex wareegi jireen cidlada iyo jid lamadegaan ah,
Mana ay helin magaalo ay degaan.
5 Way gaajoodeen, wayna harraadeen,
Oo naftoodiina way ku dhex taag darnaatay.
6 Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban,
Oo isna wuu ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii.
7 Oo weliba wuxuu iyagii ku hoggaamiyey jid toosan,
Si ay u tagaan magaalo ay degaan.
33 Isagu webiyo wuxuu u beddelaa cidlo,
Oo ilo biyo ahna wuxuu u beddelaa dhul oommane ah,
34 Oo dhul barwaaqaysanna wuxuu u beddelaa lamadegaan cusbo leh,
Oo waana kuwa halkaas deggan xumaantooda aawadeed.
35 Cidlada wuxuu u beddelaa balli biyo ah,
Oo dhul engeganna wuxuu u beddelaa ilo biyo ah.
36 Oo halkaasuu kuwa gaajaysan dejiyaa,
Si ay u samaystaan magaalo ay degaan,
37 Oo ay beeraha u abuurtaan, oo ay beero canab ah u beertaan,
Oo ay u helaan midho tiro badan.
15 Kolkaasay xadhig daaqadda kaga dhex dejisay, waayo, gurigeedu wuxuu ku yiil magaalada derbigeeda, oo waxay degganayd derbiga dushiisa. 16 Oo waxay iyagii ku tidhi, Buurta xaggeeda taga, yaan raacdadu idin heline, oo intii saddex maalmood ah halkaas ku dhuunta, ilaa ay raacdadu ka soo noqonayso; dabadeedna jidkiinna iska mara. 17 Kolkaasaa nimankii waxay iyadii ku yidhaahdeen, Bal ogow, annagu eed kuma yeelan doonno dhaartaadan aad nagu dhaarisay. 18 Markii aannu dalka nimaadno, xadhiggan dunta guduudan ah waa inaad ku xidhaa daaqaddii aad naga dejisay. Oo waa inaad guriga gudihiisa ku soo urursataa aabbahaa, iyo hooyadaa, iyo walaalahaa, iyo reerka aabbahaa oo dhan. 19 Oo waxay ahaan doontaa, in ku alla kii ka baxa albaabbada gurigaaga oo jidka maraba, uu dhiiggiisu ahaan doono dushiisa, oo annana aannan eed ku yeelanaynin, iyo in ku alla kii guriga kugula jira haddii far la saaro, uu dhiiggiisu dushayada ahaan doono. 20 Laakiinse haddaad xaalkayaga sheegto, de markaas eed kuma yeelan doonno dhaartaadii aad nagu dhaarisay. 21 Kolkaasay waxay ku tidhi, Sidaad tidhaahdeen ha ahaato. Kolkaasay iska dirtay, oo iyana way ka tageen; markaasay xadhiggii guduudnaa daaqaddii ku xidhay. 22 Kolkaasay tageen, oo waxay yimaadeen buurtii, oo halkaasay saddex maalmood joogeen, ilaa ay raacdadii ka soo noqotay; oo raacdadiina jidka oo dhan bay ka doondooneen, laakiinse ma ay helin. 23 Markaasaa labadii nin noqdeen; buurtii bay ka degeen, oo intay webigii gudbeen ayay u yimaadeen Yashuuca ina Nuun; kolkaasay u sheegeen wixii ku dhacay oo dhan. 24 Oo waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Sida runta Rabbigu dalka oo dhan gacmaheennuu geliyey, oo weliba, kuwa dalka deggan oo dhammu horteenay ku dhalaalayaan kulligood.
13 Laakiin waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay oo labawejiilayaasha ahu, waayo, boqortooyada jannada ayaad dadka ka xidhaan, maxaa yeelay, idinku ma gashaan, oo kuwa gelayana uma deysaan inay galaan. 14 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad laasataan guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer ayaad istusid u tukataan, sidaa darteed waxaad heli doontaan xisaab aad u daran. 15 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, badda iyo dhulka waxaad u wareegtaan inaad mid soo hadaysaan, oo kolkuu sidaas noqdo, waxaad ka dhigtaan wiilka jahannamada laba kol in idinka badan idinka.
16 Waa idiin hoog, hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo leh, Ku alla kii macbudka ku dhaarta, waxba ma aha, laakiin ku alla kii dahabkii macbudka ku dhaarta, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay. 17 Doqonno yahow indhaha la'u, kee baa weyn, dahabka iyo macbudka dahabka quduus ka dhiga? 18 Oo weliba waxaad leedihiin, Ku alla kii meesha allabariga ku dhaarta waxba ma aha, laakiin ku alla kii ku dhaarta hadiyadda dul saaran, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay. 19 Indhoolayaal yahow, haddaba kee baa weyn, hadiyadda iyo meesha allabariga oo hadiyadda quduus ka dhigta? 20 Haddaba kan meesha allabariga ku dhaartaa, wuxuu ku dhaartaa iyada iyo wixii dul saaran oo dhanba. 21 Oo kii macbudka ku dhaartaa, wuxuu ku dhaartaa isaga iyo kan dhex degganba. 22 Oo kii jannada ku dhaartaana, wuxuu ku dhaartaa carshiga Ilaah iyo kan ku dul fadhiyaba.
23 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, reexaanta iyo kabsarta iyo kamuunta toban meelood ayaad meel ka bixisaan, oo waxaad dhaafteen wixii sharciga ugu cuslaa, waxaa weeye xukunka iyo naxariista iyo iimaanka. Waxaad lahaydeen inaad waxan samaysaan oo aydnaan kuwa kale dhaafin. 24 Hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo kaneecada iska miira oo awrka liqa.
25 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, koobka iyo saxanka dushaad ka nadiifisaan, laakiin gudaha waxaa ka buuxa dulun iyo damacbadnaan. 26 Farrisi yahow indhaha la'u, horta koobka gudaha ka nadiifi in dushiisuna nadiifsanaato.
27 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad u eg tihiin xabaalo la caddeeyey, kuwa dushoodu u eg tahay wax qurxoon, laakiin hoosta waxaa ka buuxa lafo dad dhintay iyo wasakh oo dhan. 28 Sidaas oo kalena idinku dusha waxaad dadka ugu eg tihiin dad xaq ah, laakiin gudaha waxaa idinka buuxa labawejiilenimo iyo dembi.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya